Waa qaybtii labaad ee wareysigii taariikhiga ahaa ee aynu la yeelannay Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud.
![Prof-Saleebaan]()
Qormadan maanta isaga oo ka warramaya xilliga iyo meesha uu aqoonta sare ku bartay waxa uu yidhi “Sannadkii 1964kii ayaa waxa aan tegay Mareykanka, Jaamacadda Empolio State University ayaan ka soo qaatay degree-gii koowaad waanan soo noqday oo toddoba sanno ayaan shaqeeyay. Iskuulkii Sare ee Camuud ayaan ka noqday maamule, maamule ku xigeen iyo macallin dugsi sare. Intaas dabadeed Wasaaraddii Waxbarashada ee Dawladdii Soomaaliya ayaan ka noqday Agaasmisaha dugsiyada sare iyo farsamadaba. Kaddibna waxa la ii beddelay Jaamacaddii Lafoole oo aan anigu codsaday.
Waxa aan Lafoole ka noqday bare, kaddibna waxa aan Agaasime madax ka noqday waaxda waxbarashada iyo cilmi-nafsi (department of education and pyshcology), haddana waxa aan ka noqday hormood-ku-xigeen, markii dambena hormood (dean) ayaan ka noqday. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay sannadkii 1975kii, kaddibna waxa aan ku soo sameeyay takhasuskaygii Jaamacadeed, waxaanan dib ugu soo laabtay Jaamacaddii Lafoole oo aan ka hawl-galay”. Aqoonta uu Saleebaan Axmed Guuleed soo bartay ee uu kaga hawl-gelayay Jaamacadaha muddada ka badan afartanka sanno waa cilmiga “educational pyshcology
Professor Saleebaan oo ka warcelinaya su’aal ku saabsanayd inuu ka warramo qaar ka mid ah ardaydii ay wax isku fasalka ahaayeen xilligii uu ardayga ahaa iyo ardaydii uu macallinka ama maamulka u noqday waxa uu yidhi “way badan yihiin. Kuwii aanu isku fasalka ahayn iyo ardayda aan wax u dhigay waxa hadda Hargeysa ishu ay qaban kartaa ardaydii aan wax u dhigay. Ardaydii aan isku fasalka ahayn waxa ka mid ah Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, Ibraahin Shuuriye oo geology-ga jooga iyo kuwo badan oo kale. Intooda badani waxa ay noqdeen qurbe-joog, waxa aan arkayay Cabdi Xuseen Ciise oo isna dhawaan dalka ku soo laabtay. Waxa ka mid ahaa Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Ismaaciil Duse) oo isna jooga laba fasal ayaan u horreeyay.
Raggii iyo ardaydii aan macallinka u ahaa way fara-badan yihiin waanay joogaan oo intaa “ustaad” ayaa la yidhaahdaa waxaana ka mid ah wasiirro iyo masuuliyiin kale. Waxa ka mid ah Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Dr Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Professor Ismaaciil Muumin Aar Wasiirkii hore Hawlaha Guud, Samsam Cabdi Aadan oo hadda aniga wasiir ii ah (Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare), markaa dadku way badan yihiin kuwo hore iyo kuwo dambeba. Raggii aan hormoodka ugu ahaa Lafoole waxa ka mid ah Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda”.
Iyada oo aan marna la illaawi karin doorka mahuraannimo ee macallimiinta meel kasta oo ay joogaan, waxa aan qormadan dhextaal uga dhigayaa tix magaceedu yahay macallinka oo sheegaysa kaalinta laf-dhabar ee barayaashu inoogu jiraan.. Soona baxday sannadkii 2006-da.
Waxa meerisyadeeda ka mid ah
Maamuus haddii ruux la siin, magacna loo yeeli
“Mansab iyo haddii kaalin sare, midig la saaraayo
Qof u mudan milgayn loo taxoo, lagu mafsuudsiiyo
Inuu yahay midkii macallinaan, muran ka taagnayne
Miisaanka wuu weyn yahoo, maragyo loo sheegye
Maskaxdiyo wuxuu daaddahshaa, maanka soo koriye
Malaayiin qof buu soo baxshaa, oo muraayad ahe
Barbaartuu halkii midho lehee, uu mankuna buuxo
Geedaha magoolaaya geyn, una miciinaaye
Masaggadu waxay quud u tahay, muruqa waaxyaha’e
Aqoontana naftaa maasha oo, lagu macsuumaaye
Cilmi baa ka soo maaxda oo, lagu majeertaaye
Misbaax weeye nuur faafiyoo, ruux ma mooggana e
Madaxdiyo dadkii talo qabtee, xilalka loo meersho
Isagaa duruustii macaan, muudshay goor hore’e”
Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo aannu weydiinnay xilliga uu ka tegay Jaamacadda Lafoole iyo shaqooyinkii kale ee uu qabtay intii uu joogay magaalada Muqdisho waxa uu yidhi “Xilliyadii dambe waxa aan Jaamacadda Lafoole ka noqday la-taliye, waxa aan sidoo kale la-taliye u ahaa Haayadda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNCHR. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay xilligii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, walaw aanan xilliyada dambe qaar joogin”
Haddaba halkee ayuu u wareegay Professor Saleebaan Axmed Guuleed markii ay dagaaladdu ka bilaabmeen Caasimaddii Soomaaliya? Shaqooyin noocee ayuu qabtay intii aan dib la Jaamacadda Camuud oo ah tii koowaad ee Somaliland laga furo. Isaga oo taas inoo sharxaya Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu yidhi “
![Prof-Saleebaan]()
Waa qaybtii saddexaad ee wareysigii taariikhiga ahaa ee aynu la yeelannay Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud.
Qormadan maanta isaga oo ka warramaya halkii uu tegay markii laga qaxay magaalada Muqdisho iyo hawlo dhanka waxbarashada, siyaasadda iyo horumarinta ah oo uu door ka qaatay waxa uu yidhi “Markii ay Soomaaliya burburtay waxa aan muddo shan illaa lix sano ah joogay magaalada Addisababa ee waddanka Itoobiya. Kollay anigu siyaasi ma ahayn ee waxa aan ku hawllanaa horumarinta bulshada (community development), inta badanna waxa aan ku lug lahaa Soomaalida Itoobiya aniga iyo Dr Cabdimajiid Xueen Alle ha u naxariisto’e. Ogowna waxa aan ku dhashay reserved area oo nin laba dal-le ah baan ahay. Sidaas ayaanan wax ula qabanayay.
Markii aan halkaa tagnay waxa ay Soomaalida Itoobiya lahaayeen laba iyo toban urur. Waxa aan ku dedaalnay inaan mid keliya iskaga dhigno, waanan midaynnay oo aniga ayaa Guddoomiye u noqday. Hal urur oo la yidhaahdo (Ethopian Somali Democratic League) oo ku shiray Diridhaba.
Anigu waanigii ku idhi siyaasi ma ahayn oo xilna ma rabin. Markii aan isu geynnay waxa aan Guddoomiye uga dhignay Dr Cabdimajiid Xuseen Alle ha u naxariistee oo shaqo fiican ka qabtay, wasiirna ahaa. In aan hoggaan noqdana waan diiday oo siyaasadda ayaan xiise badan u haynnin. Waxa xoghaye guud loo doortay Shamsuddiin Axmed Rooble oo Wasiir ku-xigeen noqday imakana ah danjiraha dawladda Itoobiya u fadhiya dalka Kiiniya.
Intii aan Itoobiya joogay, hawlaha kale ee aan la dhaqaajinnay waxa ka mid ahaa hirgelinta afka Soomaaliga maadaama oo ay Itoobiya oggolayd inay qawmiyaduhu afafkooda wax ku qoraan. Waxa aannu afka Soomaaliga ka hirgelinnay dawla-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markaa ahayd kililka shanaad. Xitaa Gobolka Oromomiya oo aanu markaa afkoodu qornayn waxa aanu la qornay luqaddooda oo aan higgaaddoodana u raacnay qoraalka Laatiiniga (Latinic script”.
Haddii aan halkaas sharrax kooban raacinno, qoraalka Laatiiniga ahi waa far-qoraalka ay hadda ku dhisantahay higgaadda Soomaaliga ee B, T, J, X,……. Higgaadda Ingiiriska ee A, B, C, D ayaa iyana fartaas ku aroorta… Waa fartii ay adeegsan jireen Roomaaniyiintii hore (Ancient Romans).
Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo sii wada habkii ay Shucuubta Oromada uga gacan-qabteen inay qoraan afkooda waxa uu yidhi “waxa aanu u dirnay qolyo Soomaali ah oo aqoon-is-weydaarsiyo (work shop) u qabtay. Waxoogaa ayaannu abaabul ka galnay horumarinta Soomaalida Itoobiya”.
Markii la gaadhay sannadkii 1996kii, oo ah xilliyadii la waday shirarkii ugu dambeeyay dedaalladii lagu af-goynayay colaadihii waddanka ka dhacay intii u dhexaysay 1991-1996kii waxa uu Professor Saleebaan u soo wareegay Somaliland, waana kan isaga oo xog-warrankii sii amba-qaadaya “Gu’gii 1996kii waxa aan u soo wareegay Somaliland waxaanan bilawnay haloosigii iyo hindisihii lagu dhisayay Jaamacadda Camuud. Jaamacaddani waxa ay ahayd meel biyo-shub ah oo ay ku kala baydheen biyihii welwelka, iska hor imaatinka iyo rejo la’aanta iyo biyihii naruuradu. Fekradda aasaaska Jaamacadda Camuud waxa lahaa oo noola yimi muwaaddiniin qurbe-joog ah oo Sucuudiga iyo dalal kale ku kala sugnaa. Hirgelinta waxa u kacay koox (team) aan anigu ku jiray hormoodna u ahaa. Walaw si weyn na loo taageeray. Runtii Jaamacadda ma ay lahayn reer Awdal keligood, ha ahaadaan kuwa fekerka samaynta iyo dhismahaba hormoodka ka ahaa. Laakiin reer Somaliland oo dhan ayaa ka qayb qaatay.
Weliba waxa qayb ku lahaa hirgelinteeda Soomaalida kale ee dibadaha ku maqan. Saddexdii sannadood ee u horreeyay waxa aad nalooga soo taageeri jiray qurabaha. Waxa aannu arkay inay cirka ka soo muuqato daruur kor u qaadaysa oo noolaynaysa rejada dhallinyarada Somaliland. Dhallinyarada ayaa suuqa wada joogay: mid jaamacaddi ka joogsatay, ku dugsi sare ka baxay iyo mid dugsi dhexe ku jirayba, dhammaantood yididdiilo la’aan ayay ku jireen intii markaas dibadda u tegi kari weyday waxbarashada.
Suudaalka (tahriibka) qudhiisa oo markaas jiray waxa qayb ka ahaa inay dhallinyaradu waxbarasho sare u doontaan waddamada caalamka. Waxa muhiim ah in la ogaado in nabadda qudheedu ay ku xidhan tahay da’yarta, ee maha aha oday sidayda cimri badan jiray, waase loo baahan yahay oday hoggaamiye ah oo bulshada haga. Kuwa Soomaaliya ka degi la’dahay waa dhallinyarada ”
Isaga oo Professor Saleebaan sii iftiiminaya ujeeddooyinka salka u ahaa in la hawl-galo furitaanka Jaamacadda Camuud oo ah hooyada Jaamacadaha Somaliland waxa uu yidhi “…………….”
La soco qaybta 4aad haddii Alle idmo.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com