DAAWO Qudbad uu Madaxwene Xigeenka DDS Ethoipia Mawliid Haayir Iyo Xuska Maalinta Xoolo-Dhaqatada DDSI Oo Si Wayn Looga Xusay Magaalada Jigjiga
DAAWO Qudbad uu Madaxwene Xigeenka DDS Ethoipia Mawliid Haayir Iyo Xuska Maalinta Xoolo-Dhaqatada DDSI Oo Si Wayn Looga Xusay Magaalada Jigjiga
Madax Muuqda iyo Mindi Saawira Midna Lagama Quusto. By; Shabcaan Cilmi Boodheri.
Dhallinyarada sabankan ayaa ah kuwo ka nasiib badan aabbayashood ama awoowyaashood sababta oo ah waxa ay fursad wanaagsan u heleen inay bartaan aqoon iyo tacliin tayo sare leh oo tilmaam ahaan la jaanqaday dunidda horumartay. Sidaas oo ay tahay haddana marka ummad laga hadlayo jiritaankeeda nololeed waxa la yidhaahdaa dhallinyarada maanta waa mustaqbalka berri oo u taagan dhaxalka dadka iyo dalkooda.
Dhallinyaradaasi marka hanti yaan maamulka ummaddooda waxa ay dadaalka hiigsigooda ka qaadaan halkii ay dhigeen aabbayaashood iyaga oo u kuurgalaya khaladaadkii hore uga waalidiintood kana taxadiraya jaranjarooyinkii ay ku jabeen awawyaashood.
Tusaale ahaan dhallinyarada reer Awdal ee maanta joogta waxa ay u muuqdaan kuwo ka faa’iidaystay aqoontii dib u soo kabashada kadib markii uu burbur ballaadhan ku habsaday dalka Soomaaliya sidaas darteed dhallinyarada reer Awdal laga sugayaa in ay maanta door weyn ka ciyaaraan wax kasta oo ka khaldamay ummaddooda oo ay si indho furan ugu soo banbaxaan kobcinta saaxada siyaasada ee gobolladooda si bulshadu uga baxdo arrimaha rakaadiyey ama curyaamiyay hiigsigii iyo horumarkii ka hanaqaadi lahaa deegaannada reer Awdal.
filayaa inay saxaan khaladkii hore ee ay galen salaaninta dhaqanku beel ahaan, sidoo kale inay door muuqda ka ciyaaran siyaasada gobolka iyo dalkaba, islama markaana la jaanqaadan horumarka guud, Taasi oo sida
Haddaba maadaama gobolladda Awdal, Salal iyo Gabiley ay ku jiraan meeshii ugu hoosaysay ee dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha waxa su’aasha taagan tahay dhallinyarada Gadabuursi ee wakhtigan jooga ma laga filan karaa in ay wax wayn ka badali doonnaan xaalada imika taagan?
Sida cad ama la sheego isbadalka mustaqbalka waxa laga sii saadaaliya waxyaabaha taagan hada waana halka ay Soomaalidu ka tidhaahdo “Qofka waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto”. Taasi oo ujeeddada aan u socdaa tahay in dhallinyarada reer Awdal keeni karin isbedel salka ku haya horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaalaha oo ka curta deegaanka Gadabuursi.
Laga yaabo in aragtidaas aan qabo mid ka duwan ay hadhsanayso qalbigaaga iyo maanka maskaxdaada balse anigu waxa aan saadaalinayo waa tijaabo aan dareenkeeda taabtay kadib markii aan diiradda caqligayga ku daawaday ficilada iyo saansaanta dhaqanka ay imika leeyihiin oo runtiina maxsuulkii ii soo baxay markii aan miisaanka qiimaynta saaray ogaaday in tacliintii ay barteen waxba aanay u kordhin koriinka aqooneed ee noloshooda. Markaa anigu ma filayo isbedel yimaada iimana muuqato rajo wax ku ool ah oo dhallinyarada reer Awdal horumar wanaagsan ku samayn karaan mustaqbalka.
Marka aan hoos u soo gondadego arrimaha dhallinyarada maanta ee la xidhiidha dhinaca dhaqanka bulshada waxa ay noqdeen kuwa haysta dariiqii salaadiinta ama oday dhaqameedka ee reernimada ku salaysnayd sababta oo ah waxa ay isku hayb soocaan ama iskula socdaan nidaam beeleed. Inta badana marka la joogo meelaha bulshadu isku timaado waxa ay indhahaagu qabannayaan ama arkayaan dhallinyaro ku saaxiibay ama isku raacaya sifo qabiilnimo. Taas waxa ay saldhig u noqotay in mararka qaar aad arkagto labo ama dhawr qof oo waligood aan saaxiib ahayn balse reernimadu kulmisay kuwaas oo inta badan ka sheekaysta hawlaha la halmaama qabyaaladda.
Sidoo kale waxa jira shakhsiyaad la yidhaahdo ‘Siyaasiyin’ oo iyaguna sii hurinaya kala fogaanshaha ama dheeranshaha dhallinyarada iyagoo ku raadinaya dano gaar ah sida magac, mansab ama maal kuwaas oo marka ay danahooga gaadhan aan waxba u qaban dhallinyarada iyadda oo arrintan muddooyinkii u dameeyay dhallinyarada dhexdooda ku yeellatay saamayn iyo raad fool xun oo rakaadiyey is dhexgalkii wanaagsanaa ee ay ku soo barbaareen dhallinyarada reer Awdal.
Dhinaca kale baraha bulshadu ku xidhiidho ayaad maalmihii u dambeeyay ka dheehan kartaa heerka kala fogaanshaha dhallinyarada iyagoo marka arin xasaasi ah timaado ay la kala saftaan dhinacyada is haya, waxaanad arkaysaa dhalinyaro taageerayay fikirka nin ay isku reer yihiin sax ama khalad ha ahaado dhibta ugu weyna waxa abuuray oo keenay dad magacyo been abuur ah samaytay oo aflagaadaynaya dadka biri magaydada ah ee ay ka mid yihiin salaadinta iyo odayada dhaqanka. Waxa taas kasii daran in baraha bulshada oo ah meel cid walba isticmaasho cadaw iyo sadiiqba ay dhallinyaradu ku soo bandhigayaan ceebahooga gaarka.
TUSAALE maalin dhawayd ayaan soo dhigay bartayda facebook qoraal aan kaga hadlayo khilaafka labada garab u kala jabay ee salaadiinta, waxa fikirkooga kasoo dhiibtay boqolaal dhalinyaro ah oo la kala safan labada dhinac iyadda oo mid walba uu ku taageerayo kuna difaacayo reerkiisa, runtii hadalada lagu soo qorayay ayaa ahaa kuwo ay ka muuqato xumaan iyo aflagaado iyadoo aan waxba la xeerinayayn. Maalintii labaad waxan soo dhigay maanso kooban oo eraydeedda ay ka mid ahaayeen.
· Gulufkeena kala lumay
· Saamigeena wali maqan
· Horta godobta yaa leh
Taas oo aan tijaabinayay bal in wax guud ee inaga wada maqan si wadajir ah looga hadlo loona raadsho ayaa runtii nasiib darro qofna kama hadlin. I jiid aan ku jiido waa gacmo daalis, waxan aaminsanahay in ciyaal iyo cirooleba aan dib isku saxno oo aynu heerka Tolnimada inaga taagan tahay aan dib u eegis ku samayno oo danta guud laga tashado iyo sidii wax inaga maqan loo heli lahaa laga fikiro Soomaaliduna waxa ay ku maahmahda EY IS CUNAYSA WARAABE ISKAMA CELISO, taasi oo macnaheedu yahay inta inagu isku maqanahay ayuu cadawguna inaga maqan yahay, hadaba waxa loo baahan yahay in isbadal muuqda lala imaado oo ilaa aynu inagu dib isku saxno cid kale aan la qabsan.
Guntii iyo gabogabadii MADAX MUUQDA IYO MINDI SAAWIRA MIDNA LAGAMA QUUSTO sidaas darteed waxa aan rajaynayaa in dhallinyarada reer Awdal sidan iska badasho oo aayahooga iyo aayaha ummaddooda si wadajira uga tashan doonaan Haddii Illaahay idmo waxaanan Eebbe ka baryayaa in kuwa dhabarkooga ku jiraa ay noqdaan kuwo dadka iyo dalkaba jecel oo ka shaqeeya horumarka mustaqbalkooda.
Guul iyo gobonimo
Shacbaan Cilmi Boodheri
E-mail; Shacban9@hotmail.com
Daawo: Boob, Kufsi Iyo Dil Ay Askarta Siilaanyo Habeenkii Ugaystaan Shacabka Reer Borama Iyo Bulshada Oo Arintaa Ka Qayliday
Siiraanyoo Cadaamadii Somaliland ku Dhimatay, Cunto Bilaa Milixana kadhigay Somaliland.
Salaanta islaamka ayaan inigu salaamay salaan ka dib .
Ammuuraha ma kaadsado ninkay kado shidaysaaye. ALOOW SAHAL LIBAAX SEEXDAY BAY NIMAN SALAAXEENE
Dubnada haddad ciyaartaan waxaad taqaanaan in haday cadamadu kugu dhimato in lagaa badshay hadaba SULDAAN Wabar …Siiraanyo iyo Somalilandba waa ka badshay.Ball waxa qaylo ka yeedhay fiirsha oday, islaan, Suldaan,, iyo Siyaasiba.yaa is gaadhay maa la hagaajo Suldaanadii sida milgaha iyo sharafta leh u yimid Tabashada Hargaisa. Ma iska qabataan inaka yar ee Gaaban ee (Xirsi) ee odaygii(Siraanyo)iyo Somalilandba aakhiro u diray.Imika meel lagasoo qabto ma leh. Inta umadi Cadaalada ka Fogaato ayaa khayrka iyo nabaduna ka fogaataa xagee lagu arkay reer dhan oo saxii qalad u haysta qaladkiina sax u haysta .ma in taasay qiiradu i Somaliland iniga ahayd. Haddad Somaliland jeceshihiin ma umada dulmiga ka daysiin iniguna dhaxdiina iska daysaan. Bal Hadaan tusaale usoo qaato dagaalka Kalshaale. Maxaa laga faa, iday haddii mid kale Galbeed ka dhacana sow kama darna.Salaan iyo kala taga maaha.Waxaa marag ma doonta ah in marwalbana darisnimada iyo wanaaga l dhowro Qabiilka dhexe waxay isticmaashay hanjabaad iyo waliba duulaan ayna u kala hadhin maamulka Somaliland, wax kale iska daaye culimada qaar baa sharciyeeyay dagaalka .hadaba dhaqanku wuxuu ahaan jiray in odayaal dhaqameedku had iyo jeer is barbar taagaan xalinta khilaafaadka iyo inay wanaag ka raadiyaan meeshii wax ka dhacaan.Waxaa ayaan daro noqotay Qabiilka Dhaxe inay xitaa kuwa suldaamada guud ee beelah isaaq ay iclaamiyeen > in ninkii naaska hashiisa gaadhayaaba inuu dagaalka galo , waxaa hadaba is waydiinle dagaalka ayaa dani ugu jirtaa,
Arinkan imika taagan ee Suldaan Wabar ee ciidamada la dul dhoobay Aaway xikmadii iyo caqligii. Qabiilka dhaxe kaligii dawled ma noqon karaa mar haduu kasban waayay dariiskii oo mid u dagaalo iyo mid uu boobay xaqiisii ka dhigay kana garaabaynin Cidna yaan la eersan Siiraanyo iyo Xirsi Gaab ayaa halkaas ini dhigay waxiii 23 Sano lagu tabcayna waa Zero iyo bilow danbe ee isaga waydiiya
Waxaan kusoo gaba gabaynayaa
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado.
Inkastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo
Bad kalluun ku jira kay ku tahay amase koob shaaha
Kulligood addoomaha Rabbow qaybshay kibistiiye
Nin waliba wixii loo katibay waa la kulansiin
Ninna inaanu soo korodhsanayn kaa ha la ogaado
Kufri iyo Islaam loo colloow kaysihii hora’e
Kaakici wadaadkii jahaad laguna kaalmeeye
Kumanyaal lag wada duubcad buu keenay Beerdhiga’e
Waxse kadabkii go’ay markii uu kaday raggiisiiye
Kabaalkina wuxuu jabay kolkuu kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Anaa dunida keligey leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma gelin wiilal baa keybka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kaysaha adduun Ina Ammaan kama qarraacnayne
Ragba keeno geli buu is yidhi waad u korraysaaye
Isba kii arsaa’ilay ma hadin kamana yaabayne
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Ninkii koob nimco ah fuuqsada kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horey Kaafka ugu tiille
Kulligoodba Reer Hagar anaa kiin ahaa dilaye
Kamma’ Sugulle waagii sidii kuray carruureede
Kasxumaa waddaye naagta waa kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Ammuuraha ma kaadsado ninkay kado shidaysaaye
Kalaamkuu lahaa Ina Gallaydh kahay gadaalkiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kelyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Lixda koose Reer Cali Geree kaw isaga siiyey
Kasiwaaye wuxu waa qabaal waana kabannaaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Nin kuwaa ka dhigan baan arkaa kadab u laabnayne
Karraysaha intuu buuxsaday oo kaman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Ka shib dhaha Islaamow naftii kii ladnaa gadaye ●
Nin Walba Dagaankiisu ha Deeqo DARISNIMADA IYO WALAALNIMADA
HA LA DHAWRO.
Hassankhadar Jama
Breaking News: Magaalada Borama oo Caawa Xabadu Afarta Jihoba Ka Socoto iyo Dagaal Aan Wali La Garan Cida uu u Dhaxeeyo oo Ka Socda…
Borama ( Harowo ) Magaalada Borama oo Caawa Sida Warar Lagu Kalsoon Yahay oo aanu ka helayno noo xaqiijiyeen dagaal xoogan oo xabadu afarta jihoba ka socoto ka bilaamay dagaalkan ayaa dadkii badi hurdadii u diiday waxana magaalada borama laga maqlayaa dhawaqaa nuucyada kala duwan ee hubka.
Mar aan la xidhiidhnay dad ku sugan gudaha magaalada borama ayay waxa noo xaqiijieen inay xaalad adag ku sugan yihiin naftoodana u cabsi qabaan laakin warar noo xaqiiya dagaalkan bilaamay cida uu u dhaxeeyo maanu helin waanse ku raad joogna si kasteba ha ahaate waxa waayadanbe jiray Jabhad xoog badan oo Suldan Wabar Hogaamiyo oo la magac Baxday GLM ( Galbeed Liberation Movement) dhaqdhaqaa Xoreynta Galbeed oo wacad ku maray inay xoog kaga saari doonaan dhamaan maleeshiyada snm ee Galbeedka qabsadey.
Ku Xidhnow harowo
wixii warar ee ka soo kordha dagaalkan kala soco halkan
Warar Dheerada oo aan Ka Helayno Dagaal Caawa Ka Socda Magaalada Borama
Borama (Harowo) Dagaalka Caawa saqdii dhexe ka billaamay gudaha Magaalada Borama gaar ahaan Saldhiga Booliska ee Ku yaala badhtamaha Magaalada Borama saacadu markay ahayd ku dhawaad 2:30 habeenimo ayaa waxa la isku adeegsaday hubka fudud iyo ka culusba waxa mar kaliya Magaalada Qabsadey taraysta Xabada iyo Dhawaqa kala duwan ee hubka la isku adeegsadey.
Mudo ila 20 daqiiqo waxay xabadu isweydaarataba wey istaagtey iyadoo dhinaca iyo buurta saw laga maqlayay dhawaqa xabada oo kooban waxase intaas kadib Magaalada ka bilaabmay dhaqdhaaq ayay ciidamada maamulka hargeysa soo dhoobtey Magaaladu sameynayaan.
Dagaalkan ayaa u muuqday mid lagu bartilmaad sadey askarta iyo booliska Magaalada Borama waxana shabakada Harowo la soo xidhiidhay mid ka mid ah booliska Magaalada Borama oo ka gaabsadey Magaciisa inaanu shaacino waxaanu noo Xaqiijiyay “in weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dabley hubaysan oo wali aan la aqoonsan cida ay yihiin labadii iyo badhkii habeenimo rasaas rubuc saac ka badan socotayna ay isweydaarsadeen”.Waxay wararku intaa ku darayaan in Saldhiga kale ee Bariga Magaalada Boorama oo ku yaal Xaafadaha Qoorgaab isagana laga maqlayay dhawaqa rasaasta.
Ila iyo hada ma jiraan warar noo xaqiijiya dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba.
Dagalkan caawa Borama ka Bilaabmay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisaha ah ee ka dhaca Magaalada Borama gudaheeda mudo gaadhaysa ila 20 sano lama saadaalin karo meesha uu saldhigo doono waxase kaliya uu hada u muuqda mid bilaw ah oo dhamaadkiisu uu aad iyo aad u fogyahay.
Waxa mudoyinkan deganada galbeedka ka taagan xiisad iyo saansaan colaadeed oo uu hurinayso maamulka Hargeysa, kadib markii uu soo dhoobay maleeshiyaad ka amarqaata maamulkaa oo dhaac, kufsi iyo boob ku haya dadweynaha, dhanka kalena waxa jira xoogag hubaysan oo aan raali ka ahay maamulka Hargeysa oo u diyaar garoobay inay iska dul qaadaan.
Wixii warar ah ee ka soo kordha xaaladan cusub kalasoco harowo
Shacabka Borama oo xalay xabada qaatay iyagoo ka gadooday dhaca iyo boobka maleeshiyada Hargeysi ka bilowday magaalada iyo Baarlamanka Somaliya oo maanta……..
BORAMA (Harowo)– Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in shacabka Borama rasaas qaateen iyagoo ay horkacayaan dhalinyar taageersan fikirka halganka oo ka gadooday tacadiga askarta siiraanyo keenay Borama iyo cunoqataynta guud ahaan saaran degaanadooda, xiisada Saylac.
Askarta siiranyo kusoo daabulay Borama ayaa bilowday habeenkii budhcadnimo iyo boob iyo midiyo dadka ku weerarayan iyagoo ka boobaya telephone gacmeedka iyo xitaa saliida caruurta loo soo dirsado.
Askartan bariga laga soo waariday oo Borama dib ugu celisay taariikhdii madoobay ee laga soo gudbay ee sagaashameeyadii.
Shacabka gadooday ayaa laga baqayaa inay xaalka amniga meel xun gaadhsiiyaan.
Iyadoo sidoo kale baarlamanka Dawlada Federalka Somaliya ay ka doodayaan maanta in gobolka Awdal loo qoondeeyo maaliyadii uu xaqa u lahaa madaama oo maamulkii Somaliland noqday maamul goboleed u adeega beesha dhexe.
Guryaha loo dhacayo iyo tooryaha dad aan waxba galabsan lagu weerarayo ayaa kor u kacay intii askarta reer hargeysaad la keenay gobolka Awdal.
Waxgaradka iyo hogaanka dhaqanka ee ku shiraya Dooxada Gob ayaa la rajaynayaa inay meel adag ka istaagaan tacadiga askarta Siiraanyo ka geysanayaan Borama iyo dhulboobka degaanada Gadabursi lagu hayo, cunoqabataynta shaqaale iyo saami xumada 23ka sano jirsatay ee curyaamisay shacabka gobolada galbeedka waqoyiga Somaliya oo mamulka Somaliland guri dusha kaga qufushay deeqdii caalamka laga helayayna ku dul cunayo
Jawaab: Xasan C Caynaanow – Naag Garcatey Wasmo Hore Ayey Ku Nabad Gashey
Ku: xildhibaan xasan cawaale caynaan ( af nooli uu hadlaa a’yna uu ciyaa )somalidu waxay tidhaa( naag garcatey wasmo hore ayey ku nabad gashey) ….by Dr.khadar maxamed faahiye.
Xildhibaanka xasan cawaale caynaan waxa aan ku ogaa inan wanaagsan oo edeb badan ,af-gaaban oo macalin qiima leh ah, oo dadku ku daydan,macalinkuna naftiisana uu ixtiraamaa ,dadka kalena uu ixtiraamaa sida wacyigu yahey. Indhaweyd malaha waa lagu soo kordhey xildhibaan ka…..
Xildhibaan wax baa kaa khaldane horta hadalka aad tidhi maaha kii adiga kula gud boonaa! Waayo adigu xildhibaan golaha wakiilada a’ baad tahey , cidina ergo kuu dirsan mayso! Oo ha is moodin guurti !! oo somalidu waxa tidhaa ( dameer fardo la daaqdey dhigoodey is-moodaa) somaliland na reer awdal bari maysid maanta ee iyagaa sameystay Somaliland!! Hadii xanuun kale iyo cadaawadi ku hayso maan sheegin!! Ku darsoo adigu nin jibriil abokor ah ayaad tahey, jibriil abokor uu is dhaamaaye markaasaad sii noqotey ( samatar ismaaciil) hadal kasta oo nin aad isku hayb guud tihiini ama ba sacad muuse ahi ka sheego suldaan ka duurka galey reer awdal iyo salel waxay u aqoon sanayaan hadal cadow, oo qaranimo ka dheer, waayo laba reer oo is ood xigaa colna maaha nabadna maaha.
Waad aamus naan jirtaye ,malaha sidaa saad ku wacneyd! se hanagu af-baranine , reer kiina ayaa hadal kaaga baahane ku af- baro.
Waxa kale la sheegayey in aad tahey wiil abti loo yahey!! Waxa kula gud boonaa gaabsi iyo ixtiraam hadii aanad waalid caaq aheyn !! .
Nin kasta oo sacad muuse ah oo wax ka sheega suldaan wabar samaroon wuxuu u aqoon sanaanayaa hadal cadow yidhi. Reerahaa kale isaaq ee aanaan is ood xigin waa suura gal in aan ka qaato hadalkooda se adiga xildhibaan caynaan iyo beesha aad ka soo jeedo ,midh ku amaahin maayo! Taasna waad ku khaldan tahey.
Somalidu waxa tidhaa ( illowsho dhawaa ma u mulbaa?)Sacad muuse gaar ahaan jibriil abokor dhiig hore iyo deegaan baynu isku haynaa, iyada oo nabaradii hore aaney bogsan wali ogolaan mayno in aad noocaasi u hadasho , adiga iyo qayr kaa toona, hadii kale se soodhkaa la iskula soo gali.
Samaroon dhexdiisa uu is weerari karaa ,iyadoo u jeedadu tahey istoosin ,wax isku sheeg iyo waano tolnimo dhinaca saxaafada oo anigaygan kula hadlayaa ragii ugu hadalka xumaa suldaan wabar ayaan ka mid ahaa u jeedadu se waxay aheyd ( gacantaada oo gubata bogaa la gashadaa) waano, farta ugu fiiqid khalad kiisa iyo hogotu saaleyn bal si uu suldaanku uga soo noqdo xayn daabka se adiga taadu waa ( faruurow maxaa barbara ku geeyey ? faduul ) oo xaafadi xaafad kale waxay ugu wareegtaa waa khalad.
Dr.khadar maxamed faahiye
0364438660
dr.khadar05@gmail.com
Maleeshiyo Budh-cad Badeed ah oo Maamulka Hargeysa ka Amar Qaadata oo Markab Hub u Siday Siday Sudan Badda cas ka Qafaalatay.
Ciidan ka amar qaata mamulka hargeysavayaa Xallay soo qafaashay Markab Hub, Dabaabado, iyo Diyaarado sida oo gudbayay bada cas.
Wararka Hordhaca ah ee naga soo gaadhaya n ayaa shagaya in Saanadan Milatari laga lahaa Waddanka South Sudan.
Siday Wararku sheegayaan saanadan milatari oo si sharci ah uga goooshaysa xeebta badda cas waxa illaa imika qafaalasho budh-cad badeednimo ah ku haysta maleeshiyada maamulka Hargeysa.
VIDEO: Yaynaan Noqonin Doqontii Gudcur madow iyo Geed hadhkii kala garan weyday, Nin Dameer Fuula iyo Diyaarad fuulaba Halganka waa la wada galayaa
Faallo; Doorka Aqoonyahannada Reer Awdal Ku Leeyihiin Warbaahinta Dunidda. By; Abdirisaaq Mohamed Barkhad.
Marka aan sawir guud ka bixinnayno macnaha dhabta ah ee ku hoos duugan amma uu huwan yahay mansabka “Aqoonyahan“, waxa aan si kooban u odhan karnaa waa indhaha bulsho wax ku aragto amma u bildhaamiya hiigsi ka qarsoon oo hadafkooda wanaagsan ee mustaqbal ku jiro waana dadka garaadka culan iyo xikmada fiican u weeleeya ummaddooda. Haddaba waxa isweydiin mudan aqoonyahanka reer Awdal ee maanta jooga dalka gudihiisa iyo dunidda dacaladdeeda immisa qeybood bay u kala baxaan? Su’aashan oo qoddobo kala duwan kalwinaysa aan jawaabta ku soo koobo labo qeybood oo kala ah.
1. Aqoonyahan wanaagsan
2. Aqoonyahan jahwareersan.
Aqoonyahanka wanaagsan waxa ay leeyhiin aragti fog oo aad u fiican, wax badan oo horumar lehna waxa ay u qabtaan ummaddooda iyo wadankooda. Dhab ahaantii waa kuwo awood u leh in ay xaliyaan xiisadaha ka dhex curta gudaha bulshaddooda ee inta badan salka ku haya khilaafka amma dhibaatooyinka ay keennaan dhaqanka iyo caaddaadka soojireenka ah sidoo kale waxa ay kobciyaan oo ay koriyaan siyaasada iyo dhaqaalaha bulshada ay ka dhasheen. Guud ahaan aqoonyahanka wanaagsan waa iftiinka dhabta ah ee ummad ku faani karto isla markaana kaga horumari karto dhigeeda kale sababta oo ah waa hoggaamiyayaal qaali ah oo mabda’ leh, naftoodana iyo tallaabada ay qaadayaana ku qaba kalsooni buuxda, isma sheeg sheegaan dadweynaha se tilmaamsada oo tiigsada hadba halka ay joogaan maxaa yeellay?, waa aamin bulshaddoodu ku kalsoon tahay kuwaas oo hadh iyo habeen u halgama oo naftooda, maalkooda & wakhtigooda ba u hura sidii ay dadkooda dhibka haysta uga saari lahaayeen misna u horumarin lahaayeen dalkooda. Lodkani waa kuwa hindisay ee hirgeliyay dhisaha Jaamacadaha da’yarta reer Awdal u horseeday maanta ilayska iyo iftiinka tacliinta sare, waa ragga abuuray barnaamijo waxtar leh oo door muuqda illaa maanta kaga jira kaabayaasha nolosha bulshada reer Awdal sida xarumaha caafimaadka, wadooyinka laamiga ah, biyo iyo laydh labo caano maal kala go’ lahayn iyo weliba hiigsiga maanta socdo ee qorshaheedu la xidhiidho dhidiba u taagista dhabada amma marsada dekeda Lughaya.
Aqoonyahanka jahwareersan waa kuwa naftooda oo keliya ka fekera ee naf kale in ay horumar la wadaagto aan ku hamiyin, aragtidoodduna badanaa waa mid wax dhaliisha waxaana ay had iyo jeer diyaar u yihiin in ay shisheeyaha u shaqeeyaan amma u addeegaan oo ay dadkooda iyo dalkoodaba baabiyaan, hamigooduna waa in ay awood iyo xukun aan tolkood badhitaalayn helaan, waana labo wajiilayaal marba meesha ay joogaan midabkeeda isu ekaysiiya, wax mabda’a ah kuma socdaan sidaas oo ay tahay haddana kuwa hadaf toosan ku shaqeeya ee dadkooda iyo deegaankooda u addeega ayey goor iyo ayaan eeddeeyaan. Inta badan waxa uu wakhtigu kala lumaa arrimo aan faa’iido ugu jirin naftooda iyo jiritaanka dadka ay ka dhasheen waxaana ay ka shidaal qaataan aqoon aan garaad wanaagsan ku dhisnayn, mararka qaar carabkooda waxa ay u isticmaalaan sida hubka wax gumaada oo kale maxaa se ugu filan deegaankoodu waa ka aradan yahay talo soo jeedintooda dadka badankiisu u qabaan in ay tahay mid toosan oo togan. Lodkani wax cusub bay odorosaan haddana aragti midkii hore ka duwan ayey ku dhex milmaan waxa ay diidan yihiin iyo waxa ay doonnayaan lama yaqaan, bulshadoodu way u hanweyn tahay haddana war iyo wacaal kama hayaan waxa ay ku sugan yihiin, waa jirjiroolayaal dadkooda marka ay dhex joogaan iska dhiga in ay u soo jeedaan haddana way ka sii jeedaan.
Doorka warbaahinta ay ku leeyihiin aqoonyahanka reer Awdal.
Marka aan u soo gonda-dago dulucda amma nuxurka qoraalka waxa weeyi doorka aqoonyahanka reer Awdal uu ku leeyahay warbaahinta dunidda oo aan u kala qaadayo saddex qeybood.
1. Aqoonyahan ka gudbay xuduuda deegaankooda.
Kooxdan waxa ay la baxeen aqoonyahannada aan xuduuda lahayn waxaana aragtidoodda marti geliya Idaacaddaha waa weyn ee dunidda sida BBC London, VOA iyo Al Jazeera. Inta badana waxa ay jecel yihiin in ay ka waramaan amma laga wareysto gad-gadoonka cimiladda adduunka, isbedelada ku yimaada dhaqaalaha caalamka, dib u dhaca ku habsaday qaaradda Afrika, nolosha wadamada saboolka ah amma soo koraya iyo weliba saadaasha mustaqbal ee dalka Soomaaliya.
2. Aqoonyahan xishooda oo xambaarsan aragti dhuumanaysa.
Kooxdan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ba way joogaan meelaha fadhi ku dirirka iyo naadiga majaalista marka la fadhiyana waxa ay ku dooddaan oo ay yidhaahdaan ummaddeenu kan iyo keer bay u baahan tahay amma rabtaa marka makarafoon iyo cod baahiye la hoos qabtana aragtidoodu way xishootaa fekerkooduna wuu is gaabiyaa waxaana ay ku tiraabaan waa la igaga wanaagsan yahay waxa aad I weydiinayso.
3. Aqoonyahan codkoodu maanta curdin yahay.
Kooxdan oo immiga socod barad ku ah warbaahinta dunidda waxa ay muddooyinkan dambe ka soo muuqdeen fagaarayaasha dooddaha ee lagu gorfeeyo siyaasada kuwaas oo laga daawado Telefishanada ku hadla Af Soomaaliga ee xarumaha kala duwan ku leh Waqooyiga Maraykanka iyo dalka UK. Inta badan aqoonyahannadan waxa ay faaqiddaan oo ay ka faalloodaan isbedelada ku dhacay siyaasada gobollada galbeedka gaar ahaan sooyaalkii siyaasaddeed ee uu soo maray gobolka Awdal.
Haddaba aqoonyahanka reer Awdal ee Telefishanada Soomaaliga soo hor fadhiista waxa aan u kala qaaddaynaa labo qeybood.
1. Qeybta koowaad waa kuwo xog ogaal u ah marxalladihii kala duwannaa ee dadkoodu soo maray marka ay ka waramayaana aad bay ugu nuux-nuuxsadaan hagardaamooyinka dadkooda iyo deegaankooda lagu go’doomiyay waxa kale oo ay si aan gabasho lahayn u sheegaan dhibta maanta haysata dhulkooda dabcan aragtidooda ayey qaab fiican u soo bandhigaan. Taas oo salka ku haysa sida ugu fudud ee looga bixi karo dhibaatada jirta sidaas darteed kuwani waxa ay ku amaanan yihiin sida ayna cidna uga haybaysan marka ay hadlayaan sababta oo ah waxa garaadkooda wanaagsan gartay waajibka ka saaran ummaddooda.
2. Qeybtan labbaad waa kuwo u dhuun daloola dhibaatooyinka haysta dadkooda iyo deegaankooda bal se marka ay muuq baahiye soo horfadhiistaan ee wax laga weydiiyo arrimaha ku gadaaman ummaddooda way iska indho tiraan isla markaana waxa ay amaan iyo maxabo kula dul dhacaan siyaasada Axmed Siilaanyo. Intaas oo dhan waxa ay u sameynayaan waa ha lagaaga yeedho Hargeysa si aad uga mid noqoto masuuliyiinta Xukuumadda. Marka ay kuwani hadlayaan waxa ay addeegsadaan erayo isticmaalkooda qofkii damiir leh ka yallaaligoodo sababta oo ah waxa ay muujiyaan ducuf iyo doc is dhig aan dareenkeeda lala qabin sidaas darteed waxa ay ku dhaliilan yihiin sida ay dadkooda uga habradaan in ay warbaahinta uga gudbiyaan baahiyaadkooda sababta oo ah waxa garaadkooda hooseeya garab marsan yahay waajibka ka saaran ummaddooda.
“Ninkii timir abuuriyo, ninkii tiin tallaalaba, taariikhdu waa warin”.
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com
QALALAASAHA AWDAL
XAL U HELIDA KACDOONKA HUBAYSAN EE WABER IYO SHIDE
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Galbeed (GLM) oo Ka Warbixiyay Dagaal Borama ka Dhacay Sheegayna Halganku Inuu Soconayo Nin Neceb iyo Nin Jecelba
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Galbeed (GLM) oo Ka Warbixiyay Dagaal Borama ka Dhacay Sheegayna Halganku Inuu Soconayo Nin Neceb iyo Nin Jecelba
Abgaal Maxuu Nabada Borama ugu Hanjabayaa in uu Burburin Doona????
Abgaal oo Ku Hanjabey Inuu Nabada Borama Khalkhalinayo Raalina uuna Ka ahayn Aminigeeda + Daawo
Dhawaqii Sul. Wabar oo Dhulgariir ku Riday Hargeysa – Saylici iyo Wasiiro Madaxtoyada La Tegay Qorshe Lagula Dagaalamayo Jibriir Yonis Beeshodana Lagu Hubeeyo iyo Wasiir Kashifay Shirqoolka – Muuqaalo Cadayn ah + Warbixin
Borama (Harowo) :- Arrimo xasaasiyad badan oo is barkan oo Bilihii ugu danbeeyay si hoose iyo si toos ahba uga socday Guud ahaan Gobolada Galbeedka ayaa waxa soo shaac baxaya shirqoolo hoose oo qaar ka tirsan beelaha Gadabursi u maleegayaan beelo walaalahood ah.
Habada 04 Dec 2014 Waxa gooni isutaaga gobolada Galbeed ku dhawaaqay Suldaan Abibakar Cilmi Wabar. Dhawaqa suldanka ayaa ka dambeeyay dibin daabyo badan iyo duudsi uu maamulka Hargeysi ku sameeyay beesha Gadabursi ee ku dhaqan galbeedka waqoyiga Somaliya.
Cadayn Muuqaal ah Daawo – Suldaan Wabar oo ku Hadlayaa Afka Beelaha Gadabuursi
Dhawaqa suldaan Wabar wuxu Dhulgariir ku riday mamulka Somaliland. Mamulka Somaliland wuxu sameeyay isku dayo badan oo uu doonayo inuu kaga hortago hadafka Suldaanka iyo siyaasiyiinta la socda isla markaana uu soo afjaro dhaqdhaqaaqa uu ka bilaabay degaano ka mid ah gobolka Awdal. Taasi markay u suurto gali wayday suldaankuna dabada galiyay dalka Itoobiya waxay u carareen dhankaa iyo Addis ababa, balse waxay kala soo kulmeen waji gabax.
Intaas uun kuma joogine waxay soo dhoobeen maleeshiyo beeleedyo u badan tuug iyo dib jir baahan oo ay kasoo ururiyeen Burco iyo Hargeysa kuwaas oo ay soo duldhigeen Boorama, Quljeed iyo Boon, dadkii shicibkana baadhasho ku bilaabay, xaalada kacdoon ee goboladaa ka jirtana aan waxba ka bedellin.
Intaasi markii ay dhacday Mamulka Hargeysa wuxu ka fekeray wado kale oo uu arinkan u maro, wuxuna ciyaaray kaadh kale oo ay ku qorantahay qeybi oo xukun.
Suldaanku markii uu arinkaa ku dhawaaqay waxa durba is xilqaamay Duqey iyo ganacsato ka tirsan beesha uu suldaanka u yahay suldaan Wabar. Waxa Borama lasoo diray Wasiiro, odayadii gobolka markii ay wada hadleen waxay isku afgarteen in arinka iyaga loo daayo ciidankana laga dulqaado Magaalada.
Cadayn Muuqaal ah Daawo – Salaadiinta Galbeedka oo Ku Baaqay Arrinta Suldan Wabar Inaa Looga Danbeeyo Iyaga
Xaajo markay halkaasi marayso waxa markiiba arrinkii Ergadaa waxa ku dhex joogsaday C/raxman saylici oo raadinayay fursad uu beesha Jibriir yonis ku shirqoolo, Saylici wuu ka xumaaday arinkaa odayaashu ay qaateen wuxu deg deg usoo galay Borama, Sida la sheegayo markiiba wuxu la kulmay suldanka Beelaha Mahadcase Suldaan Ibrahim J. Samatar si uu uga dhaadhiciyo inay ka noqdaan arrinkaa ay ku dhawaaqeen ee ah in iyaga loo daayo iskana baraxaan hadalka Suldaan wabar. Kalmadihii Saylici adeegsaday markii u suldaankiisa la kulmay oo suuqa usoo baxay waxa ka mid ahaa “ Waligayba waan raadinayay jaaniskan In Beesha Jibriir Yoonis iigu dhacdo dabin ka baxa idinku xoog milataribaan ku xallinayaaye” Suldaan miyaanad haynin taariikhda waagii Jibriir yoonis Bahabarceli isugu tegay ee uu baabi’iyay” sidaas waxa hadalkiisa ku soo koobay Mudane Saylici.
Sidoo kale waxa soo baxay shirar jaraa’id oo ay qabteen cuqaal ka mida beelaha Habar Cafaan, cuqaal ka mida beelaha mahadcase iyo ugu danbeyntii cuqaal ka mida beelaha Jibriir Yonis oo dhamaantood iskaga mid aha taageerada Maamulka Hargeysa iyo Aflagaado midba beelaha kale Warbaahinta u Marinayay intaas uun may ahayni waxay ka baxeen baaqii ahaa salaadiinta gobolada galbeedka ku baaqeen inaa Maamul iyo Dadweynaba loo Daayo arrintaa Wabar.
Saylici oo ka faa’idasanayay waxaas oo dhan ayaa ugu danbeyntii ku qanciyay badi salaadiinta gobolada galbeedka inay ka baxaan hawshaa Suldaan Wabar isna Baraxaan.
Cadayn Muuqaal ah Daawo – Salaadiinta Galbeedka oo Suldan Wabar Kaliyeeyay Iskana Baraxay
Markii uu Saylici cirka ku tolay xaaladii gobolka qorshihiisiina sallaxday wuxu ku noqday Hargeysa halkaas oo uu kaga dhawaaqay in Jibriir Yonis dagaal lagu qaado sidoo kalena uu ugu bishaareeyay beelaha Jibriir Yonis inaa gacan lawada saarayo.
Mudane Cabdirahman Saylici oo ah Madaxweyne Xigeenka Maamulka Hargeysa ayaa sheegay inaa Jibriir Yonis Gacan Birra lagu Qaban Doono Beesha Isaaq iyo Beelaha Kale ee Gadabursi oo Wada wajirana ay Dagaal la Geli Doonan Beesha Makahiil guud ahaan gaar ahaanna Beesha Jibriir Yonis Saylici Wuxuu Yidhi” Ninkaasi (Wabar) wuxuu ka baxay heshiishkii 93kii lagu qabtey magaalada boorama wuxuu hadalkiisa ku daray cidii ka baxda heshiishkaasi inaa gacan la wada saari doono”
Cadayn Muuqaal ah Daawo – M/Xigeen Saylici oo Ka Badheedhay Dagaal Jibriil Yonis Lagu Qaado
Halkaasi markay marayso xaalada gobolada galbeedka ayaa waxa dhacday inaa shir hore loogu balansaa inuu Gadabursi qabsado danihiisana kaga tashado laakin wakhtigaasi ay Maamulka Hargeysa kasoo horjeedeen qabashadiisa ayaa mar kaliya isku badalay inuu yahay qabashadiisu ka kaliya ee badbaadin kara Maamulka Hargeysa, xaalado isbiirsadey awgood Odayga Siilaanyo wuxuuna si kedis ah safar ugu soo baxshay Gobolka Awdal waxana la isku yimid Magaalada Baki halkaasi oo suldaanka beelaha Mahadcase ka cadeeyay Siilaanyo inuu Laba Dariiq uun usoo maro Bulshoweynta reer Galbeedka.
Suldaan Ibrahin Jaamac Samatar oo ah Suldaan Guud ee Beelaha Mahad Case ayaa sheegay kadib markii suldaanka Beelaha Jibriir Yonis Ku Dhawaaqay Inaa Laga Baxay Maamulka Hargeysa inuu Siilaanyo Gobolada Galbeedka usoo Maro Laba Wado oo kaliya Wuxuuna Yidhi:- “Madaxweyne labo dariiq uunbaad noo soo maraysa, dariiq waa ka siyaasado madaxweyne xigeenka ku garab fadhiya uunbaad noo soo mari, midna waa ka dhaqankoo anaga uun baan noo soo mari”
Cadayn Muuqaal ah Daawo – Suldaan Samatar oo Saylici, Naftiisa iyo Suldaan Dhawal Ku Koobay Inaa taloda Gadabursi
Goobtaasi waxa Joogay Suldaanka Guud ee Beelaha Makahiil Suldaan Saleeban Cali Ismaciil oo xog ugaal u ah arrimahan xasaasiyada badan oo beelaha Gadabuursi qaar kamid ah la maaganyiihin beelaha uu Suldaan u yahay hadaba suldaanku isagoo ka hadalaya aruumaha murugada badan waa kan – Suldan Saleebeen oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Makahiil ayaa ka Digay Sidoo Kalena Cadeeyay Makahiil Inuu Ogayahay Shirqoolada Loo Dhigayo Guud ahaan iyo Gaar ahaanba Suldaanku Wuxuu Yidhi “ Wax qof afkiisa kasoo baxay oon la ogeyni ma jirto haba yaraate waxa kaste waa la ogyahay, Inta Nabar ee nagu taal waanu ognahay, inta si kale udhacaysa waanu ognahay, inta la fasiri kari waayo waanu ognahay taasi hala joogiyo inta badan dhulka waxa jooga dad aan run sheegayn, dad kaaso cid dan u leh – Gadabursiga horta hala kala ilaaliyo – anigu waxa aan qarinayo ma jirto”
Cadayn Muqaal ah – Daawo Suldaan Saleebaan Cali Ismaciil
Halkaasi waxa isagna ku sugna Suldaan Beelaha Habar Cafaan Suldaan Cabdiraxman Dhawal oo Madal loo dhanyahay ku duray Beelaha Jibriir Yonis iyo Suldaankoodaba hadaba – Suldaan Cabdirahman Dhawal oo ah Suldaan Guud ee Beelaha Habar Cafaan ayaa Suldaanka Beelaha Jibriir Yonis iyo Beelihiisaba ku tilmaayay kuwo iyagu saa’id ah oo waxba kama jiraana oon talo ku lahayn Beelaha Gadabursi iyo masiirkoodaba Suldaan Dhawal wuxuu Yidhi” Wixii tabasho iyo arrin ahaana waa sida aanu kugu keenay, intii kuu keentay uunbaa ka hormuud ah, intii uunba kaga fadhida, inta kale waa saa’id, waa wax iska saa’id ah, wax jirana maaha“
Cadayn Muuqal ah Daawo – Suldaan Dhawal oo Suldaan Jibriir Yonis Yidhi Waa Saa’id aan Jirin
Waxa halkaasi ka hadlay oo sheegay inaa beelaha attackaga lagu hayo la daayo – Suldaan Saleebaan oo ah Suldaan Guud ee Beelaha Makahiil ayaa u Sheegay Beelaha Kale ee Gadabursi Inay Joogiyaan Carabka Lagu Gadayo Beel Gaara oo Ka Tirsan Beelaha Makahiil Suldaanku Iyasagoo Hadalkiisa Wata Wuxuu Yidhi “ Waa in Laga Daayo Carabka Qaloocan ee dad wax lagu yeelayo, Halaga daayo dadka taa, Waxan Maqla reer hebelba sidani ah, ninba ka hadalay daanta niman kale oo badan ayaa la jooga oo cid walba leh laakin dadba lagu kondhem garaynayaa oon ogahay, nabadu waa inoo wada taala, Taasina Cid wax lagu yeeli Maayo, Sheeg sheegidda cid wax lagu yeelimaayo, waxbana lagaga qaban kari maayo“
Cadayn Muuqaal Ah – Daawo Suldaan Saleeban Cali Ismaciil Mar Kale
Xaajo qadhaadhaatay oo arrini faraha ka baxday cay iyo aflagaadooyin kale duwan oo isdaba jooga Suldaanka beelaha Jibriir Yonis iyo Beelihiiba kolba Qaar ka tirsan maamulka hargeysa iyo beelaha gadabursiguba hawada ha usoo mariyaan arimohuna ha jiitamaan hana ku soo biyo shubtaan inaa la qabto shir agendihiisu yahay taageerada Maamulka Hargeysa iyo sidii loo qaban laha iyadoo lala kaashanayo Maamulka Hargeysa lagana leexiyay Dantii ummada Gadabursi oo Hadafkii hore ee shirka taasi oo shirkii oo la gaadhinba la sii sheegay inaa Maamulka Hargeysa lagu Taageeri doono waxana sidaas sheegay Suldaan Dhawal oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Cafaan oo Siilaanyo hortiisa ka Sheegay waxa kasoo bixi doona shirka gob iyo cadeeyay sidoo kale ina lagu taageeri doono maamulka Hargeysa Wuxuuna Yidhi” Shirka wax ka saayidi ma jirto, kaa uunba wada sudhan meesha , calanka uun kaa somaliland kaaysi uun sudhan”
Cadayn Muuqaal ah Daawo – Suldaan Dhawal oo Sii Sheegay Shirka Gob Inaa Hargeysa Lagu Taageerayo
Ugu Danbeyntii ayaa shirkii oon wali dhamaanba oo lagu gudo jiro waxa wasiir ka tirsan maamulka hargeysa isagna cadeeyay u jeedada shirku inuu ahaa mid Suldaan Wabar lagu Kaliyaynayo oo wax kale oo intaas dhaafsani ku jirin – Abgaal oo Ku Magac Dheer Sagaaro ayaa Sheegay Shirka Gob Inaa Lagaga Tashanayo kaliya Suldaanka Guud ee Beelaha Jibriir Yonis oo isagu kasoo horjeestay dhibka iyo tacadiga Maamulka SNM ku hayo Gadabuursiga Suldaanka Jibriir Yonisna uu kali ku yahay kacdoonka, Shirka Gobna ay Joogaan 350 Oday oo Maamulka Hargeysa Taageersan oo uu Ugaaska Beelaha Gadabursina Ka Mid yahay kuwa Taageerada u Fidayay Hargeysa.
Abgaal sidoo kale waxa uu dadka si cad ugu sheegay ujeedada ka danbeysay dedejinta shirku iyo agendaha shirku inuu kaliya ahaa mid la sameeyay dhawaqii Suldaan Wabar kadib kaasi oo kaliya Maamulka Hargeysa ujeeda uu Kaleeyahay hada uu ka sii hordhacay kuna sheegay mid si gaara loogaga soo horjeedo dhawaqa Hargeysa diidka ah laguna muujinaya Hargeysa Jacayl Badan.
Cadayn Muuqaal ah Daawo – Wasiir Abgaal oo Ujeedada Shirka Gob Cadeeyay
Dhinac walba markay sidaas uga soo diistey ayaa waxa kulan qarsoodiya ku yeeshay madaxtooyada Maamulka Hargeysa Qaar ka tirsan Siyaasiyiinta Beelaha Gadabursi kuwaasi oo ay maamulka Hargeysi daba joogeen Hadalkii ka soo baxay Suldaanka Beelaha Mahadcase ee ahaa inaa Saylici loo soo maro siyaasada awdal ayaa Saylici wax laga weydiiyay kadib dagaal ka dhacay Borama habeen dhaweyd sida waxa looga qaban karo Suldaan Wabar iyo Beeshisaba Mudane Saylici oo uu weheliyo Wasiir Xaamud ayaa Codsadey Saddex Arrimood oo kala ah Sidan:
1- Ina laga xidho Suldaanka Guud ee Beelaha Makahiil Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil.
2- Ina Mayerka Magaalada Borama xilka Laga Qaado.
3- Inaa la hubeeyo beeshooda si ay ula dagaalamayaan beelaha walaalahood ah ee Makahiil gaar ahaanna Jibriir Yonis Maamulka Hargeysana sidaas Ku Taageero.
Hadaba Wasiir Abgaal oo ka Mida Maamulka Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday shir qooladaasi hoose oo waayadan danbe madaxtooyada maamulka hargeysa ay ka wadaan Saylici iyo kooxdiisu.
Arimahaas waxa ka mid ah in la bartilmaameedsado beesha J/Yonis waxa intaa dheer qorashe la rabo in ganacsatada beesha Jibriir Yonis baadhidh joogta ladaba dhigto si loo dhoco hantidooda oo Saylici ka dambeeyo.
Abgaal oo arrimahaas si adag uga hadlay Wuxu Yidhi:-
“Maanta Xaalada Mareysa In Aminigii Boorama Aanu Ka Fikireyno Iyagii Xilkii Ka Saarnaa Ee Codkii Dadkaasi Ku Joogey Maalin Walba In Ay Noola Yimaadan Mooshin Baanu Wadanaa Iyo Hebelo Ayaanu Is Haysanaa Noo Soo Gurmada Wax Leydinka Aqbalayo Ma Aha .Mooshin Ma Jiraayo ,Doorasho La idiin Qabanaayo Ma Jireyso ,La idin Kala Qabaan Maayo Oo La idiin Soo Gurman Maayo Oo Waad Iska Tageysaan waa goaan hadaydaan taladaa talo dhaanta la iman.”
C\Raxmansaylici oo Madaxtoyada la tegay qorshe lagu bartilmaameedsanayo beesha Jibriir Yonis qoladiisana lagu hubeeyo si ay uga barbar dagaalamaan maleeshiyada Hargeysa iyo Burco laga keenay.
Abgaal oo ka hadlaya arimahaa wuxu yidhi:-
“Inamada nasiibku na wada keenay maanta ee aan masuuliyda qaranka u wada hayno waxan kula talinayaa intii xaaladaa wabar bilaabatay Ereyada aad madaxtoyada iyo dawlada aad kula dhex waregaysaan eed leedihiin waa Jibriir yonis waa reer gaara idinka soconmayso.Waxa ila fiican oon idinkula talinayaa inaad halkaa meel ka saraysa ka fikirtaan. Ma jirto shaandho ina kala reebaysa oo inta jibrir yonis la afuufo inta kale ka hadhayso dhibta I gaadhaa way inna wada gaadhaysaa”.
Cadayn Muuqaal ah Daawo – Wasiir Abgaal oo Fashilayay Qorshayaal Makahiil Loo Maleegay
Gunaanad Waxa Ku Soo Gabagabeynayna Warbixintayadan:
1- Jibriir Yonisow Read between the lines.
2-Makaahiilow Noo Hiili oo Hanaga Hiilin.
3- Cabar Hafaaneey Cida Wada Degtaan Colaadi inima Dhextaale Ha Colaadsan.
4- Mahadcasow Kursi Aanad Ku Nagaaneyn Tolka Ha u Shirqoolina Hana Ku Dilina Tolkiin.
5- Gadabuursow Qolo Ina Midayn Meyso ee Fikirku Ha Ina Mideeyo.
Waxase La Yaableh In Sidaa La Isku Shirqoolayo Hadana Maanta Lagu Wada Shirayo. Cajiib
Harowo.com
AYDII ILAALADA AHAYD WAA LA FASAXAY
Waxa todobaadadan dambe isasoo taraayey muaamrado ay ka dambeyo maamulka Hargeisa. Waxa Borama laga bilaabey waxan dhaqanka Gadabuursi ku jirin oo ah in dadka la tuuriyeeyo oo loo soo hagoogto, in cidamada maamulka Hargeisi ay weeraro BEEN BEEN AH iyagu ay soo maleegaan oo ay rasaas isku qasaan habeenkii. Waxay markaa bilaabeen in ay u aaneeyaan Suldaan Wabar iyo qurbajoogta.
Waxa xadhiga laga soo furay aydaasi kuwa ka mid ah oo weerar ku soo qaaday dadkooda dulmigu ku habsaday ee la ugaadhsanaayo hadh iyo habeen. Aydaasi fariimay sidaan ee ay la ciyayaani way badayihiin. Waxa ka mid ah fariimahaas: Way inoo tahay Sulddanow, Qurbajoogow, iyo hanjbaado kale oo badan. Aydaasi waxay ku hanjabayaan in ay soo qaban doonaan Suldaan Wabar, in ay xidhi doonaan qurbajoogta hadii ay soo noqdaan. Waxa kale oo cajiiba ah in aydaas iyaga laftooda la isku soo diray oo ay is cunayaan.
Aydaasi waxay gara marayaan in Suldaan Wabar iyo qurbajoogta dharaarumadooda wax lagu siiyo oo loogu sadkurdhiyo. Waxa kaliya ee Aydaasi loo rabeeyaa in marka arimuhu ku qadhaadhaadaan xukuumada ay iyaga ku fasaxdo reeraha ay ka yimaadeen. Ayadani indhahoodu wax kale ma arkaan waxan ahayn ka rabeeyey. Aydaasi qaarbaa xiiqsan oo cidii gabay oo neefta calya ceshada. Xiiq daraadeed waxay ku dhowyihiin in u wadnuhu istaago.
Waxan kula talin layhayn aydaadaasi bari baa la in idin eryidoonaa-e qunyar u socda uu tolkiin xumaan ha gashanina. Mu’aamaradka tolkiin loo soo maleegaayanna idinku ha fulinina.
Kahin Doe
Daawo Sawirrada Madaxweynaha Dalkaasi Turkiga Recep Tayyib Erdogan Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho Mashaariic Dhawr Ahna Xadhiga Ka Jaray.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, taasoo ah markii labaad oo uu yimaado magaalada Muqdisho, kadib markii u horeysay oo uu Soomaaliya yimid sanadkii 2011, xilligaasoo Soomaaliya ay ka jireen abaaro iyo macluul.
Madaxweyne Erdogan oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan Xukuumada Turkiga, Xildhibaano iyo Ganacsato, waxaa wehlisa xaaskiisa iyo gabar uu dhalay.
Erdogan ayaa markii uu ka soo degay garoonka aadan cadde waxaa uu furay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Garoonka diyaaradaha oo ah Terminal cusub oo ay dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga, isagoo ku amaanay shirkadda Turkiga ee dhistay qeybtan cusub ee Terminalka.
Intaas kadib Madaxweyne Erdogan ayaa xariga ka jaray isbitaalka cusub ee loogu magac daray, kaasoo horay loo oran jiray Isbitaal Digfeer.
Markii ay booqdeen isbitaalka ayaa la arkayay xaaska Madaxweynaha Turkiga Emine Erdogan oo sare u heysa caruur soomaaliyeed oo isbitaalka ku jira, iyadoo la xusuusto sanadkii 2011 iyadoo xambaartay caruur macluul daran heysay.
Waxa uuna Madaxweynaha Turkiga Receo Tayyib Erdogan ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Isbitaalkii Diffeer ee ku yaal degmada Hodan, kaasoo loogu magac daray, iyadoo Isbitaalkan ay si casri ah u dhiseen una qalabeeyeen Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in mashaariicda uu Turkiga ugu tala galay Soomaaliya ay tahay mid bilow ah, isla markaana ay sii socon doonto.
Wasiirka Caafimaadka Turkiga Mehmet Müezzinoğlu oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in isbitaalo kale ay dib u dhis ku sameyn doonaan, taasoo uu xusay inuu qeyb ka yahay dib u dhiska Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka loogu magac daray Recep Tayyib Erdogan, waxaana Isbitaalkan uu yahay mid qeybo badan oo dhinaca adeega Caafimaadka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka Isbitaalka ayaa sheegay in Isbitaalkan loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, isagoo ga mahad celiyay dowladda Turkiga dhismaha iyo qalabeynta ay ku sameeyeen isbitaalkan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay kaga maarmi doonaan Isbitaalkan inay caafimaad dalka dibadiisa u aadaan, marka loo eego sida casriga ah ee uu u dhisan yahay.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo wafdigiisa ayaa goor dhow loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo ay ku wada qadeyn doonaan isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay si wada jir ah u qaban doonaan shir jaraa’id, kadib marka u dhaco saxiixyo heshiisyo dhinacyo badan ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya iyo Turkiga.
War Xasaasi Ah; Dawlada Masar oo Markab Hub Badan Sida Ka Soo Dejisay Dekeda Magaalada Barbara Iyo Dowlada Itoobiya Oo Hubkaas Laga Qarinayo Lagana Dhigay Hub La Qabtey.
Harowo-Hargeysa:- Warar aan ku kalsoonahay oo imika naga soo gaadhaya magaalada Barbara ayaa sheegaya in marsada ku taala magaaladaas uu ku soo xidhay Markab weyn oo uu saaran yahay hub badan oo maamulka Somaliland ay soo siisay dowlada dalka Masar ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdifataax Alsiisi.
Hubka saaran markabka ayaa ah mid laga qarinayo dowlada federaalka ee wadanka Itoobiya oo xurguf siyaasadeed ka dhaxeyso labada wadan maadaama muddo dheer isku maan dhaafsanaayeen biyaha Wabiga Niilka kadib markii ay dhawaan dowlada Itoobiya sameysay biyo xidheen aad u weyn kaas oo laga cabsi qabo in uu yarreeyo biyaha Wabiga Niilka oo ku dhamaada dalalka Masar iyo Suudaan.
Dowlada Itoobiya ayaa ku gudo jirta dhismaha biyo xidheenkaas weyn iyadda oo aan ilaa imika la isla meel dhigin heshiiska sida loo qaybsanayo biyaha Niil sidaas oo ay tahay haddana haddii ay Itoobiya ku guulaysato ama dhamaystirto biyo xidheenka waxa hoos u dhici doona oo dhulka gali doona dhaqaalaha iyo wax soo saarka wadanada Masar iyo Sudaan oo inta badan ku xidhan biyaha Niilka.
Maamulka Somaliland ayaa ka cabsi qaba in hubkaas ay ogaato dowlada Itoobiya maadaama colaad iyo is af garansho waa dheer ka dhexeeyo Itoobiya iyo Masar sidaas darteedna haddii ay Itoobiya arrintaas maqasho ay xidhiidhka u jarayso maamulka Somaliland.
Xarunta dalka Itoobiya ee Addis-ababa ayaa marin u ah maamulka Somaliland maadaama marka ay baxayaan dalalka dibada ay u fududeeyaan fiisayaadha ay ku tagaan qaaradda Yurub iyo waqooyiga Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee waxa mudooyinkii u dambeeyay xidhiidhkoodu sii xumaanayey dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland kadib markii ay Itoobiya si hoose uga war heshay nuxnuxda ka dhaxeysa Masar iyo maamulka Somaliland.
Harowo Desk Hargeysa.
SAWIRKA SANADKA OO SOO JIITAY QALBIYADA BANI AADAMKA DAMIIRKA LEH
Weli lama hayo madaxwyne somaliyeed oo ilmo yar oo somaliyeed oo sabool ah intuu xarun lagu xanaaneeyo ku booqday sidaa muxubada leh dhabanada uga muudsaday, maqaarkeedana u ursaday si kalgacal iyo naxariis leh sida Erdogan oo kale. Kuwii loo doortay ee masuuliyadooda qaaday way ka ashashayaan inay taabtaan ilmo diifaysan,
SAWIRKANI WUXU SOO JIITAY GUUD AHAAN INDHAHA CAALAMKA, GAAR AHAANNA SOOMAALIDA AAN IS ARKI KARIN EE ISKU WADA URAYSA.
Shirkii Beelaha Gadabuursiga ee Dhaqanka Lagu Sheegay oo Shir Siyaasadeed Loo Rogay iyo Ugaaskii Beelaha Gadabursi u Dhaxeeyay oo Dabin Loo Dhigay Ku Dhacay.
Shirkii Beelaha Gadabuursiga ee Dhaqanka Lagu Sheegay oo Shir Siyaasadeed Loo Rogay iyo Ugaaskii Beelaha Gadabursi u Dhaxeeyay oo Dabin Loo Dhigay Ku Dhacay.
Shirkan Maanta lasoo gabagabeeyay ayaa ahaa shirweyne mudo badan ay beelaha gadabursi ku haminayeen inay qabsadaan kagana tashaan masiirka ummadooda kala degen saddexda wadanka ee kala ah Itoobiya, Djibuuti iyo Soomaaliya.
Shirkan ayaa mudo badan qabashadiisu dib u dhacday sababo la xidhiidha farsamada shirka iyo xaalado jiray awgood ugu danbeyntiina waxaa lagu heshiiyay sanadkii lasoo dhaafay maalinta ugu danbeysa inaa la qabto hasayeeshe waxa ku soo kordhay xaaladihii markii hore ka jiray gobolada galbeedka kuwo cusub oo culayskooda leh una baahan inaa midnimo iyo maskax furan lagu waajaho.
Hase ahaate taasi may dhicin badalkeedana waxa dhacday inuu shirkii lagu kala qaybsamo oo beelaha qaarna yidhaahdaan waa la qaban beelaha qaarna yidhaahdaan dib inuugu dhiga taasi oo keentay markii danbe inaa la qabto shirkii ugaaska beelaha Gadabuursina furo shirkaasi.
Shirka Beelaha Gadabuursi ayaa loo bixshay SHIRWEYNAHA WADAJIR nasiib daro magaca shirkaas loo bixshay iyo sida uu shirku ku bilawday ma ahayn wax isleh sababtoo ah beelo kamida beelaha gadabuursi iyo waliba Salaadiin waa weyn oo kamida beelaha gadabuursi ayaa siyaabo kala duwan uga qayb galin shirkaas taasi oo muuqaal ahaan shirka magaciisa u badashay SHIRWEYNAHA QAYBSANE.
Hadaba Shirweynaha QAYBSANE ayaa dad badan oo cid walba leh ay rajo fiican ka qabeen bal inaa intaa ka qayb gashay uuni ka soo saarto wax ay beelaha gadabuursi dhammaantood faa’ido ugu jirto raalina ka wada yihiin oo beel walba ka mabsuudo una horseeda ummada hurumar iyo fikir cusub oo dadka haga’a.
Sidoo kale dad badan ayaa sugayay in lagu falanqayn doono arimaha dhaqanka beelaha Gadabuursi iyo hurumarka guud ee beelaha gadabuursi guud ahaan isla markaana Siyaasada aan lagu soo qaadayn ayaa waxa uu noqday mid iskugu soo biyo shubtay mid lagu falanqeeyo lagagana hadlo arimaha Siyaasada oo ay ugu horayso ilaalinta qarannimada Somaliland iyo arinta Suldaan Wabar oo iyadu dhawaan uun bilaabantay kana dambeysay ku baaqidii qabashada shirkan oo mudo Sanad ah soo jiitamaysay.
Hadaba arimahan ayaa dadkii shirkan saadaalinayay ee rajaynayay inay kasoo baxaan wax arimaha dhaqanka ku kooban ama kuwii filayay in shirku noqdo aayo ka tashi ayaa dhamaan umuuqda kuwo ku hungoobay rajadii ay shirkan ka qabeen.
Sidoo kale Shirkan haba yaraate laguma soo hadal qaadin qadobada ka soo baxayna laguma soo daran waxa la xidhiidha hurumarinta iyo xidhiidh wanaaginta beelaha gadabuursi ee kala degan wadanka Itoobiya iyo Wadanka Djibuuti taasi oo ah khalad weyn oo aan la garan karin sababta looga tagey deegaanadaa iyo wixii talo ah ee ku waajahna dhulkaasi sababtoo ah dee shirku hadii uu ahaa shirweyne Gadabuursi waxay ahayd inay si uun ugu jirto agendaha shirka degaanadaasi hadii kale wuxuu noqonayaa mid ay qabsadeen beelaha degaanka Soomaaliya ee ka tirsan Gadabuursi ma noqon karo shirweyne Gadabuursi.
Waxaas odhan markaad isu keento ma waxaynu odhan karna Qabiil weyn oo aan 130 sano shir isugu iman ayaa shan casho ku tashan kara hadiiba ay ku tashadaanna ma sida ay kusoo gabagabeeyeen shirka ayaa qodobada laga soo saaray ayaa ilaahbaan idinku dhaarshe ah wax gadabuursi maanta ku haminayeen oo rajada ay qabeen ahayd???
Jawaabtu waa MAYA MAYA sababto ah 10ka Qodob ee laga soo saaray meeshu waa macruuf maaha wax ku cusub dhegaha dadka iyo beelaha gadabuursiba marka ma shirkii beelaha gadabuursi isku joojin waayeen ee isqaqabsiga badan dhaliyay hadii uu kaliya 10 qodob oo macruufa laga soo saarayo maxaa dadka loo dhibayay oo beelaha la isku dirayay oo salaadiinta la isku diray —- Ma Intaas uun Baa Loo Dan Lahaa???
Gadabuursi Ma Suldan Wabar Ayuu Ka Shirayay Ilaah Baan Idinku Dhaarshee Qodobada Shirka ka Soo Baxay Maxaa Ku Koobay Suldan Wabar Ka Soo Horjeesadkiisa aaw Masiirkii Ummadani Halkee La Mariyay?? Shantii Sano ee ugu Danbeysay waxa ay Beelaha Gadabuursi ka Hadlayeen dibad iyo gudaba Inaa Dekeda Lughaya la Dhiso Sidoo kalena la Dhiso Dawga Isku Xidha Magaalada Boorama iyo Lawyacado waanu taageersanahay taasi oo ummada oo dhan ayaa taageersan kuwa djibouti degan iyo kuwa itoobiya degan ee ka mid ah Gadabuursi ayaa taageeersan laakin labada qodob ma wax cusub baa Ilayn waxaa shirkaa looga fadhiyay ma ahayn sheeg sheegide waxay ahayd soo bandhig sidii loo dhisi lahaa iyo qorsha lagu dhisayo sida iyo wakhtiga la bilaabayo laakin hada waxay dib inoogu soo cesheen shan sano ka hor halkii aynu taagnayn markii lagu dhawaaqay dhisitaanka dekeda lughaya.
Sikasteba ha noqotee shirkii gadabuursi wuxuu ku soo gabegaboobaw ” GADABUURSI WUU SHIRAY WUXUUNA KU SHIRAY GOB WUXUUNA LA SHIR YIMI XAAJO GOBLAN AH”
Halkan Hoosena Ka Dhegeyso Suldaan Samatar oo Qodoboda Shirka Lasoo Gabagabeeyay
Tifaftiraha Guud ee Harowo