Quantcast
Channel: Harowo.com | HarawoNews – Somalia Information & Analysis
Viewing all 3980 articles
Browse latest View live

Shirweynihii Beesha B/Muuse Oo Ka Dhaqaaqila’ Basaasiinta Isla Beeshaas ah Oo U Kala Shaqeeya Somaliland Iyo Jabuuti

$
0
0

Shirweynihii Beesha B/Muuse Oo Ka Dhaqaaqila’ Basaasiinta Isla Beeshaas ah Oo U Kala Shaqeeya Somaliland Iyo Jabuuti

 
Lughaya  (Harowo)– Shirweyne ay u ballantay beesha
Bahabar Muuse  ayaa weli waxa hor yaalla caqabado  qabsoomidda
shirweynahaasi .

Iyadoo hadba mar ay soo baxayaan
turxaamo iyo caqabado ay hor dhigayaan niman kasoo jeeda beeshaasi oo
iskugu jira shicib iyo shaqaale u kala shaqeeya maamulada Ismaaciil
Cumar Geelle iyo siilaanyo.
shirkan oo lagu wado inuu Lughaya ku qabsoomo aakhirka bishan ayaan
weli si fiican loogu diyaargaroobin maadaama  basaasiinta u kala
shaqeeya labadaa Maamul  kolba shiki ka abuurayaan ama ku
dirayaan soomaaliland ta ama Ciisaha Jabuuti ku amarkutaagleeya.

Waxana baabiintiisa lala daba socdaa dhaqaalee badan oo ka kala imanaya Jabuuti iyo Hargeysa
,waxa loo dig iyo dem leeytahayna tahay uun inaan beeshaasi iyo
Samarroonba ka tashanin arrimaha degaankooda iyo xeebaha iyo dhismaha
dekedda Lughaya.

Dawladda Jabuuti ayaa la sheegayaa inay iyadu haatan
bixiso dhaqaale badan oo waxna loosoo dhiibo Beelaha dhexe ,waxna
loosoo dhiibo kuwa u shaqeeya ee beeshaasi ah.

Jabuuti ayaa haddana la
sheegeyaa inay halkaa kusoo waddo qaxooti an meella ku lahayn
degaankaasi waana qorshayaasha la doonayo in caqrqlad lagu geliyo
shirweynahaasi, sidaasoo ay tahay weli odayaasha beeshaasi ayaa kulammo
arrintaasi la xidhiidha marba meel ku qabsanaya si ay isaga saaraan
shuushka ku  dhex jira qabsoomidda shirweynahaasi., maalmamahanna la
bilaabay uun dhaqaajintiisa .


R/Wasaaraha Soomaaliya Mr Xiirane Oo Sheegay Inuu Baasboorada Ka Qaadayo Wasiiradiisa si aanay………….

$
0
0

xiiraneRa’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo hadal ka jeedinayay Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayna kasoo qayb galeen madaxda sare ee dalka ayaa sheegay in golaha Wasiirada xukuumadiisa ee wata baasaboorada dalalka kale ee shisheeye in laga qaadi doono si aysan ugu suuragalin si fudud inay u dhoofaan mudada lagu jiro howlaha dowladda.

Isagoo ka jawaabayay hadal uu jeediyay Xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo ku aadanaa inay wataan golaha Wasiirada intooda badan sharciyada dalalka shisheeye isla markaana ay socdaal ku jiraan xili walba ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Waxaa ka fiican in Baasaboorada laga qaado anigu waxaan ka imid dalalka Carabta oo marka la shaqaynayo waxaa la iska qaadaa Baasaboorka si uusan qofku dalka uga bixin marka waa talo fiican oo Xildhibaanku soo jeediyay waxaana kusoo wareejin doonaa Guddoonka baarlamanka”ayuu yiri Ra’iisul Wasare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Golaha Wasiirada ee inta badan hoyga ka samaysta goobaha u dhow xarunta Madaxtooyada isagoo xusay in Wasiiradiisu ay dagi doonaan goobaha kale ee magaalada si amniga wax badan looga qabto.

Muuqaalka Dhabta Ah Ee SOOMAALILAND: Dawlad Dawlad Ma la inna Moodaa? Alla Kugu Qabay “Qaran Qaran dheh”

$
0
0

Wakaa Muuqaalka Dhabta ah Ee Somaliland Ka jiraa. Dhamaan shirarka dibada loo aado iyo martiqaadyada dawladaha laga helo, heshiisyada shirkadaha shisheeye ee maalgashiga doonaya, fursadaha caalamka la weydiisanayo sida deeqaha waxbarasho iwm, Waxa loo khaas yeelaa kooxda loo yaqaan walaalah Hargeysa ama beesha dhexe Inay cid kale wax ka ogaato ha u fadhiyin.
Haddii ay qaran madaxbanaan noqon lahayd ka waran!!!!

BAL SAMATAR IYO SIILAANYO AAN U KALA BAXNO

Walaaha3 Walaaha5 Walaalaha Walaalaha1 Walaalaha4 Walaalaha5 Walaalaha6 Walaalaha7

Gudiga Jaaliyada DDSI ee Uk Oo Caawa Casho Sharaf Sagootin ah London Ugu Sameeyay M/wayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Waftigiisii

$
0
0

Gudiga Jaaliyada DDSI ee Uk ayaa Waxaa Caawa ay Munaasabad Casho Sharaf ah ay ugu sameeyeen Magaalada London Madaxwaynha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Waftigiisii ka Dib markii ay Soo gabagabowday Hawlihii ay u Tageen Cariga Ingiriiska.

Casho-sharaftan ayaa Ay Jaaliyadu uga Gol lahayd Mid ay ku sii sagootinaysay Waftiga Madxwaynaha oo ay soo gabagabawday Hawlihii iyo Booqashadii ay UK ku Joogeen iyadoona Madaxwaynaha iyo waftigiisu ay u Gudbi doonaan Wajigii 2aad ee Socdaalkooda.

cabdi maxamuud london

 

Harawo Community Development Network of Ethiopia Oo Agab Waxbarasho Gudoonsiisay Dugsiga Hoyga Agoonta Ee Jigjiga

$
0
0

 

Qurbojoogta Harowo

 

Jigjiga (Harowo)–Qurba joogtan u dhalatay deegaanka gaar ahaana ka soo jeeda degmooyinka Awbare iyo Danbal oo maalmahanba ku sugnaa xarunta deegaanka islamarkaana booqasho ku tagay meelo ka mid ah degmooyinka awbare iyo danbal ayaa maanta gudoon siiyay agab waxbarasho gudsiga hoyga agoonta ee ay ku xiraysan yihiin ubadka uu ururkii wakhtiyo ka dhaq dhaqaaqi jiray deegaanka UBBO uu waalid koodii gumaaday.

Deeqdan agabka waxbarasho oo ka koobnaa Buugaag iyo qalinaad aad u tiro badan oo loogu tala galay in ay wax ku bartaan ardaydan agoonta ah ee ku xiraysay dugsigan ayaa waxaa goob jooga ka ahaa munaasabadii lagula kala waregayay agabkaasi maareeyaha gudsiga hoyga agaanta mudane bashiir, maareeya qurba joogta mudane c/bari macalin maxamed iyo waliba xubnaha qurba joogta ah ee iyagu ku caawiyay agabkan wax barasho dugsiga hoyga agoonta. Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadii lagula kala wareegayay agabkaasi gudoomiyaha qurba joogta ka soo jeeda degmooyinka awbare iyo danbal mudane ismaaciil oo ugu horayntii u mahadnaqay xukuumada DDSI oo iyadu hirgalisay dugsigan hoyga agoonta islamarkaana damaanad qaaday ardayda inta leeg waxbarashadood jiiskooda cuntadooda iyo waliba hugooda, wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay tahay arin lagu farxo islamarkaana siwayn loo taageero isaga oo hoosta ka qariiqay in ay deeqdan tahay mid ay ugu talagaleen agoontaa ay hada ka dibna dhankooda ku dadaali doonaan ka warhaynta agoontaasi.

Dhankiisa waxaa isaguna ka hadlay maayeerahay gudsiga hoyga agonta mudane bashiir oo ka gudoonay agabka deeqda ah, waxa uu sheegay in uu siwayn ugu mahad naqayo qurba joogtan muwaadiniinta ah ee u dhashay deegaanka sidoo kale waxa uu maayeeyuhu tibaaxay in ay tahay arin ku dayasho mudan oo ay ku danayn doonaan qurba joogta iyo maal qabeenada u dhashay deegaanka, waxa kale oo u ka warbixiyya in ay dugsigan ku xeraysan yihiin arday uu waalidoodii laayay ururkii hadhaagii nabad diidka UBBO islamarkaana dhan yihiin 580 arday kuwaasi oo dhigta fasalada 1 ilaa 11.

Maaha markii ugu horaysay ee ay agab deeq ah oo lagu caawinayo dugsiyada hoyga agoonta ee waxaa kale oo horayn u keenay agab deeqo ah qaarka mid ha qurba joogta u dhalatay deegaanka iyo qaarka mid ah ganacsatada u dhalatay deegaanka waana arin muhiim ah oo kudayasha mudan.

Sources. CN

Sooyaalka Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud (1) By Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

$
0
0

Prof-SaleebaanHargeysa (Harowo)–Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee ku taalla magaalada Boorama ee Gobolka Awdal oo ah Xaruntii koowaad ee lagu dhigo tacliinta sare ee Somaliland ayaa wareysi taariikhi ah kaga warramay sooyaalkiisa nololeed sida gu’gii iyo goobtii uu ku dhashay, dhismahooda qoysnimo sida waalidiinta, guulaha u qabsoomay iyo caqabadaha uu ka gudbay, heerarka waxbarashadiisa iyo abbaaro kale. Waxaanan xogtan ka qaaday aniga oo markaas ahaa cilmi-baadhe ka tirsan  Akadamiga ERA. Xilliga uu wareysigani dhacay waa Feberwari, 21, 2013kii goobtuna waa hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa,.

Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed oo ugu horreyn la weydiiyay sannadka iyo meesha ku dhashay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Alxamdullillaahi Rabbil caalamiin. Asalaama Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin .

Waxa aan ku dhashay dhulkii berigaa la odhan jiray “reserve area” tuulo la yidhaahdo Jaarre oo u dhaw Tulli Guuleed. Halkaa Tulli Guuleed waxa deggenaan jiray awowgay, sannadkiina waxa aan filayaa inuu ahaa 1942kii. Berigaa waxba lama qori jirin, laakiin qiyaas ahaan waxa aan filayaa inay xilliyadaa u dhawayd”

Su’aasha labaad ayaa ahayd “waxa aad noo sheegtaa magaca hooyo iyo carruurta aad walaalaha tihiin?”. Isaga oo taas ka warcelinaya waxa uu Professor Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed yidhi “Carruurta ila dhashay way badan yihiin. Magaca hooyana waa Caasha Cabdulle Xaaji Dalal oo ku dhalatay Awaare, waxa ii abti dad ka soo jeeda nolosha geel-jirka. Dhanka kale waxa aan ku abtirsadaa nolosha beeralayda oo aabbo ayaa ahaa. Carruurtana aanu walaalaha nahay waxa ay ahaayeen kow iyo toban baho kala duwan ah, waxaanay isugu jiraan kuwo nool iyo qaar geeriyooday”.

Weydiin kale oo loo bandhigay ayaa ahayd “ waxa aad nooga warrantaa ubadka aad dhashay iyo magaca ooridaada?”  Professor Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu kaga jawaabay “Aniga carruurtaydu waa afar kala ah wiil iyo saddex gabdhood. Wiilka ayaa u weyn magaciisuna waa Cabdiwahaab, saddexda habloodna waa Hodan, Hibo iyo Nimco sidaas ayaanay u kala weyn yihiin. Xaaskayguna waa Safiya Xaaji Abuubakar, waxaana dhalay odaygii caanka ahaa ee nabadda Somaliland wax ka qabtay”

Su’aasha afraad ee uu wareysiguna waxa ay u dhignayd sidan“nooga warran taxanahaagii waxbarasho, gaar ahaan malcaamadaha iyo dugsiyada?”. Isaga oo Macallinku iftiiminaya taxanihiisa aqooneed waxa uu yidhi “Horta iskuulkii u horreeyay waxa aan ka galay magaalada Aw Barre. Waxa jiray laba dugsi oo ku yaallay reserve area midkood waxa uu ahaa Aw Barre, ka labaadna Awaare ayuu ku yaallay. Markii hore waxa haysatay dawladdii Ingiriiska, markii dambena waxa la wareegtay dawladda Itoobiya.

Prof-Saleebaan

Dugsigii hoose waxa aan ku dhammaystay Aw Barre, dugsigii dhexena waxa aan ka galay iskuulkii Camuud oo hadda ka tirsan Jaamacadda Camuud. Wakhtiyadaa waxa jiray laba dugsi oo dhexe kuwaad oo kala ahaa Camuud iyo Dugsiga Sheekh. Sannadkaa waxa ku soo kordhay dugsiga Axmed-Gurey oo halkan Hargeysa ku yaallay(maanta la yidhaahdo Mujaahid Quulle Aadan Dool). Xilligaas waxa loogu magac-daray gaal Ingiriis ah oo S Thomson la yidhaahdo. Dugsigii sare waxa aannu galay Camuud oo markaa ahaa Dugsiga sare ee keligii waddanka ka jira, oo aanu bilawnay Bishii Sebtember sannadkii 1959kii. Dugsiga Sheekh markaas waxa lagu tababari jiray macallimiinta.

Laakiin 1960kii iyada oo ay xilligii gobannimada wakhti koobani ka hadhsan yihiin ayaa la furay Dugsiga Sare ee Sheekh. Dhammaan ardaydii iskuullada sare ku jirtayna waxa loo wareejiyay Sheekh. Qoladii tababarka macallimiintana waxa loo soo wareejiyay Camuud. Walaw isla wakhtiyadaa dib loo furay dugsiga sare ee Camuud. Dhanka tacliinta sare, waxa aan tegay dalka Mareykanka sannadkii 1964………………………..”

La Soco haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

C/Raxmaan Saylici oo la yimid sheeko ka yaabisay Reer Quljeed

$
0
0

MAAMULKII QULUJEED OO LOO QAYBIYEY SADDEXDA DHADHAAR

saylici

Quljeed (Harowo)– Waxa jira amarro iskasoo daba dhacaya oo lagu sheegay in magaaada  qulujeed  haatan loo samaynayo maamul wadaag ah  oo ka
kooban sadexda dhadhaar ee Samarroonka !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Magaaladan oo u saaka tegey guddoomiyekuxigeenka gobolka Awdal cabdi Nuur Sugaal
,ayaa dadka magaaladaasi iyo maayarkamagaaladaasiba gaadhsiiyey
farriin uu uga sido kusimaha madaxdweynaha waa cabdiraxmaan sayliciye ,laguna amrayo inay raacaan talada soo baxday
,iyadoo amarkani sheegeyo in maayarka Qulujeed la siiyo beelaha
Makaahiil cidday doonaanba ha ahaadaane,kuxigeenka la siiyo Maxad case oo jufadiisa ah(B.Celi)
,halka xoghayana la siinayo beesha H/cafaan .

Qaar ka mid ah Dadka reer Quljeed oo aan arintan wax ka weydiinay ayaa ku tilmaamay lama filaan, kuna noqotay u qaadanwaa, Waayo bay yidhaahdeen Cabdoo aayarba waa nin aan gobolka u dhalan oo Burco laga soo xawilay, hadana waaka gobolka dhan maamula, kuxigeenkiisu waa la midbay yidhaahdeen hadana waaka kuxigeenka ah. Markaa waxay yidhaahdeen Quljeed Cidna lagama xigo  Ninkasta oo Samaroon ahi maamulka Quljeed uu ka qeybgali karaa, Laakiin bay yidhaahdeen sheekada Saylici waa Timir lafbaa ku jirta wuxu soo naqilay casharadii uu Siilaanyo ka dhex waday beeshiisa.

Waxay yidhaahdeen Saylici wuxu wadaa sheekadii Siilaanyo Berbera iyo meelo kaleba ka sameeyay oo kale. Reer Quljeed waxay intaa ku dareen “Saylici Boon buu jufadiisa u xidhay oo shalay oo ugu dambeysay ay caruurtii reer Boon Maayerka Boon iyo Taliyaha qeybta oo iskaashanayaa ay xabsiga Boorama kusoo xereeyeen.

Saylac oo Samaroon ku mitiday oo kuwa ay shalay xidheen kuwii la dhashay ay udhinteen ayay ku fadhiyaan kursigii Maayerka. Amnigii iyo Maxkamadihii gobolka Awdal iyo Kuwii Degmada ayuu Jufadiisa gacanta u galiyay, maantana Quljeed buu ka gam’i la’yahay oo uu doonayaa inuu maamulkeeda ka qeybgaliyo Jufadiisa oo aan meelna kasoo galin degmada Quljeed isagoo isticmaalaya awoodda kursiga uu ku fadhiyo.

 

Warcusub: Hillary Clinton Oo Sanadka 2016 U Tartamaysa Jagada M/Weynaha Ee Dalka Mareykanka

$
0
0

Priorities USA Action,the largest liberal super PAC in the country, has begun raising money to help elect former Secretary of State Hillary Clinton president in 2016, The New York Times reported Thursday.
Hillary Clinton Awarded The 2013 Lantos Human Rights Prize




Maalqabeen 120 Milyan Oo Dollar Siinaya Ninka Guursada Inantiisa !!!

$
0
0

Chao Waa Maalqabeen u dhashay Hong kong wuxu dhalay hal gabar, gabartiina waxay ka noqotay waxa la yiraahdo Lesbian, Naag naag qabta ama ay qabto. Wuxu horey bishii septer ee sanadkii 2012 uu sidan oo kale u iclaamiyay 60 milyan oo dollar inuu siinayo wiilka gabadhiisa ku qanciya inuu guursado. Chao wuxu markale sanadkan 2014 laban laabay lacagtii oo uu ka dhigay 120 milyan oo doollar.

Waa 33 jir uu raacinayo 120 milyan oo dollarka mareykanka ah. Mar Maalqabeenkan ay wareysatay jariidad kasoo baxda dalka Maleysia ayuu u sheegay inuuna doonayn inuu nolosheeda gaarka ah ee gabadhiisa faragaliyo balse uu rajaynayo oo kaliya in gabadhiisu guur caadi ah hesho si buu yiri hantidayda ay u dhaxlaan caruurta aan awoowga u noqon doono.

Chao wuxu diyaar u yahay inuu guddoonsiiyo 120 milyan oo dollar wiilka bedela nolosha gabadhiisa. Toloow wiilasha Soomaaliyeed ma ka faa’iideysan doonaan jaaniskan.

CheoHong Kong billionaire is so serious about making his lesbian daughter straight, he has doubled his original offer to any man who can get the job done.

That’s $120 million dollars for compelling a 33-year-old woman who’s in a happy, long-term relationship to choose a life of unhappy heterosexual matrimony.

The target, Gigi Chao, has expressed no desire to become straight whatsoever. And, in fact, has repeatedly pleaded with her father to stop meddling with her sexuality.

But father knows best?

“I don’t want to interfere with my daughter’s private life,” Cecil told Malaysian newspaper Nanyang Siang Pau on Monday. “I only hope for her to have a good marriage and children as well as inherit my business.”
Maalqabeen inantiisa

Chao made international headlines back in September 2012, when he offered a princely sum of $60 million to any man who could change his daughter.

DAAWO VIDEO, Ciidamada Itoobiya Oo Amisom Noqday, Halkeey Xarun Ka Dhiganayaan?

Wasiirka Fadaraalku Noosoo Direy Hadduuna Majeerteen ahayn ma qaabbileen. Dhageyso Faroole oo ka hadlaya caleema saarkii Cabdiweli gaas

$
0
0

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Lagu Caleemay Saaray Madaxwaynaha Cusub ee maamul Goboleedka Puntland C/wali Gaas.

Munasibada Caleema Saarka  Ayaa waxaa kasoo Qayb  Galay Xubno kala Duwan  oo Isugu Jiray Beesha Caalamka iyo Sidoo kale Qaar kamid Ah Maamulada Dalka.

C/raxamaan Faroole Hogaamiyhii Dhowaan Laga Guulaystay oo Siwayn Ugu Cadhaysan Dawlada Soomaliyaa Dhibaato Xoogana Ku Hayey oo halkaasi Hadal Ka jeediyey Ayaa Sheegay Inay Qaabileen Cid Kale oo Socota Dawlwada, Wasiirka uyimidna Ayna Qaabileen Hadii uuna Reer Kooda Ahayn.

Arintaan Ayaa waxay Noqotay Mid Qosol Badan Goobta ka Dhalisay Iyadoona Dadka Qaarkii Ay Ku Sheegeen In C/raxmaan Faroole uu Wali Isu Haysto madaxwayne

HALKAN KA DHAGEYSO

puntland

Muxuu Salka Ku Hayaa Heshiiska Turkiga ee SNM/Somaliland Iyo USC/Culusow ?

$
0
0

Waxaa shir lagu magacaabay heshiisiin somalia iyo somaliland u ku dhexmaray dalka turki wakiilo ka kala socdey ururadii somalia dumiyey ee snm iyo usc. Wafdiyada Shirkaasi waxay ka kala yimaadeen magaalooyinka Xamar iyo Hargeysa waxaana kala hoggaaminayey cabdikarin Xusein guuled oo ka soo jeeda beesha hogaamiyihii USC mohamed Faarax Caydiid oo ka mid ahaa ururadiisa dhallinyarada iyo mohamed mohamed Biixi yonis oo horay u sargaal sare ahaa afrikan development bank kana mid ahaa xubnahii ugu firfircoon ee maal galin jirey xurur beeleedka Snm haddana ah wasiirka arrimaha ee isla dowlad beeleedka S.N.M.

Waxa ugu muhimsan ee ay wada gaareen Labada wafdi urureed ee u kala huwaday magacyada jamhuuriyadda federaalka somaliyeed iyo magaca beelaha somaliyeed ee dega gobollada waqooyi waa cambaarayn xukunkii hore (kacaanka) ee ay dalka ka burburiyeen. Waxaan u malaynayaa in ayna qof somali ah shaki ka gali karin sida ay arrintaa ugu oomanaayeen labada wafdi waayo waxay meesha uga bidhaantay fursad ay uga bixiyaan dambiyadii ay ururadoodu galeen. Waxaa shirka turkigu siiyey labadaba fursad qaali ah oo isku day dambi iska-mayr. Waxaa turkiya la isku tusay fursad laga la iska rogo dunuubtii la galay ee qaran dumin: tacliintii asaasiga ahayd ee somalia tuulo walba gaartay, jaamacado laga aflaxay, caafimaadkii baahay, baahsanaanti shaqo, nabadgalyadii iyo is-dhex socodkii dadka, diyaaradihii aduunka dadku ugu kala gooshayey iyo sumcadii qaranimo. Waxaa kulanka usc –Snm ka midaysnaa raadinta helitaanka meel loo been saariyo dhacaya,dilka, kufsiga umulaha, bad-ku- shubidda dhallinyaradii dalka, kala jarka iyo kala qoqobidda ummadda iyo dhacan uga qaadida dalka soo gelinta nooc kasta ee cadaw yahay.

 

Xukunkii militarigu caruurta somaliyeed wuxuu u hayey daryeel, dugsiyo bilash iyo nabad galyo umulaha, ugubka iyo inta u dhaxaysa ee la kufsanayo eedaankoodana ma dugsan jirin. Kuwii intaa oo arrimood iyo boqolaal silic oo ka sii xun baday somali yaa maanta inta qamiisyo dowlonimo- ku- sheeg gashaday doonaya in ay been taarikh uga dhigaan somali. xukunkii kacaanku (militarigu)wuxuu sii arkayey kana dagaallamay hadaanta jabhado beeleedyadu ku sii wadaan somali oo ah midda maanta ay ku sugantahay. Burbur, kala qoqob iyo kala jarjar dal, beelo beela gumaysta, didin iyo mustaqbal la’aan dhallinyaradii dalka, malyan barki xeryo qaxooti ku basay, laba malyan oo qaxooti ku ah dalal qoosaskii ku burburend hallaankiina ku dufoobey, caruurtii ku luntay, dad qalatada Al-shabaab ee baqtiisay ummadda oo idil, dalkii oo dhan ka noqday qashinqub dhanna shisheeye xaalufiyey. Waa kuwaa miraha somaliyi ka dhaxashay jabhado beeleedka wakiillada USC-SNM ee turkiya tegay ay rabaan in ay dib u aslaan oo qurxiyaan. Marka an si kale xagga nuxurka u eegno ujeedooyinka snm iyo usc midina ma doonayn xukun beddel iyo wax wanaajin.

Turki

Macne badan samayn maayo ku soo koobka waxii dhacay ka hadalka iyo dul yuurursiga samaaynta dagaalka oo kaliyhi in kasto ay xanuun badan sababeen oo cidina inkireen., waxaa macne samaynaya ujeedada cidda dagaalka curisay iyo ujeedooyinka ay kala xambaarsana dowladdii iyo jabhadii diriray.Jabhadihii dagaalka ku soo qaaday dowladda midina waxay doonaysey dal kala go’in (sida ay durbadiiba ku dhaqaaqday)midina gacan sarrayn beeleed. Waxaa qofka kasta oo garasho wax uun uga dambeeyaan u ogyahay in ayna horay u jirin, jiri doonin dowlad tiri ama dhihi doonta jabhad yaa kala dhantaal dal u soo guntatey ee waan u banaynayaa oo sacabada yaan ka laabanayaa si kasta oo jabhadaasi gabbaad uga dhigato shacbi an waxba galabsan. Dowlad xilkeeda kowaad waa ilalinta midnimada ummadda iyo dhammaystirnaanta dalka.

 

Tusaale waxaa maantadatan ah waxa aduunka ka dhacaya meel kasta. SNM ayada weerar ku soo qaaday magaalooyinkii shacbiga rayadka ahna gabaad ka dhigatay. Suurtogal ma aha in gar ama gardarronimo ahaantii dagaalkii waqooyi(sababti) meesha laga saaro oo laga hadlo kaliya samayntiisii(consequencies) oo la qabyaaliyeed yey. Waxaa shirkii turkiya ka soo baxaysa in ay meelmartay ajendadii SNM oo gabbaad looga dhigay doonitaan wax walba u siideyn wakillada SNM si midnimo- soo-celin loo helo. Runtu waxay tahay heshiiskani wuxuu wadadii kala go’a ee ay ku joogtay ugu sii xaaray SNM wuxuuna kala geeyey intii midnimada u guntanayd. Waxaa soo baxay in ugu yaraan dowladda qaarkeed wali riman yahay caqli beeleedkii USC oo usan walwal ka qabin rabitaanka iyo dareenka shacbiga oo idil.

 

Si kasta oo ay xubnihii Usc –snm ee koofiyooyinka fsg iyo somaliland watey ay ugu tartamayeen cambaraynta xukunkii somaliya ee burburay, haddana wakiilka Snm meeshaa wixii u ka doonayey tilaabooyin yuu horay u dhigay meesha wakiilka somaliya u soo horseeday arrimo halis ku ah (midnimo ku- soo- celin jamhuuriyadda SNm iskaa dhaafe) sii wada jirka inta hadda wada sheeganaysa midnimo doonitaan sida hoos ka muuqata. I. maamul beeleedka Snm wuxuu helay aqoonsi dambi la’aan II. -wuxuu helay aqoonsi in beeshiisa dambi gaar ah laga galay taaso ay ka soo degaandegayso in magdhaw la siiyaa SNM. -waxaa loo aqoonsaday oo laga aqbalay in u xoog ku haysto degaano beelo kale oo bannaanka la taagan rabitaan midnimo waxuuna gulaystey in wakiillada beelahaasi laga xannibo wafdiyada iyo fagaareyaalka midnimada looga hadlayo marka laga reebo kuwa yar oo SNM la shir timaado.

 

Talo Aniga waxay ila in midnimo ku- soo-celinta loo maro dariig ku salaysan runta, danaha dhabta ee an dadku ku kala maarmin iyo sidii wax u dhaceen ee an la qaadin mid ku salaysan sasabid iyo madax salaax been ah oo cidna ka degeen. In daraasad dhab ah oo ujeedadeedu tahay raadin faham wixii dhacay, isfafaham iyo dib- u- walaalayn lagu sameeyo wixii dadka ka soo gaaray dowlad, jabhado iyo xataa wixii asaga kala gaarey. In wada hadallada maamulka Hargeysa iyo dfs loo xil saaro wixii hadda ka dambeeya (siiba xagga dfs)dad aqoon iyo xog ogaal u leh wixii somalia ka dhacay iyo waxa ka jira kana sare kacsan caadifado beeleedyada meesha xilka leh somali wada dhigay. In lagu biiriyo wadahadalka shakhsiyaad haybad qaran leh iyo tiro madax dhaqameed asali ah oo aad kooban oo si madax bannaana ay iskaga soo dhex xulaan madax dhaqameedkii soo jireenka ah ee somaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Dadka hadda hawshaa wadaa dhan kasta oo laga eego ma aha kuwo si san uga miro dhalin kara. Waxaan ugu yeeraya sida oo kale dowladda iyo barlamaanka in ay si an ka meermeer lahayn looga noqdo dhaleecaynta an ku salaysnayn wax faaqidaad cilmiyeed ah oo la sameeyey (assesment) ee sida caadifada degdegta ahi ka muuqato dusha looga ridey dowladii dhacday (dowladii kacaanka, dowladii militariga cidiba say u jeceshahay.). Haddaan sida ugu jilicsan u sheego ma jirto meel somaLiyi daraasad loo bato ku samaysay oo ku melaysay aragtideeda la xiriirta nidaamkii dowladaas.wixii ka soo haraa meelaynta caynkaas ah waa aragti shakhsiyeed ama kooxeed mana aha wax loo xilsaartay ama dowladi ka dhigi karto fakar u qabo shacbi somaliyeed. mowqifka caynkaas ahi wuxuu dhaliinaya oo kaliya dib u soo fagid xumaato, kala geyn iyo sii fogaansho dib-u heshiisiineed.

Dowladii kacaanku waxay ahayd dowlad somaliyeed oo idil, somali oo dhan yaana xaq u leh, xataa mid mid ahaan, in ay fakarkeeda ugu dhibaato lakiin mowqifka dowligu wuxuu noqonayaa midka qiimayn loo dhan yahay ka dib dadku qaato; ma noqon karo mowqifka dowligu mid shakhsiyaad ka soo jeedaa usc iyo snm oo xukunkaa la dagaallamay kaligood ka dhigaan mowqif somali u dhantahay, sida turkiya ka dhacday. Cabdikariin Xusein Guuled iyo Cabdullahi sh. Ismaaciil wakaalad ugama haysantaan somali cambaarayn caynkaas ah. Xataa madaxweyne iyo ra’iisulwasare uma haystaan carte blanche arrin baxaadda leh.

Eng. Faarax Shire

Aachen, Germany

 

Toloow Samaroonkii Birmigham UK, Maxay U Qariyeen Khudbadii Prof. Axmed I.Samatar Mise Wuxu U Qaaday Qaraami……….? DAAWO VIDEO macnihiisa la fahmi waayay

 WORLD BANK OO MAR KALE  DHAQAALE  SIIYEY BAAYAC-MUSHTARKA BEESHA DHEXE OO KALIYA.

$
0
0

worldbank

Hargeysa(Harowo)–Baanka adduunka  ayaa mar kale dhaqaale
Malaayiin doolar  ah Hargeysa ugu qaybiyey baayacmushtarka beesha dhexe, wuxuna  dhaqaalaaasi ka reebay beelaha kale  sida baayacmushtarka
G/awdal.

Dhaqaalahan baanka adduunku ku sheegay  taageerada iyo kor
uqaadidda baayacmushtarka dalka iyo wax soo saarka  ayaa ah markii
labaad ee u  sidaa yeelo .

Sannadkii hore ayaa dhaqaale gaadhaya ilaa
500, 000 000 milyan Doolar la siiyey baayacmushatrka beeshaasi ,halka 2%
dhaqaalahaasina laga siiyey beelaha kale ee dalka .
Sababta dhaqaalahan  Baannka adduunku u siinayo beel keliya ayaan ilaa
manta baayacmushtarka reer Boorama ama reer Laascaanood anay ka
dacwoonin ,baankaasina an loo sheegin inuu caawinayo beel keliya  oo
ka mid ah beelaha ku nool gobolka woqooyi galbeed ee soomaaliya.

Sidaa darteedna  loo baahanyahay in dawladda federaalka Soomaaliya arrintan
loo gudbiyo.

Sida aan xogta ku helayno Waxa arrintan keenay iyagoo nimanka  baankaasi ka jooga
Hargeysa ama wakiilka uga ahi ay dhammaantood  yihiin isaaq balse wada
socda dilaaliin ka socda baankaasi oo caddaan ah .

Maayeradii iyo Kuxigeeenadii Degmoyinka Awdal Iyo Xildhibeenadii Oo Boorama Tababar Caafimaad Looga Furay Si Arimo kale Looga Fushado Degmoyinkoodii

$
0
0

Maayeradii iyo Kuxigeeenadii Degmoyinka Awdal Iyo Xildhibeenadii Oo Boorama Tababar Caafimaad Looga Furey Si Arimo kale Looga Fushado Degmoyinkoodii

 

Boorama .(Harowo) — Tababar an macno lahayn oo ku saabsan caafimaadka
tallaalada iyo wax la hal maala ayaa Boorama looga furay wixii
maayarro  ahaa  ee degmooyinka lughaya ,saylac,Baki ilaa Boorama
waxana la socda xildhibeenadii golayaasha degaanka ee degmooyinkaasi
Seminaarkan ayaa waxa Boorama ka furay xaglotoosiye oo beryhanaba
Boorama  mashruuc ka dhigtay,dhawr jeerna kusoo noqonoqday.
Maayaradan la iskugu keenay Boorama iyo xildhibennadooda ayaa looga
shakisanyahay inay wax kale daba socdaan,maayaradu ma dhakhtaraa  maxaa
caafimaadka iyo tallaka u keenay Boorama, hadii anay wax kale ku jirin
ama qorshayaal kale anay dad kale ka fushanaynin degmooyinkoodii ,gaar
ahaanna kuwa xeebaha  ee lughaya iyo Saylac.

Dhawr cisho ayey halkan Rays cunto iyo  dhaqaale yar lagu siinayaa ,laakiin lama oga waxa ka
dambeeyaa .
Weli kama dhicin Somaliland, waa markii u horreysay ee maayarro caafimaad la
barayo Boorama la keeno,dhulkii ay ka yimaaddeenna colaadi ka
taagantahay,markaa afar cisho oo ay Boorama joogaani waxay keeni
kartaa dhibaato afar s bilood laga bixi waayo dhulkaasina mashruucyo
kalle ka fushadaan Isaaqa iyo Ciisuhu.

Waa caqli xumo bal may cid uun kaga yimaaddaan ,kxuigeenadoodiina way soo raaceen laakiin meelo kale
ayey qaarkood iska tegeen .

Harowonews@gmail.com


C/Raxmaan Cabdulqaadir Oo Afka Furtay, Siilaanyoow Lacagtaa aad adiga iyo Qoyskaagu urusanaysaan Kafan cad baa kaa raaci “Daalimiintaa meel uga soo wada jeesta” DAAWO

Muqdisho Oo Nabad Ku Naaloonaysa .DAAWO WARIYE SAGAL OO WAR KASOO TABINAYSA

Shabaab oo dawladii Ugu fiicnayd u aqoonsaday tii Cabdilaahi Yuusuf Wasiirada cusubna ku tilmaamay qaar EEYO Ku Dhaqan jiray Yurub iyo Mareykan

$
0
0

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in dowladii ugu fiicneed ee soo maartay Soomaaliya 22-kii sanno ee la soo dhaafay ku tilmaamtay dowladii KMG ah ee uu madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxaa dowladii ugu xumayd ku tilmaameen tan hadda jirta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raagge, ayaa sheegay in dowladii Cabdulaahi Yuusuf ay diidday in ciidamada safka horre ay soo galaan dalka Soomaaliya, waxaana taas keentay ayuu yiri in ay isku dhacaan Cali Geedi, Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Nuur Cadde.

Wuxuu xusay Cabdulaahi Yuusuf in uu si cad u diidday ciidamada Ethiopia in ay soo galaan dalka Soomaaliya balse dowladda maanta jirta waxa ay oggolaatay ayuu yiri in ciidamada Ethiopia ay soo galaan.

“Dowladdii Imbagaati lagu soo dhisay ee uu hoggaaminaayay Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa ay diidday in ciidamada safka ay soo galaan dalka, balse kuwan waa kuwa la iska soo aruuriyay oo Eeyo ku dhaqi jiray Yurub iyo Maraykanka waa kuwa loo arkay in ay qaban karaan danaha cadowga” ayuu yiri. Cali Dheere.

Ugu dambeyn, waxa uu caddeeyay ciidamada Ethiopia oo ku biiray AMISOM in ay jab xooggan kala kulmi doonaan Al-Shabaab sidda uu ku faanay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagula jirro.

KASHIFAAD: Colaada Soomaaliya iyo Caymisyada London (Xog xaasaasi ah)

$
0
0

Afartan iyo afar kun ( 44,000) oo qori ayay dawladda Ingiriisku sanadkii na dhaafay ugu daabushay Soomaaliya , sida ku cad qoraaladda dawladda hubkaas ayaa waxaa ka mid ahaa 30,000 ,oo qoryaha daran dooriga u dhaca ah , 2,536 Birsooladood , kuwaas oo loo dhoofiyay Soomaaliya lana tuhun san yahay in loo gacan galiyay kooxo burcad ah ama diidan xasiloonida Soomaaliya sida ay qabaan qaar ka mid ah xildhibaanadii amuurtan dood kulul ka dhaliyay.

Guddiga la socodka dhoofinta hubka kana tirsan Baarlamaanka ayaa dusha ka saaray Wasaaradda Ganacsiga (Vince Cable, Wasiirka Ganacsiga 1966 ilaa1968 wuxuu ahaa La taliyaha ganacsiga ee Kenya ). Wasaaraddaayaa ogolaatay dhoofinta Hubkan ,sidoo kale gudigu waxay shaki galiyeen siyaasadda dheeli tirka dhoofinta hubka ee Boqortooyada Ingiriiska.

Agaasimaha Waaxda dhoofinta hubka Edward Bell ayaa yiri mar ay gudigu su’aalo waydiinayeen ‘’ waan dareemayaa war warka aad ka qabtaan hubka tiradaas leh ee loo dhoofiyay Soomaaliya , laakiin waxaan idiin hubaa inuu Hubkaas uu ku jiro gacan la hubo inay danaha Boqortooyada dhawrayaan’’.

Dugsiga Baarista Dhaqaalaha Jarmalka (DIW) ayaa wuxuu daabacay raadis ( Baaris) uu ku sameeyay cidda ay faa’iidada ugu jirto sii socoshada falalka Burcad Badeedda iyo xasilooni darrada Soomaalida waxaa ka mid ahaa qoraalkaas oo laga akhrisan karo Baalkooda www.diw.de Sidan: ‘’ Dhowr kooxood oo kala duwan ayaa faa’iido dhaqaale oo xoog leh ka hela dhaq-dhaqaaqa Burcadda waxaana ka mid ah ( Buracadda Soomaalida ,Dadka Deegaanka qaar ka mid ah , Maamulada ka dhacashay meelaha y falalka buracaddu ka dhacdaan ,Maraakiibta Dagaalka ee Caalamiga ah , shirkada ammaanka ee gaarka loo leeyahay , iyo Shirkadaha Caymiska (insurance industry ) , oo ay intooda badan leeyihiin ama saamiga ugu ballaaran ku leeyihiin siyaasiyiinta reer Galbeedka .

Qoraaga Patrick Henningsen wuxuu qabaa in Xiriir cad uu ka dhexeeya Ganasiyada ,Dawladda Ingiriiska iyo Bangiga Adduunka inay sii quusiyaan Soomaaliya daymaha lagu leeyahay oo mar walba uu dalku ku tiirsanaado ‘’Gargaarka’’ , Sanduuqa Lacagta Adduunka ( IMF) iyo Bankiga Adduunka ( World Bank) waxay mar walba shidaal ku sii shubaan Nadbad galya xumada, saboolnimada iyo gaajada ka jirta Soomaaliya iyo dalal badan oo ay doonayaan reer galbeedku inaysan ka hoos bixin gacantooda .

Ma ahan la yaab in dawladda Ingiriisku ay ugu deeqdo lacag dhan 2.2 Malyuun Xafiiska la dagaalanka Maandooriyaha iyo danbiyada ee Qaramada Midoobay ( UN ) si xabsi looga dhiso Puntland isla markaana dib loogu habeeyo Booliska maamulkaas , iyadoo ay Ingiriisku ka fakarayaan ilaalinta danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya cid u ilaalisa oo daacad u ahaata haddii ay yimaadaan kuwa marka hore shacabka matala ee aan jeebka ugu jirin danaha shisheeyaha .

Bilowga sanadkii 20013 waxaa la sameeyay Ciidanka Badda ee Biritishka oo si gaar ah loo leeyahay 200 oo sano kadib markii 1 aad waxaana unkay koox ganacsato ah si ah uga hawl galaan biyaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ay la dagaalamayaan burcad badeedda hassa ahaatee waxay salka ku hayeen Shirkad caymis oo uu leeyahay Lloyds ka London , Waxaa ka mid ahaa raggaas Madaxii hore ee Caymiska Ganacsiga ee Bankiga HSBC Mr Typhon ahna ninka iska leh Anthony Sharp shirkadda ammaanka ee gaarka loo leeyahay kana hawl gasha xeebaha Soomaaliya .

Lloyds Of London wuxuu bilaabay durbadiida Caymis badaha sidoo dulaaliinta Caymisyada labaad ee dunida ugu ballaaran oo yiraahdo Willis Group Holdings plc ayaa waxay sheegeen sida ku cad warbixin uu daabcay Forbes 2010 kii ‘’ Haddii aad naga iibsato caymis buuxa waxaad ka bad baadaysaa inay ku bar tilmaameedsadaan Burcad Badeedda ‘’ hadalkaan iyo xariirka ka dhexeeya Ciidanka Badda Ingiriiska ee Gaarka loo leeyahay ayaa shaki wayn dhaliyay dhaliyay inuu jiro xariir ka dhexeeya weerarada Burcadda iyo Shirkadaha Caymiska .

Ma ahan sir qarsoon in Dawladda Igriisku aad u danaynayo waliba si xoog ah Dahabka Madaw ee ku moosan dhulka Soomaalida gaar ahaan kan hoos taga Itoobiya ( Somali Galbeed) iyo koofurta Soomaaliya waxaa si gaar ah ugu loolamaya Boqortooyada Ingriiska iyo Talyaaniga oo haattan u muuqda in looga taag roonaaday baratanka dhaqaalaha hasa ahaattee waxay mar walba iyaguna maleegayaan qorshe kasta oo ay ku xagal daacin karaan wixii ay is leeyihiin Ingiriis ayay uga qabsoomi karaan dhulkaas hodanka ah ee ay dadkuusu gaajada iyo harraadka u naf beelayaan xiliga abaarta markuu roob yimaadana wixii ka haray daadka uu cagta mariya .

Wargayska Financial times ee London kasoo baxa ayaa qoraal dheer ka qoray muranka ay soo kordhiyeen shirkadaha Shidaalka , Kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay wargayska Wasiirkii Tamarka ee Xukuumaddii Saacid ayaa yiri ‘’ Aniga iyo Madax wayne Xassan maalin walba waan kullanaa waxaana ka wada hadalnaa Shidaalka iyo shirkadaha danaynaya’’ baratankaan ayaa saliid ku kordhiyay muranka iyo kala fogaan shaha dalka u kala qaybsan kooxaha dantooda meeqaamka sare dhigay ee iska indha mariya mar walba shacabka ay sheegtaan inay matalaan .

Katrina Manson ayaa waxay qoraal ay FT.com ku daabacday ku sheegtay ‘’ Madaxda Soomaalida waxay door bidaan dantooda ayagoo murankooda uga faa’iideeya shirkadaha shisheeye eek ala caynka ah , waxay maalin walba si sahal ah u lumiyaan hanta qaranku leeyahay ayagoo eeganaya dan gaar ah iyo hadal afka baarkiisa ah oo dhagta loogu sheegay oo ay run moodeen markaas ayaa laga dhamaystaa wixii laga doonayay .

Dhinaca kale muranka ay Kenya galisay dhul biyeedka Soomaalida ayaa wuxuu soo kordhigay eray dublamaasiyadeed cusub ( Saddex Xagalka Wareerka ) durba waxay Kenya daabushay ciidan keeda waxay shab siisay Soomaaliya ayadoon markii hore ka mid ahayn AMISOM hasa ahaattee gadaalkii ayay ku guulaysatay inay ka mid noqoto waxayna taabteen Dakadda Kismaayo ayagoo dabada ka riixaya Hogaamiye dagaal ay dan gaara ka leeyihiin, Ujeedka Kenya ma ahan marna inay Soomaaliya ka dhisanto dawlad maamusha guud ahaan dalka ee waxay doonayaan inay muddo dheer ku hayaan siday haattan tahay ilaa laga gaaro heer ay ku murmi karaan Kismaayo gadaalkana ay dhulkaas bar qaadan karaan si ay u hubiyaan ceelasha shidaalka ee dhulkaas inay ka mid noqdaan Dhulka Kenya .

Ingriiska , Maraykan iyo Reer Yurub waxay sugayaan xiliga ugu habboon ee ay soo guran karaan khayraadka Soomaaliya inta ka horaysana waxaa jira dhabooyin badan oo ay lacag ku samayn karaan .

W/Q: Aadam Zaki

DAAWO MUUQAAL DAREEN XAMBAARSAN XIISO BADANNA KU GALIYA

Viewing all 3980 articles
Browse latest View live


Latest Images