Quantcast
Channel: Harowo.com | HarawoNews – Somalia Information & Analysis
Viewing all 3980 articles
Browse latest View live

Sooyaalka Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud . Qeybtii 4AAD

$
0
0

Waa qeybtii afraad ee wareysigii taariikhiga ahaa ee aynu la yeelannay Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud.

Prof-Saleebaan

 

Isaga oo Professor Saleebaan sii iftiiminaya ujeeddooyinka salka u ahaa in la hawl-galo furitaanka Jaamacadda Camuud oo ah hooyada Jaamacadaha Somaliland waxa uu yidhi ““haddii aan la helin da’yar waxbarata waxa dhacaya arrimahan 1. Dalku ma helayo cid horumarisa 2. Lagama shaqayn karo nabadda 3. Ummad aan rejo lahayni waa kuwo asal ahaanba baaba’aya, rejaduna in dhallinyarada loo nooleeyo ayay ku habboon tahay.

Markaa tii baan dhallinyarada u soo celinnay. Waxa aan ku bilawnay laba kulliyadood oo muhiim ah. Labadaa kulliyadood midi waxbarashada (soo saaraysa macallimiinta). Bareyaashu waxa ay ka soo bixi jireen Lafoole, meel kale kama soo bixi jirin, markii ay Soomaaliya burburtay taasi waa joogsatay. Jaamacadda Camuudna markaa macallimiinta ayaan ku bilawnay. Kulliyadda labaadna waxa ay ahayd maamulka iyo maaraynta (business and puplic administration).

Maadaama oo ay hawlihii ummaddu u wareegeen waaxda dhaqaalaha gaarka ah (private sector) waxa aanu is nidhi waxa habboon inaad soo saartaan aqoonyahanno xirfadleh oo maareynta, maamulka xisaabaadka, suuq-geynta iyo qaybaha kale ka shaqayn kara. Si ay dhallinyaradu shaqo ugu hesho… Xilligaasna ma ay jirin dawlad xooggan oo dammaanad qaadi karta shaqaalaynta dhallinyarada, shirkadaha xilligaa bilaabmayayna waxa ay u badnaayeen kuwo ay qof iyo qoyskiisu leeyihiin. Waxa aannu doorbidnay inay barbaartu kuwaas dhex galaan oo shaqo ka raadsadaan. Kulliyadaha Jaamacadda Camuud hadda ka furani waxa ay marayaan saddex iyo toban. Kolba ta aad karaysaan bilaaba, ayaanu is-nidhi”

Marka laga yimaaddo dhanka shaqada, Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ka jawaabaya caqadaha iyo guulaha soo maray kuwa uu ka xusi karo waxa uu yidhi “nolosha ayaa farxad iyo dhibaato labadaba leh. Macallinnimadu welwel badan ma leh. Waa shaqo farxad badan, oo culayska siyaasiyiinta culayska haystaa nama saarna. Cadho way leedahay, hawl kastaana dhibteeda way leedahay kol ardaydu kaa xanaajiso. Mana aha mid hurdada ku diidda oo aad habeenkii is-rogrogayso, aroortiina aad la toosayso. Laakiin mid aad ku raagayso ma aha. Imaka waxa aan shaqeynayaa sannadkii lix iyo afartanaad. Haddana sidii aan bilawgii u jeclaa ayaan macallinnimada u jeclahay. Intaaba dad iga da’yar oo qoslaya ayaan la sheekaysan jiray. Dad welwelsan oo fara badan oo da’ weyn sida loola sheekaysto ma aqaan. Maadaama oo aan weligayba dad iga da’yar oo faraxsan la joogay. Meesha aad ku raagto ayaad caqliyaddeeda yeelanaysaa, markaa farxad ayaan dareemaa.

Waxoogaa dhibaato ahi waa iska jiraan oo marka aad aragto qorshihii aad wadday oo wax ka si noqdeen waad dareemaysaa dib u dhac. Anigu sidaydaba qof danta guud ka shaqeeya ayaan ahay oo hagardaamooyin qof ahaan iigu dhacay wuu iska yaraa. Xagga qoyskayagu waxa ay ahaayeen dad fiican oo aan sabool ahayn. Shaqada aan haystaana waa mid fiican. Gabadha xaaskayga ahina waa qof aqoonyahan (masters degree) sidata. Jaamacaddana aan wax ka wada dhigi jirnay, waxaanay maamule mashruuc (project manager) ka ahayd barnaamij ay haayadda EVAT ka wadday gobollada Awdal iyo Selel.

Xilliyada aad cadhoonaysaa waa marka aad maamuullada is-qabataan gaar ahaan xilliyadii Koonfur la joogay. Colkayaga Camuud oo dhan waxa Lafoole nalagu xisaabin jiray Kacaan-diid, waanay iska jireen waxoogaa noocaas ahi. Laakiin caqabad aan sheego oo aan ka soo kaban waayay ma jiraan.

Xagga farxadda kuwo badan ayaa jiray oo mar kasta oo aan qalin-jebiyaba waan farxi jiray. Laakiin haddii aan duudduub kuugu sheego, intii ugu farxadda badnayd noloshaydu waa lix iyo tobankii sanno ee Camuud joogay ee u dambeeyay. Taas oo ah inaad ku farxayso inaad mustaqbalkii dalkan iyo dadkan aad wax ka beddelayso. Marka aad haayadaha iyo dawladda eegto, gobol aanay cidi bahda Camuud ka joogini ma jiro. Tiro-koobkii u dambeeyay ee dalka waxa uu ahaa inay dalka ka jiraan 104 dugsi sare. Mid aanu macallin Camuud ka soo baxay joogini ma jiro. Qaarkood ayaa haayadaha iyo wasaaradaha ka madax ah. Dhawaan waxa aan rejaynayaa inaan ka talax-gabo xagga Jaamacadda oo hadda werwerka Jaamacadda ayaa igu badane, waxa aan filayaa inaan dhanka cibaadada u leexdo si uu u diyaar-garawga iyo fekerka Aakhiro iigu bato. Markaa xilli kasta oo aan joogo qalin-jebin Camuud ah laga bilaabo 2003dii waa farxad joogto ah, haddii aan weydiintaadii ka jawaabay”.
La soco qaybta 5aad haddii Alle idmo.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)


Aqriso Magacyada Liiska Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Puntland oo goordhaw lagu dhawaaqay

$
0
0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland Dr Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa galabta si rasmi ah ugu dhawaaqay Liiska Golaga Wasiirada Cuub ee Maamulkaasi.

Wasiirada Cusub ee Maamulka Puntiland ayaa ka kooban 47 Wasiir oo isugu jira Wasiiro , Wasiir kuxigeen iyo Wasiiru Dowlayaal .

Halkan ka Aqriso Magacyada Golaha Wasiirada Cusub ee Puntiland


GOALAHA WASIIRADA

Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka caddaladda arimaha diinta
Axmwed Cilmi Cismaan (Karaash) Arrimaha gudaha iyo dowladfaha hoose
Xasan Cismaan Maxamuud Alloor Wasiika Amniga
Shire Xaaji Faarax Wasiirka Maaliyadda
Sahra siciid Nuur: Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Cali Axmed Faatax Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Xaanada xoolaha
Cali Xaaji Warsame Wasiirka Waxbarashada
Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Caaafimaadka
Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud
Xasan Xaaji Siciid Xasan Duulista hawada & garoomada
Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka
Anisa Cabdulqaadir Shiikh Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska
abdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) Wasiirka kaluumeysiga iyo kehyraadka badda
Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta
Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha
Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle Wasiirka Shaqada. Shaqaalaha Dhalinyarada

WASIIR KU-XIGEENADA

Maxamesd Faarax aadan Wasiir ku xigeen Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta
Cabdullaahi Xaashi Warsame Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose
Cabdicasiis Maxamed Adam Wasiir ku xigeenka Amniga
Axmed Yaasiin Saalax Wasiir kuxigeenka Maaliyadda
Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil Wasiir kuixgeen Dastuurka iyo Arrimaha federaalka
Siciid Faarax Maxamuud Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
Cabdiweli Seed Cilmi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha
Prof. Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka Waxbarashada
Aamina maxamed Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka caafimaadka
Nuur Axmed Yuasuf Wasiir kuixgeen Warfaafinta
Liibaan Beddel Maxamuud Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud
Cabdullaahi Jaamac Aruurshe Wasiir kuixgeenka Duulistan & Garoomada
Siciido Xuseen Cali Gees Wasiir ku xigeenka Beera iyo Waraabka
Maxamuud Maxamed Cali Wasiir kuxigeenka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda
Cabdirashiid Gaani Cali Wasiir kuxigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda
Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada
Farxiya Yusuf Xirsi Wasiir kuxigeen Haweenka iyo Arrimaha qoyska
Faarax Cali Cabdi Wasiir kuxigeen deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta
Cabdirisaaq Nuur Cumar Wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo wershadaha

WASIIRU DOWLAYAAL

Axmed Siciid Cabdiraxmaan Wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo wershadaha
Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye Wasiir dowlaha jkaluumeysiga & kehyraadka badda
Cali Yusuf Jaamac Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose
Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Wasiiru dwolaha madaxtooyada iyo xiriirka gobolada
Dr.Maxamed Cabbaas Cumar, Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah
Cabdiqani Geele Maxamuud Wasiiru Dowlaha duulista hawada & garoomada
Cabdullaahi Jaamac Casli Wasiiru Dowladaha caafimaadka
Axmed Ibraahim Cawaale Wasiiru Dowladaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga
Maxamuud Beeldaaje Faarax Wasiiru dowlaha Amniga

Alshabaab oo kala shakiday iyo Habkii loo khaarijiyay madaxii caafimaadka Alshabaab

$
0
0

Wararka ka imanaya degmada Baraawe, ayaa sheegaya in Al shabab uu soo kala dhexgalay Shaki ku aadan cida bixisay Xogta Weerarkii Maraykanka ka fuliyey Gobolka Sh/Hoose.

Al-Shabaab ayaa Weerarkaasi oo lagu dilay Madaxii Caafimaadka, Axmed C/qaadir C/llaahi Camo “Iskudhuuq”, waxaana ay uqab-qabteen xubno badan oo ka tirsan isla Kooxda, kuwaasi oo ay ku tuhmeen inay maleegeen weerarka oo ay ka dambeeyeen.

Amniyaatka Al shabab ayaa Howlagallo ay ka samayeen Magaalada Baraawe, ee Gobolka Sh/Hoose ayaa xiray Xubno ka tirsan Kooxda, kuwaasi oo looga shakiyay in ay fududeeyeen Weerarkii Diyaaradda Drone-ka fulisay ee lagu qaarijiyay Axmed C/qaadir Camo (Iskudhuuq).

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in Howlgalka ay Amiyaatka Al Shababku ka kala fuliyeen Degmooyinka Buulo Mareer iyo Baraawe, ay ku soo qab qabteen 5 Qof, oo 3 kamid ah ay yihiin Horjoogiyaal Al shabab ah,halka kuwa kalena ay yihiin Dadka Deegaanka.

Dadka Degan Degmada Baraawe, ayaa soo sheegaya in Maanta Magaalada lagu arkayo Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Kooxda Al shabab, kuwaasi oo Baaritaano samaynaya.

Waxaa jira Tuhun ku aadan in Al shabab dhexdooda ay u fududeeyeen Maraykanka in uu Bartilmaameed ku dilay Madaxoodii Caafimaadka, kadib markii Diyaarad nooca aan Duuliyaha wadin ay Gantaalo ku dhifatay Gaari uu saarnaa, xilli uu ku socdaalayay Wado ku taalla inta u dhaxeysa Baraawe iyo Sablaale.

Gaariga uu watay “Iskudhuuq”ayaa la dhexgaliyay Aalad (Device),taasi oo u fududeysay Maraykanka in Diyaaradihiisa Drone-ka ah ay Gantaal ku dhuftaan Gaariga, oo ay sidaasi ku dilaan Horjoogahaas. Waxaana arintaasi ay Al shabab ku sheegeen mid la maleegay, islamarkaana Shaqsiyaad dhexdooda ah oo kaliya ay samayn karaan.

Al shabab ayaa horay u mamnuucday Teleefoonada Casriga ah ee (Smartphones), iyo Internet-ka ,kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay fududeyn karaan Weerarada Duqeymaha ah ee lagu dilo Hogaamiyaasha Kooxda.

Diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Kenya ayaa mudo ka yar 6 Bilood, waxa ay Gudaha Dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen ugu yaraan 5 Weerar oo dhanka Cirka ah, kuwaasi oo ay ku ugaarsanayeen Horjoogiyaasha Sare ee Al shabab. Weeraradaasi ayaa waxaa ugu dambeeyay kuwii ka kala dhacay Gobolada Gedo iyo Sh/Hoose.

Sooyaalka Hon.Prof: Saleebaan Axmed Guuleed. Qeybtii U Dambeysay

$
0
0

Waa qaybtii Shanaad oo gunaanad u ah  wareysigii taariikhiga ahaa ee aynu la yeelannay Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud.

Prof-Saleebaan

Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed oo la weydiiyay waxa uu talo, tilmaan iyo tusaale u jeedinayo guud ahaan bahda waxbarashada ayaa isaga oo si guud ula hadlaya dhallinyarada iyo bahda aqoonta meel kasta oo ay joogaan waxa uu yidhi “Ardayda iyo macallimiintu meel kasta oo ay joogaan waxa aan u arkaa ardaydaydii, gaar ahaan kuwa Somaliland iyo kuwa kaleba. Waayo tacliintu xuduud malaha inta badan.  Allena waxa uu yidhi Ilaahay ummad ma dooriyo oo dhibka iyo waxa saran kama kor ka qaado illaa iyagu ay is-beddelaan. Dalkan qorshihiisu waxa uu ku xidhan yahay waxbarashada hanaqaadaysa oo aynu xoojinno gaar ahaan kuwa jaamacadaha iyo macallinka wax baraya dhallinyaradu in uu dedaalkiisa sii kordhiyo. Jahliga ayaa ummadda dib u dhiga, in aqoonteenne yar tahayna waxa aad ka arkaysaa in hawlihii la rabay aanay sidii saxda ahayd u wada socon, in aynu goynnay miyigii khayraadka laga soo saari jiray oo aynu magaalo isugu soo ururnay, xoolihii iyo beerihiina waa la soo cidleeyay. Markaa ummaddan is-beddelkeedu waxa uu ku xidhan yahay da’yarta oo aqoon ku gaashaamata”

 

Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed oo ugu dambayntii dardaaran u gudbinaya bahweynta Jaamacadda Camuud ee uu Guddoomiyaha ka yahay ayaa isaga oo sharxaya inay soo saareen hoggaamiyeyaal qaran, yoolkooduna hayay wanaajinta tayada aqooneed waxa uu yidhi “Ta Camuud oo aan weli joogo waxa aan leeyahay, dabcan taariikh waynu samaynnay oo Jaamacaddii ugu horreysay dalka ayaynu nahay. Halka laga sameeyay oo Camuud ahina waa dugsigii sare ee koowaad ee dalka laga furay, waa meel taariikh leh. Waxa ka soo baxay madaxweynayaal ayaa ka soo baxay tusaale ahaan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa lodkii koowaad ee ka baxa dugsiga sare ee Camuud, Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin isna Camuud buu ka baxay.

 

Wasiirro, culimo iyo inta ugu badan dadka waayo-aragga ah ee dalka joogaana waxa ay ka baxeen Camuud ama Sheekh. Bahda Camuud waxa aan leeyahay waxa aynu bilawnay barnaamij waxbarasho, uma jeedno keliya inaynu tacliin bixinno. Hadafkeennu waa inaynu soo saarno aqoon tayo leh, fekerkaasna waxa inala qaba Jaamacadaha kale ee Somaliland.. Markaa taas ayaynu ku dedaalaynnaa haddii Alle idmo”

 

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah aqoonyahan kaalin muuqata kaga jira horumarinta waxbarashada Somaliland, kana mid ah boqolkii qof ee loo aqoonsaday Hal-door kaddib markii la sameeyay barnaamijkii qaran ee qiimee qofkaagu waxa uu mudan yahay xus, hambalyo iyo in lagu dhiirrigeliyo hawsha uu dalka iyo dadka u hayo.

 

Qormooyinkan taariikhiga ah waxa soo diyaariyay Akadamiga Suugaanta, Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa. Waxa aannu mahad-naq ballaadhan u jeedinayaa bahda saxaafadda ee sida joogtada u soo tebisay dhambaalladan maamuuska ah, bulshadii ku xidhnayd akhriska farriimahan, inta nagu hambalyaysay sooyaalkan iyo cid kasta oo jecel samaha, horumarka iyo nabadda Somaliland…

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Saeed Mohamoud Gahayr Hargeysaawi

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa

SIILAANYO WASIIRADA ISAGAA “”GREENLIGHT” SIIYAY IN AY WAXEY DOONAN SAMEEYAAN, Muuse Biixina Maaha inuu…….

$
0
0
Ugu horeyn  waxaan  salaamaya  bahda  saxaafada, guud  ahaan, gaar  ahaanba,waxanan ku salaamayaa  salaamta Islaamka ee  ah ”Ascw”.
Ka dib  beryahan  waxaan  la  wada  soconaa  qeylodhaan  ka  soo  yeedheysa taageerayaashii  xisbiga  kulmiye  iyo  hogaaankii  xisbiga  kulmiye.
Hadaba  marka  aqliga  fayow  loo  noqdo  ama  garashada  saxda  ah  ee  fog  la  kaashado  waxa  kuu  soo  baxeysa  in muranka  iyo dib u dhaca  shirka  kulmiye  yahiin  wax  uu  Oday  siilaanyo  u  badheedhaayo, isagoo  kolba  tuul  cusub  oo  uu  ugu  yeedho  wasiiro  adeegsanaaya.
Macnaha  eryga  wasiirka  maanta  ee  somaliland  waa  shaqaale  uu  siilaanyo  leeyahey  dadkana  umma  wada  sinaankaraan  ee  kii  shaqada  qortay  ayay  u  shaqeynayaan  dab can kaasina  waa  siilaanyo.
Wax  kale  oo  iska  cad  i  oday  siilaanyo  uu  wasiiradiisa  amar  ku  siiyey  in  ay  is  hortaagaan  wax  kasta  oo  ay  hogaan  ku  sheega  beenta  ah  ee  xisbiga  kulmiye  soo  jeediyaan  waxana  kuu  cadayneysa  xitaa  in  awoodoodii  uu  madaxweyne  ku  xigeenka  oo  fulinaya  fariinta  madaxweyne  siilaanyo  uu  si  cad  u  joojiyey  shirkii  iyo  qorshahii  socday  ee  gabgabada  ku  dhawaa.
Waxaad  arkeysaa  wasiiro  aan   cabshadooda  u  la tagayn   gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye  balse  siilaanyo  la  showraaya, halkaasina  waxaa  ka  cad  in aanu  xisbiga  hogaankiisa  uu  siilanyo  dhabar  jabiyey  kuna  balan  furey  sheekaduna  waa  xaajo  nin  kastaa  ka  tali waana  kala  guur  iyo  kala  yaac.
Ugu  danbeyntii  wasiirada  waa  wasiiro, ku  howlgalaaya, magacii  ummada, shaadhkii  dalka, dhaqaalahii  ummada, xilalkii  ay  dadka  u  hayeen, hadana  waxaa  la  leeyahey  waxey  ka  talinayaan  xisbigii  oo  sideey   isu  raacayaan  qofku  in  uu  shaqo  aan  tiisii  aheyn  faraha  la  galaa?  dabcan  wey  arkoonayaan  waxaana  laabta  u  gaaracaaya  waa  Odaygii  wasiirda  siiyey  waxa  loogu  yeedh ” greenlight”  oo  ah  in  ay  waxay doonaan  sameeyaan ee  ummada  yaan  been  loo  sheegin  kama  jiro  xisbiga  kulmiye  dhibaato  aanu  siilaanyo  abuurin.
Gabagabdii  waxaan  f  fariin  u  dirayaa  gudoomiyaha  beenta  ah  ee  xisbigaasi  waa  muuse  biixi  cabdi, waxaanan  leeyahey    maahan  in aad  taageerayaashaada  kolba  been  u  sheegto  siilaanyo  wuu  ka  badheedhey  in  uu   wasiir  samaale  maanta  ka  dhigo  milyan neer, wasiir  arimaha dibada  ee  cusubna  waxa uu  u   keenay  wax  uu  raadiyey  cid adiga  iyo  qabiilkagaba  neceb  waana  mr  wasiir  daafuur  oo  hada  ah  kuwa  wasiiro  ku  sheega  ah  looga  dhigey  gudoomiye  xumaanta  siilaanyo  faafiya  balse  waan ka  xumay  in  80  jirkaasi  la  adeegsado, oo  aqli   uu  ku  garto  waayo   waase  caado, dumarkaa  marka  la  shukaansanaayo  la  amaanaa  tolkeena  waa  habaar  ku  dhacey  in  hankoodii  wasiirnimo  50sanno  dhaafi  waayo , ee  adigu  waa  in  aan  go’ aankii  aad  siilaanyo   aad  iska  kaga dhicin  laheyd qaadataa waxba  yaan  sifir  iyo  ina  kaahin  oon  siilaanyo  waxba  ka  maqleyn  balse  uu  laftooda  ka  dhigo  ulo  uu  meelaha  qaar  iskaga  eego  ha  sii  eegin  ee  meesha  waxaa  kuu  taala  nin  la  tumay  tallo  gaadhey.
Qore: Tahir hussein/ London,Uk
waayo_aragman@yahoo.com

Oday Dhaqmeed Reer Baydhabo Ah Oo Ku Hanjabay Inay Habargidir Kabo la’aan Kaga Saari Doonaan Hadday Diidaan Maamulka Lixda Gobol

$
0
0

ODAYDHAQAMEED REER BAYDHABO AH KU HANJABAY INUU HABARGIDIR KABO LA’AAN
GOBOLKA BAY KA SAARI DOONAAN HADDAY DIIDAAN MAAMULKA LIXDAA GOBOL.

xasan cumarow
Baydhabo (Harowo)– Hogaamiyedhaqameed  kasoo jeda Gobolka Bay ee dalka soomaaliya
ayaa sheegay inay Habargidir  kabo la’aan geyn doonaan  magaalada
Cadaado hadii ay dayn waayaan ama ammaansiin waayaan maamulka koonfur
galbeed soomaaliya ee la dhisay ,calankana loo taagay.
Malaaq Xasanoow Cumarow oo  u jawabayey nin la yidhaa axmed Diirye
kansoo jeeda beesha H/gidir ,ayaa waxa kale oo uu malaaqu ku hanjabay
in haddii qaska ka deyn waayaan gobolada Bay iyo dhulka digil iyo
mirifle Habargidir iyagoo kaba gashan ha iskaga baxaan Bay wuxu
Malaaqaasi yidhi’  ”Habargidir marka dan ay leedahay waxay afka
labadii daan ay yeertaa Abgaal walaalaan nahay Hawiyoow na soo gaara
marka danteeda ay gaadhana Abgaal baddaan ku shubaayaa ayey meelaha la
soo istaagtaa anaguse haddaan nahay Digil iyo Mirifle ilmihi oday
Raxaweyn waxba noogagama shuqul jiro ama ha isusoo habar wacdeen ama
kaligooda ha isasoo mutaxeen wixii nagu soo xadgudba
dalkayaga,dadkayaga iyo diinta sharaka iyo karaamadayada ku soo
taraaraxa laga waaban maayee indhahaan kala baxaynaa waana
dhabarwareemeynaa inagoona cidna aynaan uga haybaysaneynin dhisiddi
dowlladeedna Koonfur Galbeed Soomaaliyataasoo ka talineysa Lixda Gobol
Jubba iyo SHabeelaha Hoose”.

“Annagu haddaanu nahay Digil iyo Mirifle diyaar baanu u nahay khatar
iyo weerar walba ka dhanka ah dadyowgeena Koonfured iyo dhulkeena ay
soo agaasimaan ama soo dhoodhaabaan jufada xaaraandoonka Axmed Diiriye
makaroofanka u ah inaan gaashaanka u daruurno wax walba haku baxdee
mana ka labalabayneyno inaan wiiqno cuddud kasta oo mooriyaan ay
isukeenaan anagoo ku maquunin doona awood milatari oo miisaan culus
leh”, sidaa waxaa ku gaydhi siibtay Malaaq Xasanow Cumuroow oo hal
adeeggu uu u dhashayba.

“Illaah idamkii dowlladda Koonfur Galbeed waan dhiseynaa ciddii ku
riyoonaysa dadkan Digil iyo Miriflaha toosay handada taasi taladaa ka
luntayo inay iska tahriibtaa u dhaanta”, mar kale waxaa ereyadaasi
haldoornimada leh afkiisu ka soo burqadeen Malaaq Xasanow Cumurow
isagoo tilmaamay in Digil iyo Mirifle dulmi intaan ka badan ayan
ilbiriqsi hadda kadib ah u dulqaadan doonin maxaa yeelaybuu suldaanku
hadalkiisu ku daray “Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa qofaan shantaada
kaa reebina sharci kaama reebo”.

Malaaq Xasanow Axmed Diiriye wuxuu yiribuu yiri “Anagaa abaartii idin
quudinay, wax ma dhisan kartaan Miriflana wax shaqa ah kuma laha
SHabeelaha Hoose Digil waa Hawiye iyo ereyo la mid ah”, Malaaqu wuxuu
ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin gef iyo edabdaro ka weyn ummad
baaxaddaas leh laga galo ama loo geysto laakiinbuu yiri Malaaq Cumurow
“Oday Axmed Diiriye aflagaadada uu u geystay qaranka Koonfur Galbeed
iyo qowmiyadda Digil iyo Mirifle waa ka qoomamayn doonaa hadduusan si
degdeg ah uga toobad keenin”.

“Axmed Diiriye waa iska tanaagooday sidii dameer rar soo dhigay oo
kale, jufadiisi shaley Bakool, Baay iyo SHabeelaha Hoose joogay anagaa
ka soo erinay qori caaraddii aan baryo ku jirin, lama joogo xiligii
masaajidda beeraha guriyaha dadka Digil iyo Mirifle Koonfur Galbeed
Soomaaliya xoogga lagu haysan jiray isla markaana biyaha dadka
SHabeelaha Hoose Axmed Diiriye jufadiisa Habar Gidir ay ummadda dhulka
iska leh ka iibin jirtay, Axmed Diiriye isagu waa nin Saleebaan ah
Cadaado ha iska aado intuu dhulku nabadyahay hadduu diidana xili waxaa
imaan doonta anaga aan u lugeysiin doono ilaa iyo Cadoodo iyo
Godonlabe .

Anagu Raxaweyn ayaa nala yiraahdaa, waxaana dagnaa iska
leenahay inta u dhaxaysa labada Webi Koonfur Soomaaliya, 6 gobol
ayaanu u nasab isir iyo ab sheeganaa la isku yiraahdo Koonfur Galbeed
Soomaaliya kalana ah Jubbada Hoose, Baay, SHabeellaha Hoose, Gedo,
Bakool, Jubbada Hoose iyo kala badh Xamar, soodinteenuna waxay ku soo
egtahay dhanka Muqdisha illaa Masaajidkii Arbacarukun, Axmed Diiriyoow
dhagahaaga fur aad u maqal dhulkaasi aan soo tiriyey shaki yaanu kaa
gelin Raxaweyn Digil iyo Mirifle ayaa iska leh lahaan jiray lahaan
doona kana talin doona Idam Alle ciddii hunguri xumo ama digdigleyn
nagu soo qaaddana abaalkeedaa ayaan ka waraabineynaa”.

http://baidoanews.com/articles/18082/Malaaq-xasanoow-Cumuroow-Axmed-Diiriye-Annaka-Raxaweyn-ah-ayaa-Geyn-doona-Cadaado-kaba-Laaan

Ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa Jubbooyinka iyo Gedo oo lagu diyaarinayo Kismaayo iyo Dhoobleey

$
0
0

Maamulka Jubba ayaa diyaarinaya ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa Gobalada Jubbooyinka, iyadoo Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey lagu tababarayo ciidamo ka tirsan kuwa Jubba oo la sheegay inay weerar ku qaadi doonaan Magaalooyinka Shabaab Jubbooyinka ay kaga sugan yihiin.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la hadlaye ciidamo tiradooda lagu sheegay 1500 oo askari oo tababar uga socda Xerada Madhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in ciidamada laga rabo sidii Shabaab Jubbooyinka ay uga nadiifin lahaayeen.

Kuxigeenka hogaanka Maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay inuusan umaleynin in hadii ciidamadaan ay tababarka kasoo baxaan oo direeska ciidanka Jubba loo xiro in Shabaab ay kusii jiri karaan Jubbooyinka ilaa Gedo.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay kala jabeen oo hada aysan laheyn awood badan oo ay isku difaacaan ama ay ku dagaalamaan intaba, isaga oo sheegay in Shabaab ay halis ugu jiraan inay kala dareeraan.

Ciidamada tababarka usocdo ayuu sheegay inay yihiin libaaxyo la doonayo inay qabtaan Magaalooyinka Baardheere, ilaa Bu’aalo oo kamid ah Magaalooyinka ka kala tirsan Jubbooyinka iyo Gedo.

Ciidamo kale oo Jubba ka tirsan ayaa tababar waxa uu ugu socdaa xero ku taala Degmada Dhoobleey ee Gobalka Jubadda hoose, waxaana la sheegay kuwaasi inay qeyb ka yihiin ciidamada la dagaalamaya Shabaab ee Jubbooyinka iyo Gedo ka saaraya.

Al-Shabaab ayaa Jubbooyinka iyo Gedo kaga sugan Magaalooyin badan oo muhiim ah,halkaasi oo ay ku sugan yihiin inta badan madaxda sar sare ee Shabaab

Gudomiyaha Gobolka Banaadir Oo Soo Jeediyay In Muqdisho laga bilaabo Dhaqangalinta Nidaamka Fedaraalka

$
0
0

Muqdisho (Harowo)–Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in Magaalada Muqdisho laga bilaabo dhaqangelinta nidaamka federaalka ee dalka uu hada ku shaqeeyo.

Tarsan ayaa Wasiirka cusub ee arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ka dalbaday in marka horeba Muqdisho laga bilaabo arinta federaalka maadaama muhiim ay tahay in la cadeeyo Muqdisho sida ay uwajaheyso habka federaaliisamka.

Wuxuu xusay Guddoomiye Tarsan in Gobalada dalka Soomaaliya ay ka dhismayaan Maamul Gobaleedyo uu ka xusay Jubbaland, Puntland hadana Baydhabo uu ka socdo mid maamul loogu sameynayo Gobalada Koonfurta, sidaasi awgeedna ay muhiim tahay in Muqdisho la cadeeyo sida ay uwajaheyso nidaamka federaalka.

Duqa Muqdisho wuxuu Wasiirka cusub ka dalbaday inuu dedejiyo sida Muqdisho looga hirgelin karo nidaamka federaalka ee Dowladda Xasan Sheekh ay hada ku shaqeyso.

Wuxuu dhanka kale Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday inay dagaan Degmooyinka Gobalka Banaadir oo ay isku qeybiyaan, balse aaney isku koobin Degmooyinka Dowladda ay ku badan tahay kaliya.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Tarsan, wuxuu ka jeediyay kulan ka dhacay Muqdisho oo Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka xilka uu kula wareegaye.


Reer Doonaya In Dawladnimo Loo Ictiraafo Dariiqii Loo Marayayna Qabyaalad Ka Doortay

$
0
0

Reer Doonaya In Dawladnimo Loo Ictiraafo Dariiqii Loo Marayayna Qabyaalad Ka Doortay

Maamulka Soomaaliland  ayaa labaatankii sannadood ee u dambeeyeyba
geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii ay caalamka uga iibin lahaayeen waxa la yiraa qaran,waxayna labaatan sanadood meel kastab u mareen
sidii ictiraaf loogu heli lahaa maamul anay ka jirin caddalad iyo
sinaan , isla makaana an laga dhaafin dilalkii iyo xasuuqii ay ka
geysteen gobolla ka mid ah dalka ,welina hab siyaasadeed ku wad
aargoosigaasi.
Maamulka soomaaliland madaxweynuhuu doonaba ha ahaadee waxba kama
beddelin go’aamadii Qaaxo ee snm ku go’aansatay in laga aargoosto
ciddii lasoo dagaalantay ama iska difaacday dagaalkoodii ,waxayna
taasi keentay in badi beelaha an isaaqa ahayn laga ilaaliyo hay’adaha
dhaqaalaha sida Baananka ,Khasnadaha,Kastamada,loona samaysto dad ku
abtirsada iyaga .

Sidoo kale beelaha kale looma dhiibo meelaha laga hago siyaasada maamulkan sida arrimaha debedda,arrimaha gudaha ,arrimaha , maaliyadda, garsoorka, taliska ciidamada kala duwan iwm waxana
saddexda qaybood ee golayaasha ay ku sheegaan baarlamaanka haysta
beelaha dhexe .

Waxa inta badan lagu bartay maamuladii soomaaliland
soo maray inay mar kastaba   shirarka caalamka lala gelayo iyaga uuni  wax
ogaadaan ,hadday soomaaliya tahay iyo hadday dhulka kale ee dunida
tahay,waxayna isku raacaan raxanraxan,marka laga reebo madaxweynihii
Daahir rayaale oo isagu safaradiisa ka reebi jiray qoladiisa ama
gobolada uu kasoo jeedo wasiiradoodaba ,balse mar kasta maamulka
beelaha dhexe  yahay madaxweynaha waa calaamad weli ka markhaati
kacaysa xumaantooda ,cunsuri nimadooda iyo khiyaamadooda .

Waxay doonayaan in loo ictiraafo dulmiga intaa le’eg ee anay kaba
garaadaysanayn hadday weynyihiin iyo hadday yaryihiinba .Ma jiro xisbi
siyaasadeed oo Gedebuursi ku leeyahaya dalka kii keli ahaa ee ka
jirayna waa la baabiiyey oo iyagaa baabiiyey,sidaasoo ay tahay ayey
kusii indho adagyihiin inay ictiraaf helaan . Marka aad la doodo ee aad runta u sheegto waxay ku odhanayaan tan anagaa kaadi usoo cabnay.

Dunidu way baratay oo looma joojiyo ,xitaa soomaalida kale ayaa  og inaan reer keliya oo
beelo kale duudsiyey xaqoodii la ictiraafayn ,waxa dhaanta taa
soomaalida u dhxaysa ee weliba ay iyagu kolba weji kula dagaalamayaan.
Waxan ognahay socdaaladii u dambeeyey ee siilaanyo horkacayay ee uu ku tegay dalalka Turkiga, USA, France, UK iyo meelo kaleba
Iyo Kuwo aanu isagu hogaaminayn ee uu cidkale u xilsaartayba aanay ku jirin  in wax magac leh oo la yaqanno
oo metela umadda reer awdal ,waxanad moodaa in macnahoodu yahay anigu
an “xamar tegee idinku ha tegine “,anigu an Xamar kasoo qaato
dhaqaalaha idinku hasoo qaadanina ,anigu an deeqaha caalamka ka
qaygalee idinku haka qaybgelina ,welina kama waantoobayaan  arrimaha
noocaas

Sidaa darteed lama odhan karo way dhaamaadeen dagaaladii waqooyiga ka socday ,nabadda ay ku faanayaanna mar uunbay faraha ka bixi hadii
dulmigu sii socda. Sidaa ha u ogaadaan in caalamku ka indho
dheeryahay,lana ictiraafi doonin.

DAAWO Khudbadii Obama Ee Ruxday Golaha

DAAWO Shilalka Diyaaradaha Oo Aan Badbaado lahayn iyo Baaxada Khasaaraha Ay Geystaan

“Bulshada Ay Ku bataan Dadka Isdhiibay Horumar Ma Gaadhaan” Khabiir Reer Boorama Ku Boorriyay Inay Boodhka Iska Jafaan Oo Ay Fahmaan Sirta Guusha. Ismail Tukaale Oo Eelo University ka jeediyay Lecture. DAAWO

$
0
0

Lucture AMa muxaadaraydii ugu horeysay ee nuuceeda ahayd oo uu maanta jeediyay khabiir daraasadbadan ku sameeyay albaabada laga galo guusha iyo godadka guuldarada.Dadkii darsigan dhageystay waxay isku raaceen inuu yahay kii ugu wanaagsanaa ee abid ay maqlaan dhegaha da’yarta reer Awdal.

Aqoonyahanku wuxu daraasad qotodheer ku sameeyay dhibaatada haysata dadka reer Awdal dhinacwalba, dhankastaba siyaasada, ganacsiga iyo dufaaca isagoo si xirfadaysan ula hadlay ciddii wax fahmaysa.

Bulshada Ay Ku bataan Dadka Isdhiibay Horumar Ma Gaadhaan” Aqoonyahan Reer Boorama Ku Boorriyay Inay Boodhka Iska Jafaan Oo Ay Fahmaan Sirta Guusha. Ismail Tukaale Oo Eelo University ka jeediyay Lecture.
DAAWO

Wariye Indhaha U Shiday Wasiir Waran Cadde: Daawo Warancade Oo Kursiga Xajin waayay Wariyihiina ugu jawaabay kalmadihii fadhi ku dirirka” Jiingadihiibaad naga furateen”

DAAWO JUBBA Waa Xidhinta Kala Qeybisa Somaliya iyo Kenya (Buffer Zone)

Siyaad Barre Wuxu Dadka Ku Yiri Cuntada Wadaniga Cuna Guyaha Madaxdana Waxa Lagu Cuni jirey Bariis iyo Baasto, laakiin Odeygeygu uu diiday. Dharaarihii Tilmaannaa. Q- 9aad..

$
0
0

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 9aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

Wakhti duhur ah waxaan Idaacada Itoobiya ka maqalney “Jaamac Rabiile Good oo ka mid ah Siyaasiyiinta waa weyn ee Soomaaliya oo ka goostey maamulka madaxa adag ee Maxamed Siyaad Barre”. Berigaas labbada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeyay xurguf culus iyo dagaal weyn oo dhinac walbe waxa uu gabood fal iyo dhufeys u ahaa mucaaridka kan kale ka soo horjeeda amma ku kacsan hoggaamintiisa.

Jaamac Rabiile Good AUN oo maalintaas 1979-kii ka hadlaya Idaacadaas Itoobiya waxa uu dhaliilay taliskii Maxamed Siyaad Barre waxaana uu ku tilmaamey in uu yahay kali taliye kani adag oo waliba dhiigyo cab ah, wakhtigaas waxa dalka Itoobiya ku sugnaa rag miisaan culus ku lahaa Siyaasada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo rag kale oo badan, dhammaantood waxa ay ahaayeen mucaarid ka soo horjeeday maamulka Maxamed Siyaad Barre waxaana heshiis ay ku ahaayeen shabakada mucaaradnimo iyo in Xukuumada Kacaanka qori ay kaga tuuraan talada dalka, raggaas ayuu Jaamac Rabiile dabka ku qabsadey dabadeedna waxa uu kaalin laxaad leh iyo door ka qaatey aasaaska ururkii SSDF.
Wareysiga aan la yeeshay Maamo Sahra Cismaan Suldaan (Sahra Janaale) oo ah Oorida u dhaxdey Jaamac Rabiile Good haan ku soo afmeero afar su’aalood oo aan isleeyahay waxa ay udub dhexaad u ahaayeen xogta aan rabbey in ay bannaanka soo dhigto amma u sheegto dadweynaha Soomaaliyeed.

S. Sahra Cismaan Suldaan colaada gaadhey heer Maxamed Siyaad Barre isku dayo khaarajinta Jaamac Rabiile Good maxaa saldhig u ah baad isleedahay?

J. Markii uu Jaamac Rabiile wasiirka Dalxiiska ahaa waxa la soo jeediyey in xubnihii ku jirey golihii sare ee Kacaanka iyo golihii Xukuumada ay u codeeyaan darajooyinka faraha badan ee markaas uu isku haystey Maxamed Siyaad Barre oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha dalka, guddoomiyaha golaha sare ee Kacaanka iyo qaar kaloo badan in darajooyinkaas qaar laga dejiyo awoodooda iyo in kale, maalintii cod bixinta la qaaddayey Jaamac Rabiile waxa uu fadhiyey safka u horreeya goobta dabadeed masuuliyiintii madasha fadhiyey oo dhan gacanta ayey u tageen in Maxamed Siyaad Barre waxaas oo darajo ah isku hayo inta uu nool yahay balse Jaamac Rabiile markii gacanta la taagayey waxa isagu labbadiisa gacmood dul yaalleen amma dhigey bawdooyinka lugihiisa, halkaas dareen baa uga baxey Siyaad Barre oo odhannaya ninkan aad wasiirka ka dhigtey taliskaaga iyo hoggaamintaada guud ee talada dalka kama raali aha, sidaas darteed waxyaabaha kale ee ay isku qabsadeen waa sahaalo marka la barbar dhigo arrintan oo aan isleeyahay waxa ay saldhig amma gundhig u ahayd khilaafka iyo colaada dhex martey Jaamac Rabiile iyo Siyaad Barre.

S. Maadaama uu Jaamac Rabiile ahaa qof neceb in uu cuno hantida ummadda Soomaaliyeed sidee buu idiinku filnaan jirey mashaarka wasiirnimo ee uu qaadan jirey bil kaste billowgeeda?

J. Inkasta oo guriga ay ku noolaayeen dad fara badan oo ehelka ah haddana Alxamdulillaah mishaarada uu qaato way nagu filnaan jirtey, waxaa se jecelahay in aan kuu sheego tusaale fiican oo aan isleeyahay waxa ay markhaati ka tahay sida uu Jaamac Rabiile u necbaa in uu cuno hantida ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Siyaad Barre markii uu yidhi wadankeenu waxa uu gaadhey isku filnaansho oo agab iyo alaab dibadda laga soo waaridayaa ma jirayo sida bariis, baasto, bur, sokor, saliid iwm berigaas waxa ay dadku ku noolaayeen oo saddexda wakhtiba la cuni jirey cunto wadani, sidaas darteed maalin waxaan karsanaa Shuuro maalinta kalena Kimis baan dubnaa runtiina cuntada wadanigu way ka shaqo badan tahay cunto baladiga maxaa yeellay? marka hore waa la sifeeyaa, waa la tumaa, waa la ridqaa kadibna waa la kariyaa, markaa berigaas dhibta jirtey gaar ahaan qoyska reer Jaamac Rabiile waxa ay ahayd gabadhii cuntada guriga karin jirtey dhibaato ayey kala kulantey karinta raashin wadanigaas dabadeed maalintii dambe ayaa waxa aan booqdey guriga Agaasimaha Wasaarada Dalxiiska oo naga soo horjeeday mise bariis Basmaati ayaa la karinayaa oo cunto wadanigan gurigii Wasiirka iyo wadanka laga karinnayo warba looma hayo.

Gabadhii Agaasimuhu qabey ayaan waydiiyey halka uu uga soo degay bariiskan ay karsadeen waxa ay ku jawaabtey “Taleex baan ka soo qaadaney” Maalintii dambe ayaan la hadley ninkii haystey hotel Taleex waayo? Taleex waxa uu hoos imman jirey Wasaarada Jaamac Rabiile dabadeed ninkii waxaan ku idhi bariis baan u baahanahay in aad deg deg u keento guriga wasiirka isla markiiba waxa uu ii soo direy kiish bariis Basmaati ah, habeenimadii ayaa marxuum Jaamac Rabiile, Aniga iyo caruurtiiba u casho tagney hotel Taleex markii aan gaadhney hotelka ee gudaha hore aan galney ayaa ninkii hotelka haystey fadhiga uga saro kacey wasiirkii isagga oo dhankeyga soo eegayana waxa uu yidhi bariiskii saaka aan kuu soo direy ma ku soo gaadhey waxaan ku idhi Haa, dabadeed ninkii baa naga tagey markaas buu Jaamac I weydiiyay bariiska uu ninkani sheegayo muxuu ahaa? Waxaan ugu jawaabey in uu yahay mid aan Taleex ka dalbadey saaka maadaama cuntada wadaniga karinteeda ay dhib ku qabto gabadha guriga joogta, arrintaas aad buu uga xannaaqey, markii waagu baryey ayuu baabuurkii shaqada uu ku qaatey kiishkii bariiska halkii laga soo direyna wuu ku celiyey ninkii soo direyna shaqadii madaxa hutelka ayuu ka badaley Anigana wuxuu igu yidhi gurigeyga lagu cuni maayo xoolaha ummadda Soomaaliyeed.

S. Jaamac Rabiile markii uu ka goostey maamulkii Maxamed Siyaad Barre ee saldhig uu ka dhigtey dalka Itoobiya isaga oo noqdey mucaarid mayal adag mawqifka noocaas ah ee uu qaatey wax dhib ah ma kala kulantey adigu maadaama aad tahay Ooridiisii?

J. Wax dhib ah intii hore lama aan kulmin balse markuu marxuum Jaamac Rabiile joogo Itoobiya muddo dhawr bilood ah ayaa waxa aan damcey in aan u dhoofo magaalada Jabuuti, dowladii Siyaad Barre ayaa ogaatey socdaalkeyga waxa la qorsheeyay in la igu qabto magaalada Hargeysa dabadeed waxa ay direen Talagaraam, berigaas laanta socdaalka ee Hargeysa waxaa joogey Daahir Rayaale Kaahin (Madaxweynihii hore ee Somaliland) Daahir waxa uu hellay fariintaas oo xaruntooda ku soo dhacdey waxaana uu sammeeyay wax wannaagsan oo wuu qariyey fariintii Talagaraamka, maalintaas aan dhoofayeyna ma soo shaqo tagin sidaas baan ku badbaadey oo aan ku galey dalka Jabuuti kadib dowladii Soomaaliya waxa ay la xidhiidhey dowladda Jamhuuriyada Jabuuti waxa ay ku yidhaahdeen gabadhaas oo ku sugan gudaha dalkiina soo masaafuriya, wasiirkii arrimaha gudaha dalka Jabuuti ee wakhtigaas wax fiican buu sammeeyay waayo? Ma fulin amarkaas Muqdisho laga soo siiyey laakiin wuxuu la hadley Muuse Rabiile Good oo uu ku yidhi Muusow gabadhan dumaashida kuu ah ee ku sugan gudaha dalkeena ma rabno in aan xidhno amma masaafurino sababta oo ah arrintaas waxa ay keennaysaa isku dhac labbada beelood ee Gadabuursi iyo Ciise, markaa u sheeg dumaashidaa in si xor ah oo waliba deg deg ah in ay uga baxdo dalka Jabuuti dabadeed Muuse Rabiile ayaa illa soo hadley waxaan ugu jawaabey marka aan danteyda dhameysto ayaan dalka ka baxayaa, dhawr toddobaad baan Jabuuti joogey, nasiib xumo markii aan dib ugu noqdey dalka Soomaaliya ayey diyaaradii nala fadhiisatey magaalada Hargeysa dabadeed halkaas baa la igaga qaadey Baasaboorkeygii kadibna sidaas baan baabuur iyo socdaal dhulka ah ku tagey magaalada Muqdisho, labbo habeen markaan joogo ayaa habeenkii saddexaad wakhti ay saacadu tilmaameyso saddexdii habeenimo gurigeygii la igala baxey waxaana la ii taxaabey xabsiga muddo labbo bilood ku dhaw baan xidhnaa oo wax la igu haystey amma dambi aan galey jirey balse dadaal dheer iyo dagaal cadaaladeed oo uu qaadey Muuse Rabiile Good oo waliba gacan uu ulla tagey Ina Saleebaan Dafle oo Sirdoonka dalka haystey kadib waa la I soo daayey.

S. Sahra Cismaan Suldaan aragti ahaan Maxamed Siyaad Barre maxaad ka aaminsaneyd?

J. Horta Maxamed Siyaad Barre maanta wuu inaga hoosaayaa oo halkaas hadal iigama hannaana balse intii uu noolaa aragti ahaan waxa aan ka qabbey in uu ahaa nin ragga uu jeclaa aargoosigooda marka uu gacanta la gaadhi kari waayo cadhada kula dul dhici jirey dumarka raggaas u dhaxey.

La soco qeybaha kale………..

Dhacdooyinkaa qoraal I farey
Xasuus baa tidhi bal I dhugo
Dhadhami waayihii dorraad
Wixii dhacey dib ugu noqo.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Ma kufsi baa haddii ninku xaaskiisa qasab kula seexdo?

$
0
0

Dalalka reer galbeedka waxa ka jira xeer dhigaya in ninku xaaskiisa ku qal-qaalinkarin sariirta.

Sida dad badan ay la socdaan wadamada reer galbeedka waxa loo arkaa kufsi in ninku uu xaaskiisa ama gabadha ay saaxiibka yihiin qasab kula seexdo.  Dhowr jeer oo maxkamad la soo taagay arimaha nuucaan ah ayay isku qilaafeen xaakimyada, iyadoo ay arintaas dood kulul ka dhalatay in marka gabadhu ay tiraahdo MAYA diyaar uma ihi in ninku uu ku qanco.

Saaxiibku uu ka reebanyahay dhaqanka suuban ee islaamnida  laakiin Dhaqankeena Soomaalida ayay caadi ka tahay in xaaska aysan marnaba MAYA odhan karin ninkeeda haddii ay caafimadqabto , iyadoo loo cuskanayo diinta.

Waa suurtogal in ay fajiciso kugu noqoto in ay tahay dambi aad xadhig iyo ganaax ku mudankarto doonista xaaskaaga, balse sida aan wada ognahay dumarku waa bani’aadam. Xiriirka lamaanayaashuna waa mid isbedalo ay ku dhacaan. Marka laga gudbo todobada iyo farxada bilaha hore waxaan wada ognahay in dareenka lamaanayaashu uusan ahayn sidii hore, oo marar badan ay meesha ka maqantahay niyada iyo rabitaanka sariirta.

Hadaba su’aashu waxay tahay ninku xaaska maku qasbi karaa sariirta. Xitaa haddii aysan rabin? Mise sariir aan jaceyl iyo farxad lahayn ma leedahay raaxada laga doonayo? Ka warama dhinaca kale, ee ragga iyagu aan gudan waajibkooda sariirta ee Qaadka ku mashquulsan oo aan xaaskooda xaqeeda siinin? balse markii ay rabaan korka isaga tuura iyaga oo tiigsanaya  diinta.

Maxaad ku dari lahayd oo fikrad iyo aragti ah? Waa DOOD furan…qaasatan waxaan jeclahay aragtida dumarka iyo dareenkooda ku aadan mowduucan?

Harowonews@gmail.com

 

URUR AY LEEYIHIIN DHALLINYARO REER HARGEYSA AH OO DHALLINYARADA BOORAMA ISKAGA HORKEENAY BOORAMA

$
0
0

Boorama (Harowo)– Urur ay leeyihiin dhallinyaro reer Hargeysa ah oo
la yidhaa SONYO ayaa maanta dhallinyaradii reer Boorama iskaga
horkeenay ,isku shiiday ciyaaro kubadda cagta ah oo ururkaasi u qabtay
afar isgool oo kuwa sare ah .
Ciyaartan kubadda cagta ah oo beryahanba ka socotay garoonka kubadda
cagta ee Xasan Sh. Muumin ee Boorama ayaa dad badn oo dhalinyaro u badani u daawasho yimaaddeen .

Halkaas oo ay Rigoorayaal ku kala badiyeen labada isgool ee Sheekh Cali Jawhar iyo Ardaale Ayaa Markay ciyaartii dhamaatay dhallinyartii kasoo
qaybgashay shiid isku bilaabeen ,waxayna ahaayeen kuwa kala
taageerayey labada isgool.

Bileys meesha joogay oo tiradiisu yarayd
ayaa markay yaabeen rasaas  cirka u ridayey si  dhallinyaradu shiidka
u joojiso,waxna kuma dhaawacmin laakiin waxa dhici gaadhay khasaare
ballaadhan hadii an la kala kaxaynin.
Ururkan oo beryahanba Boorama ka tegi la’aa ayaa kubado yar iyo
direys yar oo ay Hargeysa ka keeneen  wiiggan oo dhanba  sii siinayey
dhallinyaro tiro yar , halka kuwa kalena kabbo la’aan ku
ciirayarayeen,taasoo ay ahayd in hadii anay wax ku filan u keenaynin
ay dhallinyaradu iskaba daayaan tartanadan oo kale .

Arintan ayaa bahdilaad weyn ku noqonaysa masuuliyiinta ciyaaraha reer Boorama, mar hadii wiilal yar yar oo soo doolaala tegay ay direys iyo kubado yar yar iskaga horkeenayaan dhalintii sportiga ee degmada, taasoo markhaati u ah rajo la’aanta sportiga gobolka

Subxaanallah, Qoys Dhan oo Turkiya oo Gacmaha ku socda! VIDEO

$
0
0

TURKI QOYS

Subxaanallah, Reer Qoys Dhan oo Turkiya oo Lugaha iyo Gacmaha ku socda!, Waxaa la keenay Badda waligood Bad ma aysan Arag,

Hooyadii Ilmaha dhashay ayaa tiri, “Uma Qabin wax sidaan u qurux badan in Ilaahay Abuuray!”. Aabbaha Ilmaha dhalay ayaa Dhakhaatiirta Sayniska ka codsaday in ay u sheegaan waxa ka khaldan Qoyskiisa.

Dadkan waxa ka dhiman isku dheelitirka jidhka. Waxa suurta gala, in Qabiilo dhan oo Turkiga dagan ay sidaas yihiin!. Qaarkood hadda waxaa la barayaa sida loo socdo

 

 

SBIGA KULMIYE SIILAANYO AYAA BUR BURI NAAYA WAANA MARAG MA DOON TAASI!!

$
0
0

Marka hore  waxaan salaamayaa  guud ahaan, gaar  ahaan  bahda saxaafada, waxanan ku salaamayaa salaamta Islaamka ee  ah ”ascw”.

Ka dib dadku waxey  inta  badan  maalmahan danbe  is weydiinayaan, sababta kolba shirka xisbiga kulmiye uu u qabsoomi  waayey  waxaan  la  soconaa  in  xisbiga uu  Oday  siilaanyo  maamulkiisa  faraha  kala  bixi  waayey, isagoo  ka  dhigey  meel  kolba  cid  gaar  ah  oo  waliba  leh  awoodii  fulinta  u  adeegsanaya  waxaana  been  noqotay  xil  ama  maamulkii  xisbigaan  wareejiyey  sababtoo  ah  xisbigu  haduu  hogaankiisa  loo  gacan  baneeyo  khilaafku  waa  suuli  karaa  balse  marka  la  yidhaado  wasiir  hebel  ayaa  ii  yimid  oon  shirka  u  joojiyey  waa  meeshii  aan  doonaayey  roob  igu  eri  sheekada  uu  siilaanyo  wadaa!!

Dadkana  way  u  muuqataa  sheekada  ay  madaxweyne  siilaanyo  iyo  xirsi  dheelayaan  waa  in  uu  xisbigu  ahaado  xisbi  reer  oo  aan  cid  aan  iyaga  aheyni  ka  talin ,waxaa  marag  ma  doona  ah  beenta  iyo  khilaafka  siyaasadeysan  ee  kolba  madaxtooyada  laga  soo  abuuraayo  ee  kolba  wasiir  lacagtii  ummada  soo  xaday  loo  soo  dhiibaayo ee  la  leeyahey  waxaad  abuurtaa  muran!

Waxa  kale  oo  iyana  jira  xubno  ay  heyso   hinaase  qabiil  ama  hebel  waa  reer  hebel  ee  ku  xumeeya  maanta  oo   uu  siilaanyo  heyb  ahaan  ugu  adeegsanaayo  gudoomiyaha  beenta  ah  ee  muuse  biixi  cabdi,  ha  ugu  horeeyo  wasiirka  maaliyada  oo  maanta  raba  taariikh  aanu  hore  u  laheyn  in  uu  siilaanyo  u  sameeyo  iyo  naceyb  qabiilnimo  oo  aanu  qarsan  oo  uu  muuse  biixi  u  hayo  isagood  moodo  in   maanta  uu  isleeyahey  malahan  xilka  iyo  hantida  ummada  ee  siilaanyo  u  hibeeyey  reer  hebel  ku  gaadh  ama  kaga  aargooso, iyada ooyna jirin  cid  iyo qabiil hore dhibaato  ugu  geystay  balse  waa  dadka  aan  odhan karno  waxey  cadho  ka  qaadeen  abuurista  eebe qof  abuurey  iyo  karaamada  ,fadalaada  ay  dadku  illaahey  kala  fadalo, hadey  tahey , xoolo, faraha, fariidnimada, taariikhada, inta  dadku  waa  is  dheeryahiin  mana  ahaan  wax  qof ilahey siiyo oo  walalka  ah  in aad  naceyb  ugu  qaado, waxaan  odhankarnaa  ,xinka, jaahilnimada, aqoon xumada, dagaalka  aan  ujeedada laheyn  ee  wasiir  samaale  dadka  wada  dhashey  ka  dhex  wadaana  ee  uu  siilaanyo  kolba  soo  kireysanaayo  waa  kuwo  runtii  heybtiisa  gunimo  ku  ah  , waxaanu  ku  sifoobayaa  doqonkii  dabka  loo  direy  ee  gurigiisa  ku  gubey.

Hadaba  waa  iska  cadaan  xumaanta , isku  dirka, kala  qeybinta, maalgalinta  shaqsiyaadka burbruka  ka  dhex  wada  xisbiga  waxaa  aabo  u  ah  waa  Oday  siilaanyo, waxana  kuu  cadayneysa  marka  uu  shirka  xisbigu  soo  dhawaado ama  balantii  loo  balamey  ay  timaado  ayuu  dibadaha  ku  waashaa  maantana  waxa  uu  la  dibad  wareegayaa  wa  sheeko  ay  isku  ogyahiin  isga  iyo  xirsi  iyo  inta  kaba  u  qaadaba, si  shirka  xisbiga loo  baajiyo.

Nin  rumeysta  iyo  mid  aan  rumeysanba  xisbiga  kulmiye  waxaa  burburinayaa  waa  siilaanyo, waxaanan  odhanlahaa  xisbigii  in  loo  taliyo  diid  una  talin  waa!!

In  maanta  golhii  wakiiladu  ka  yaacaana  waxaa  sababey  waa  foolxumada  iyo  maamulxumada  iyo  awood  maroorsiga  siilaanyo  ee  ummadii  oo  dhami  ujeedo, ee  dadka  leh  siilaanyaa  wax  hagaajin  kara  waa dhuglaawayaal dharaar  riyooday siilaanyo  waqtigiisii  iyo  calnkiisii  wuu  dhacey  ee  wax  ha  ka  guro  ama  dibadaha  ha  wareego.

Qore: Tahir hussein waayo_aragman@yahoo.com.

 

Shirweynihii Beesha B/Muuse Oo Furmay iyo Caleema Saarka Suldaanka Oo Qeyb Ka Ah. VIDEO

Viewing all 3980 articles
Browse latest View live


Latest Images