Quantcast
Channel: Harowo.com | HarawoNews – Somalia Information & Analysis
Viewing all 3980 articles
Browse latest View live

Sooyaalka Shakhsigii U Horreeyay Soomaalida Ee Aasaasay Urur Samafal Oo Ka Shaqeeya Baahiyaha Bani’aadamka Soomaaliyeed. “NGO”.‏ By; Abdirisaq Mohamed Barkhad

$
0
0

Ururadda aan dowliga ahayn ee luqada qallaad loogu yeedho “Non Governmental Organizations”, waxa himilada aasaaskoodu qaarada Afrika soo gaadhey horaanta sideetameeyadii waxaana wadamadii u horreeyay ee ay ka hanoqaadaan lagu sheegaa dalalka Ghana iyo Zambia. Sida ku suntan warinta taariikhda Soomaalida waxa ay tilmaantaa amma qeexaysaa in qofkii ugu horreeyay ummadda Soomaaliyeed ee sammeeyay hindisaha urur samafal oo ka shaqeeya hawlaha la xidhiidha arrimaha daryeelka bani’aadamka Soomaaliyeed uu ahaa Maxamed Barkhad Miigane.

 

Haddaba inta aan u gudo gellin caddeymaha arrintaas qeexaya iyo qorshaha waxqabadkii urur samafal oo uu aasaasay 1983-kii waxa isweydiin mudan waa kuma Maxamed Barkhad Miigane?

 

Maxamed Barkhad Miigane waxa uu ku dhashey magaalada Borama ee gobolka Awdal sannadkii 1948-kii, hooyadiina waxaa la odhan jirey Ardo Aw Cali Ashkir AUN, dugsigii hoose dhexe ee Dhayga ayuu dhammeeyay 1963-kii kadibna waxa uu 1967-kii ka baxey dugsigii sare ee Camuud halka 1969-kii uu ka qalin jabiyey Jaamacadii Lafoole sidaas darteed waxa uu ka mid yahay Lodkii u horreeyay arday Soomaaliyeed oo ka baxa Jaamacad ku taalla gudaha dalka Soomaaliya.

 

Sannadkii 1970-kii waxa uu billaabay shaqadii u horreysay ee uu qabto waxaana macalinimo lagu qorey dugsi sare oo ku yaalla magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Intii u dhaxeysay sannadkaas 1970-kii illaa 1977-kii waxa uu Bare sare oo dhiga maadada Biology ka ahaa dugsiyo kala duwan oo ku yaall Jawhar, Muqdisho, Gabiley gaar ahaan dugsiga sare ee Qalax iyo waliba Kuliyadii Lafoole. Maxamed Barkhad Miigane waxa uu sannadkii 1977-kii ku guuleysay deeq waxbarasho oo uu ka hellay dalka dibadiisa waxaana uu koradhsiga aqoonta iyo tacliinta sare u tagey wadanka Lubnaan oo uu gallay Jaamacad ku taalla magaalada Bayruud oo la aasaasay 1866-kii magaceedana la yidhaahdo “American University of Beirut”. Taas oo uu ka qalin jabiyey sannadkii 1979-kii isla markaana uu ka qaatey Shahaadada Master Degree dabadeedna waxa uu bishii April sannadkii 1980-kii dib ugu soo noqdey dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Barkhad Miigane waxa uu horraantii sideetameeyadii u ban-baxey aasaaska iyo curinta urur Samafal oo ugu magac darey “GUUS” kaas oo wax badan ka qabtey baahiyaha kala duwan ee ay qabeen dadka ku nool gobolka Awdal. Intii ka dambeysay burburkii dalka Soomaaliya waxa uu Maxamed Barkhad Miigane ku biirey masraxa iyo saaxada Siyaasada Somaliland sidaas dareed ayuu sannadkii 1993-kii u noqdey mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliland gaar ahaan golaha sharci dejinta oo uu illaa maanta xubin buuxda ka yahay gudiga golaha joogtada ee Wakiilada Baarlamaanka Somaliland sidoo kale waxa uu sannadkii 1997-kii qeyb ka ahaa saddex aqoonyahan oo dejiyay amma qorey qodobada ku dhigan dastuurka Somaliland halka sannadkii 1998-kii uu ka mid noqdey macalimiintii u horreysay ee lagu furo Jaamacada Hargeysa oo uu illaa maanta ka yahay Bare sare horenna u ahaa (Dean, faculty of science).

 

Maxamed Barkhad Miigane waa aqoonyahan inta badan xiiseeya qoraalka iyo akhriska buugaagta dhinaca kale waxa uu yaraantiisii ku barbaarey barashada culuumta diinta Islaamka waxaana uu aaminsan yahay dariiqada Suufiyada ee ahlu sunnah wal jamaaca, wardiga uu haysto waxa 1965-kii u dhiibey oo siiyey amma ku wareejiyay Sheekh Axmed Abgaal Raximahullaah oo ka mid ahaa ardeydii Sheekh Maxamuud Sheekh Macalin Cumar Raxmatullaah calay oo ahaa Sheekhii ugu aqoonta badnaa amma caansannaa Culimada Soomaaliyeed. Macalin Miigane oo aad ugu tallaxtagey barashada culuumta baabka Suufiga ee dariiqada Sheekh Cabdiqaadir Jeylaani waxa gallab kaste iyo habeenkii inta badan uu wakhtigiisa ku qaataa akhrinta Kitaabka Quraanka iyo Kutubta diinta Islaamka.

 

Haddaba mar aan dhawaan la xidhiidhey Maxamed Barkhad oo jooga magaalada Hargeysa waxa aan wax ka weydiiyey sida uu ugu dhashey hindisaha iyo aasaaskii ururka Samafalka GUUS NGO oo ahaa ururkii u horreeyay ee laga hirgeliyo gudaha dalka Soomaaliya waxaana uu yidhi “Markii aan 1980-kii ka soo noqdey Middle East-ka (Bariga dhexe) oo aan soo marey dalal door ah waxaa ii qorshaysnaa in waayo aragnimadii iyo aqoontii aan soo bartey ugu addeego dadka iyo dalka Soomaaliyeed bal se markii aan ka baqooley dalka Lubnaan waxa aan ugu horreeyn tagey wadanka Jabuuti oo markaas ku naalloonnaya xorinimo saddex jir ah dabcan Jabuuti waa dal aan u dhashey oo ehelkayga inta ugu badan ay ku nool yihiin runtiina aan ku leeyahay saaxiibo fara badan oo aqoon gaar ah naga dhaxeyso sidaas darteed markii aan gaadhey magaalada Jabuuti waxa aan kulan la yeeshay xubno markaas ku jirey xukuumadii Xasan Guuleed Abtidoon oo Wasiirka Tacliintu ka mid yahay haddaba maadaama aan ahay muwaadin reer Jabuuti ah oo haysta dhalashada wadankaas waxa ay iga codsadeen in aan ka hawlgelo Wasaarada Waxbarashada ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti bal se codsigaas ma gudoomin waxaanan markiiba u gudbey dhinaca dalka Soomaaliya”.

 

Maxamed Barkhad Miigane oo milicsiga hadalka xogtiisa ku raad jooga waxa uu intaas ku darey “Socdaalkaas aan ugu baxey dalka Soomaaliya waxa uu ahaa mid ku sahabsan in aan u kuurgelo xaalada nololeed amma horumarineed ee uu ku sugan yahay wadanka Soomaaliya waxaanan ku horreeyay gobolka Awdal oo dhalasho ahaan aan ka soo jeedo dabadeedna waxa safar dhinaca dhulka ah ku tagey illaa magaalada Muqdisho, degmo kaste amma tuulo kaste oo aan maro waxa aan ka qaaddanayey macluumaad dhameystiran oo ku wajahan nolosha dhabta ee ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulkaas, bal se nasiib xumo markii aan gaadhey magaalada Muqdisho ee aan dib u milicsadey kaydka ururinta iyo maxsuulkii barnaamijka raad raaca socdaalkeyga waxa ii soo baxdey daraasad dhigeysa in deegaanka gobolka Awdal ee aan u dhashey uu ku jiro go’doon oo dalka intiisa kale gooni ka yahay gaar ahaan mashaariicda loogu talo gallay horumarinta gobollada Waqooyi oo wax ka soo gaadhaa haba yaraat e aanu jirin, dabadeed waxa aan gudo gallay feker dheer oo hilaadinnaya sidii aan dadkeyga iyo deegaankeyga Awdal wax ugu qabban lahaa, waxqabadkaas oo aan hawlgelkiisa isbiday in uu noqdo mid ka madax bannaan hay’ddaha shaqadoodu tahay daryeelka iyo horumarinta arrimaha bulshada Soomaaliyeed ee hoos taga dowladda Maxamed Siyaad Barre”.

 

La soco qeybaha kale………..

 

Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad

Wixii dhacey dib ugu noqo.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Adeer Dadka Reer Awdal Kuma Qancayaan Hadal Telefoon Lagaaga Duubay, Inaad Jufadaada Oo Kaliya Xustaana Waa NABUR Kale Oo Kugu Dhacay Ee Soo Horjoogso Warbaahinta Maqal iyo Muuqaalba Leh Oo Ka Sheeg In SNM Tolkaa Samaroon weyne Xasuuqday

$
0
0

“Waxa La Xqiijiyay In Adeerkeen Garaad SNM-tu Markhaati U Qabsatay markii Ay Dhawaan SNM-ta iyo USC-du  Turkiga Ku Kulmeen” Sidaas darteed uu dunida maqashiinayay, Imikana uu Markhaatigii Diyaar la yahay markale!!

Jabhadii beesha Isaaq ee Snm, markii dawladii Siyaad Bare dhacday 19 janaayo 1991-kii iyadoon la kulmin wax iska caabin ah Waxay si nabad ah kusoo gashay magaalooyinkeedii labada gobol ee Waqoyigalbeed iyo Togdheer marka laga reebo degmada Buuhoodle oo ka tirsanayd Togdheer.

Ururka SNM oo dawaldii siyaad bare iyo Somaliduba u taqaannay Qudhmis waxa 6/April/1981kii lagaga dhawaaqay magalada London ee dalka Ingiriiska,  waxana  gudoomiye loogu doortay nin la oran jiray Axmed Jimcaale. Ujeedada ugu weyn ee ka dambaysay in beesha Isaaq mucaarad hubaysan ku dhawaaqdina waxay ahayd Cadho ay ka qaadeen Qaxooti farabadan oo Ogaadeen ah oo xeryo looga sameeyay agagaarka Hargeysa, kuwaas oo 1978 kasoo cararay ciidamadii Mingiste oo Somalida aargoosi kula kacay.

Xeryahaas waxa ka mid ahaa Laas-dhuurre , Agabar iyo xero reer Hargeysa u bixiyeen Ganad oo xukumadii siyaadbare ugu talogashay inay mustaqbalka dhow ka mid noqoto xaafad ka mid ah Hargeysa !

Muddo yar kadib ganacsatadii Hargeysa waxa lagu khasbay inay shaqaaleeyaan dhalinyarada qoxootiga oo xeradaa ku jirtay  gaar ahaan ganacsatii Huteelada iyo Kuwii Gaadiidleyda ahaa ayaa lagu khasbay inay shaqaaleeyaan si ay bulshadu isku dhexgasho, kuwii Agabar iyo Laasdhuurre ku jireyna invandan oo ka mid ah waxa loo qaybiyay dhul ay ka samaystaan bustaanno yar yar oo khudaarta iyo geedweyntaba laga beero . Intaa waxa dheeraa dhalinyaro farabadan oo xeryaha qaxootiga laga raafeyna markii ay dawladu soo tabo-bartay waxay kasoo buuxisay xeryo millatari oo ku yaallay gobolka Waqooyi galbeed, halka kuwa magaaloyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama laga raafo la gayn jiray xeryaha ku yaalla furinta dagaalka ee gobolada koonfureed.

Waxgaradkii iyo siyaasiyiintii beeshu waxay istuseen in xukuumadda siyaad bare wado degaamayn cusub iyo istaraatijiyad ay dhulka ku mulkisiinayso Ogaadeenka oo muddo dheer uu ka dhexeeyay is riix-riix iyo dagaal dhanka degaanka ah. Dareenkiii caynkaa ahaa ayay isgaadhsiisay bulshadii Hargeysa iyo Burco ku dhaqnayd, wixii kale ee saluug siyaasi ah jireyna waa lagu kabay. Waxa durba dareenkii iyo guuxii bulshada ku dhexjiray bannaanka usoo saaray dhalinyartii, kuwaas oo la baxay UFO. Dhalinyarta ama ardaydu meelkasta oo ay caalamka joogaan waa kuwa ka dareen celiya guuxa bulshada ku dhex jira ee ku muujiya mudaharaadada.

Xukuuamdii Milatariga ahayd waxay qaadatay dareen, kadibna waxay dhaq dhaqaaq cadaadis wata ka bilowday Hargeysa. Wakhtiga sideetamaadkii waxa waqooyiga Somaliya Fadhiisimo ama saldhigyo ku lahaa Jabhado la odhan jirey jabhadaha xoreynta Somaligalbeed oo ay xukuumadda Siyaad bare taakulayn jirtay .

Jabhadaa waxa ka mid ahaa Afraad oo Isaaq ahayd, Horyaal oo Gadabuursi ahayd, mid ogaadeenku lahaa. Jabhad waliba waxay Fadhiisin ku lahayd islamarkaana ka dagaalami jirtey Jiidda degaanka ay kasoo jeeddo, marka laga reebo jabhadda Ogaadeenka oo iyadu fadhiisinkeedu ahaa degaanada beesha Isaaq, khaasatan nawaaxiga Hargeysa.

Xukuumadii Siyaad Bare Waxay Taakuladii dhaqaale ka joojisay Jabhadii la odhan jiray Afraad oo ay lahayd beesha Isaaq, halka ay kaalmo millatari iyo mid saadba u kordhisay jabhadii Ogaadeenka oo ka mid ahayd Jabhadihii la dagaalami jirey xukuumadii Mingiste oo Siyaad Bare taakulayn jiray. Markii uu sii xoogeystay Dareenkii Bulshada Isaaq iyo Kii Daaroodku , Jabhadii Ogaadeenku Dhac iyo Kufsi ku bilowday shicibkii Isaaqa, markii ay ka dacwoodeenna dhegba waa loo dhigi waayay. Arrintaasi waxay kalliftay in Jabhadii Afraad ay u tallowdo qarka shishe(dhanka itoobiya) oo ay isku dhiibto taliskii Mingiste, waxaana la dejiyay meesha la yiraahdo Duryo-dheer,  Siyaasiyiintii Beesha Isaaq ee Qurbuhuna waxay ku dhiiradeen inay ku dhawaaqaan urur la yiraahdo Somali National Movement ama dhaq dhaqaaqa xoreynta Somaliya.

Shirkii wadamada IGAD ee 1986kii waxa magaalada Jabuuti heshiis lagu dhexdhexaadiyay madaxweynihii Somaliya Maxamed Siyaad Bare iyo madaxweynihii Itoobiya Mingiste Xayle Maryam oo labadooduba afgambi millatari ku qabsaday xukunka.

Heshiiskooda waxa ka mid ahaa In dal walliba dhankiisa xidho xeryaha Jabhada uu taakuleeyo. Jabhada SNM oo markaa uu hogaamiye ka ahaa Axmed Siilaanyo waxa lagu wargliyay in Somaliya iyo Itoobiya heshiiyeen, inay Itoobiya kasii dhex dagaalamaanna aanay suurtogal ahayn. Arrintani waxay Jabhadii SNM ku noqotay labo daran mid dooro. In ay ciidanka Itoobiya iskaga wareejiyaan hubka oo nin waliba halkii qarin karta uu aado iyo inay isku dhiibaan dawlada Soomaliya.

Itoobiya masii joogi karaan, hadday ka bixi waayaana ciidanka itoobiya wuxu amar ku qabay inuu hubka khasab kaga dhigo, xukuumadii Siyaadbarena iskuma dhiibi karaan oo cid dhexdhexaadinaysay ma jirin, markaa qoortay u dheeraynaysay(dil). Xaalku markuu halkaa marayo, shicibkii beesha Isaaq-na u kici waayay sidii ay rabeen, Raggii Itoobiya laga soo tarxiilay waxay galeen khaladkii ugu weynaa, oo waxay qaateen go’aankii ay shicibkii Hargeysa iyo Burco deganaa Dabka ku galiyeen ee ay 1988-kii kusoo galeen magaaloyinkaa oo camiran, oo wax waliba sidiisa u socdo, haseyeeshee ay xukuumadu ugaadhsato ciddii ay uga shakido Qudhmis(snm), taasina waa sunnaha qaran kasta oo dunida ka jira, inuu mucaaradkiisa iyo wixii qaranka lid ku ah ugaadhsado.

Markii ay snm isku dhex-bakhtiisay shicibkii magaaloyinka Dawladii millatariga ahayd ee Siyaadbare waxy isku dayday inayna magaaloyinkani ka bixin gacanteeda, kadib waxay duqeyn axmaqnimo ah oo aan loo aabbo yeelin ku bilowday magaaladii Hargeysa, halkaas oo ay ku xasuuqday boqolaal shicib ah oo aan waxba galabsan. Dadkii ka cararay duqeyntii iyo dagaaladii waxay galeen Itoobiya oo xeryo qaxooti looga furay. Jabhadii Snma waxy markale heshay Jaanis ay Kusii Joogto Itoobiya iyo Waliba taageerayaal iyo cudud laxaad leh oo ay ku dagaalanto, maadaama ay bannaanka soo dhigtay dadkii gudaha ku jiray.

Inkasta oo ay Jabhadii Snm heshay cudud iyo taageero laxaad leh, dhammaan beeshii Isaaq ee ururku ku abtirsanayayna ay iswada raacday gudo iyo dibadba hadana waxay loodin wayday cududii millatari ee xukuumadii Siyaad bare.

1989-kii dabayaaqadiisii waxay madaxdii SNM wada hadal qarsoodi ah la furtay xukuumadii Siyaad bare, sidii uu xaqiijiyay Axmed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii arimaha dibada ee dawladii siyaadbare ee wakhtigaa, noqdayna gudoomiyhii ugu horeeyay ee baarlamanka Somaliland oo dhawaan ku geeriyooday Hargeysa. Wada xaajoodkaa waxa ku kala jabtay madaxdii ururkii SNM, kadibna waxa bishii April 1990-kii xilkii laga qaaday Axmed siilaanyo oo gadhwadeen ka ahaa garabkii xukuumada Siyaadbare la bilaabay wada hadalka.

Waxa halkaa taladii ururka kula wareegay Cabdiraxmaan axmed Cali (Tuur). Cabdiraxmaan Tuur wuxu la kulmay fursad ka fiican tii Axmed siilaanyo, oo waxa urur mucaarada oo xoog badan gobolada dhexe ee Somaliya ka hirgaliyay Janeral Caydiid oo ay gacan saar yeesheen jabhadii snm oo uu markaa hogaamiye ka noqtay Cabdiraxman Tuur. Janeral Caydiid wuxu hogaamiye ka noqday Jabhad la baxday USC oo beesha Hawiye ku abtirsata.

Jabhadii ugu horeysay ee Soomaliyeed ee Mucaaradad hubaysan kala hor timaada taliskii Siyaad Barre waxay ahayd Jabhadii la odhan jiray SSDF oo uu hogaaminayay Korneyl Cabdilaahi Yuusuf. SSDF oo ku abtirsanaysay beesha Majeerteen waxa dalka Itoobiya lagaga dhawaaqay 1978-kii, wakhtigaas oo uu Cadbilaahi Yuusuf dhabarka u jeediyay halgankii lagu xoraynayay degaanka Somaligalbeed, kana mid ahaa saraakiil isku dayday inay afgambiyaan Xukuumadii Siyaad bare. Taliskii Siyaadbare ayaa dagaal qadhaadh wuxu la galay ururkii SSDF. Sanadkii 1984-kii SSDF waxay heshiis iyo wada hadal uuna Cabdilaahi Yuusuf ku jirin ay la gashay taliskii siyaadbare.


Jabhadii USC waxay 19 Janaanyo caasimadii Somaliya ee Muqdisho ay xoog kaga saartay Taliskii Siyaad bare.

 

Jabhada SNM Oo Muddo Afarsano Ah Foodda soo galinweyday magaayinka Hargeya iyo Burco , waxay u ahayd fursad dahabi ah, waxay si nabad-galyo ah degaankeedii kusoo gashay Markii Jabhadii USC ay Xamar ka saartay Siyaad Bare 19 janaayo 1991kii.  Snm oo aan habayaraatee la kulmin wax iska caabbin ah Waxay gacanta ku dhigtay degaankeedii magaalooyinka labada gobol ee Waqoyigalbeed iyo Togdheer marka laga reebo degmada Buuhoodle oo ka tirsanayd Togdheer.

Hadaba Markii ay goboladaa soo galeen waxay gacanta ku dhigeen hub iyo tikniko farabadan oo millatarigii Somalia kaga cararay xeryihii ay deganayeen, laba usbuuc kadibna Waxay weerar cadowtinimo ah kusoo qaadeen magaaloyinkii iyo tuulooyinkii Dadka Gadabursigu deganaa iyagoo ku sameeyay gumaad ama xasuuq aad u foolxun, wixii ay hanti haysteenna ka dhacay.

Jabhada Snm uma suurto galeyn markii hore inay weerar caynkan ah oo qorsheysan kusoo qaado magaaloyinka Dila iyo Boorama iyo meelaha kale ee gobolka ka mid ahba, waayo degaankeediiba faro uguma jiro.  Way jirtay in beelaha darifyada ee Samaroonku iska dufaaci jirey weerarada gardarada ah ee Snm kusoo qaado furimaha ay deganyihiin sanadihii ay dibadjoogga ahaayeen iyadoo snmtu(isaaqu) Samaroonka ku colaadinaya Maxaad Dawlada uga hor imanweydeen,Samaroonkuna wuxu ku doodayay taladaa adigaa kaligaa gaadhay aniga igalama tashan, ikhtiyaarbaan leehay, magaalo isaaq leeyahay iyo beer  isaaq leeyahayna duulaan kuma ihi, hadii aad dhulkaaga xoraysanaysana kaama horjoogo ee igadaa gardarada, isdufaaca beelaha samaroona taasuu salka ku hayay.

Waayo jidka Hargeysa iyo Burco looo marayay iyo jihada ay ka xigaan beesha Isaaq way taqaanay, laakiin Waxay ka baqayeen oo ay Wejiga ku dhigi waayeen xabadii kululayd ee millatarigii Somalia ee loo tababaray dufaaca qaranka.

 

Wuu jiray dagaalka jabhada snm iyo xukuumada siyaadbare u dhexeeyi, way jirtay cadaawad ay xukuumada lafteedu abuurtay oo ay dhex-dhigtay beelaha waqooyi kuwada nool oo ay ku samaysay qeybi oo xukun, qaarna ay dilaysay qaarna ay nasteex iskaga dhigaysay.

 

Marka laga reebo beesha snm oo iyadu mucaaradka ku ahayd taliskii siyaad bare waxay xuduud wadaagaan oo labada baallood ka xigay labo beelood, Harti iyo Gadabuusi. Snm waxay si gaar ah dagaal ugu qaadday Beesha Gadabuursi, LAAKIIN marna Gadabuursigu ma filaynin in Isaaqu cadowtinimo intaa le’eg u qabo, si gaar ahna u bartilmaameedsan doono.

Xaqbay u lahahayd beesha Isaaq inay degaanadeeda laga kiciyay xoreystaan, ciddii ka horjoogsatana ay la dagaalamaan, laakiin xaq uma lahayn markay dhulkoodii kusoo guryo noqdeen inay maato iyo caruur iyo shicib aan waxba galabsan Guri iyo Beer ay leeyihiina an ka joogin, waxna ka haysanin ay Kaare iyo PM intay soo qaataan Xabashina soo kaxaysataan gumaadaan.

MURTIDA KA DAMBEYSA MAQAALKAN.

Gumaadkii Jabhada Snm ay ka gaysatay gobolka Awdal oo lagu dilay boqolaal qof oo rayid ah wuxu ahaa mid aad u foolxun oo xasuus madoow ku reebay maskaxda dadka ree Awdal, mid qof iyo labo dano gaar ah lihi qarin karaanna maaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arimah Qoyska Somaliland mudane Garaad oo maalin dhaweyd ka hadlayay xaflad ballaadhan oo abaal-marin lagu siinayay suxufiyiin ayaa madashaa ka jeediyay hadal aan looga fadhiyin oo dadkii daawaday iyo kuwii maqlayba af kala qaad ku noqday.

 

Odey Garaad wuxu noqday Shakhsigii ugu horeeyay ee dafira xasuuqii loo geystay dadka reer Awdal. Mudane Garaad wuxu sheegay In la xasuuqay beesha Isaaq oo kali ah, laakiin ninka reer Awdala ee yiraahda Snm baa na xasuuqday uu yahay beenaale aqoonsiga somaliland horjoogsanaya!!! Wuxu gabi ahaanba dafiray Xasuuqii guud ahaan gobolka Awdal ka dhacay ee lagu gumaaday boqolaal caruur iyo ciroole isugu jira oo aan waxba galabsan.

Waxa kale oo uu wasiirku yidhi ” Xamar markaan joogay waxa ku baxay sankeyga jeexan, hadii aanan sankaa jeexnaynbuu yiri waa la i dili lahaa !!!  Arintaas oo iyaduna dhalisay su’aalo farabadan. Xamar waxa ku noolaa kumanaan qof oo Samaroon ah yar iyo weynba leh, wax sanka jeexanina uu yaraa xataa boqolkiiba labo 2% ma sanjeexna samaroonka. Waxa la isweydiiyay maxaa loo layn waayay kuwaa an sanka jeexnayn ee Xamar iyo gobolada kaleba ka buuxay, ee shaqaale dawladeed iyo shiciba ahaa?

Hadalkii wasiirku wuxu dhaliyay xasaasiyad badan, dadkii uu kasoo jeedayna aadbay uga xumaadeen gudo iyo dibadba inkastoo sidii loo baahnaa aanay uga dareen celinin oo salaadiintii, siyaasiyiintii iyo dadkii eynigiisa ahaa ee u jawaabi lahaa afka dhaansadeen(aamuseen).  Waxayse dadweynaha reer Awdal ee aamuska badani ka tiiraanyoodeen In odey waayeel ah oo waliba ay ku tirinayeen waxgarad uu gabi ahaanba dafiro xanuunkii gaadhay iyo xasuuqii lagula kacay, taa bedelkeeda uu markhaatiga u furo kuwii iyaga xasuuqay.

Odey Garaad Oo maalin dhaweyd dafiray  Xasuuqii guud ahaan gobolka Awdal ka dhacay gaar ahaanna Dila iyo Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama , oo markii qadhaadhku gaadhay markale bashiishtay,  jufadiisa oo kaliyana ka xusay in Snm xasuuq ku samaysay 04 feb 1991-kii, boqolaalkii qof ee caruur, ciroole iyo masuuliyiinba lahaa ee Boorama iyo magaaloyinka kale Snm ku gumaadayna aan soo hadal qaadin.

Hadaba Odey Garaad oo laga filayay inuu madal Snm fadhido ka hor sheego xasuuqii ay maatada Samaroon u geysteen, raalli-galintiisana u mariyo warbaahinta Maqal iyo Muuqaalba leh bulshadii uu ku gafay  ayaa markale bashiishtay si hoosana raali-galin u bixiyay.

Wasiirka oo isku dayay inuu gefkiisa u sameeyo cudurdaar, wuxu yiri; Nin siyaasi ah oo gadaashayda fadhiyay ayaa i qalin-daaray kadibna hadalkaa ila leexday oo wax aan loo joogin ayaan ka hadlay, aadna waan uga xumahay, Raalligalinaa waan ka bixinayaa hadalkaa !!! Horta markaan si daacadnimo ah uga hadalno cudurdaarkiisu maaha mid lagu qanci karo, Topigga meesha lagaga hadlayayna arrinkaasi kuma jirin. Midda kale ma jirin cid qori caaradii ku haysay ama ku khasabtay inuu hadalada caynkaa ah madal la buuxo oo warbaahintii wadanka oo dhami joogto ka yidhaahdo,  markii koowaad ee arrinkan uu ka hadlana ma ahayn ,laba todobaad uun ka hor wuxu xabaalaha Hargeysa ka yiri  weedho ka mid ah kuwa uu maalinta dambe madasha kaga tiiqtiiqsaday, si kastaba ha ahaatee,  qofku inuu garowsado khaladkiisu waa wax wanaagsan

Haseyeeshee Wasiirka waxa hoos uga dhacay oo markale ka habaabay hadalkii, halkii AMa madashii hadalkaasi lahaana ma soo joogsan, isagoo isku dayaya inuu  khaladkiisii raalligalin ka bixinayana wuxu yiri ; Beesha Reer Nuur oo SNM xasuuqday ayaan ka raalli galinayaa hadalkeygii, isagoo xusay magacyo Jufadiisa ah oo kaliya, meesha xasuuqu ka dhacayna Dila iyo Magaalo cad oo kaliya ku sheegay. Waa run xasuuqbaa ka dhacay Dila iyo Magaalo cad laakiin guud ahaan wuxu xasuuqu ka dhacay Gobolka Awdal, Dila, Boorama, Lughaya iyo Saylac oo intaba lagu laayay shicib Samaroon  aan waxba galabsan, haduu sheekh lahaa iyo hadduu  shariif lahaaba cagtaa la mariyay, hantidoodiina waa la qaatay.

“Cadceed Sacab laguma qarin karo” Waa wax dhacay iyo Taariikh qorantay oo markhaati leh, dadkii laga filayay inay xuquuqdaa raadiyaan ama ay jiilka cusub ku caawiyaan wixii xog ay hayaaniba haday sidaa u hadlayaan waa nasiib darro weyn. .

Odeyga adeerkay ah ee Maxamuud Garaad waxan odhan lahaa, Adeer wiil aad telefoonka kasoo wacday oo hadal kaa duubay dadka reer Awdal kuma qancayaan, Inaad Jufadaada oo kaliya xustaana waa Nabur kale oo kugu dhacay ee soo horjoogso warbaahinta maqal iyo muuqaalba leh oo ka sheeg sidii aad beesha Isaaqba ugu markhaati kacday In jabhadii Snm tolkaa Samaroon weyne ay xasuuqday. Dadkaaga iyo dunidaba ka maqashii madal  maqal iyo muuqaal ah, In hadalkii 17 febraayo ahaa Gef kaa dhacay oo aad raalli-galin ka bixinayso.

Adeer shirarka maamulka Somaliland-ta iyo Dawlada Federaalka Dhexmaraya Ee  dagaaladii Somaliya ka dhacay lagaga hadlayana kuguma kalsoonin naguma meteshid maanta laga bilaabo ee la soco.

HAROWO DESK

DAAWO Dugsi Sare Oo Qurba-jooga degaankaasi dhisay oo Laga hirgaliyay ARAABI

SOW ISMA CASILO WASIIRKA AMNIGA DF-ku!!!

$
0
0

Waxa maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhaya kartidarrada wasiirka Amniga. Dowladda ra´isal wasaare Saacid waxaa xilka looga casilay kolkay wax ka qaban wayday arrimaha amniga oo uu madax ka ahaa wasiirkan amniga Cabdikariim Guulleed .

Waayaabe, wasiirkii amniga ayaa isla xilkii lagu soo celiyay ilaa ay dhacday inuu maanta khatar galo madaxwaynihii dalku. Lama filayo in Muqdisha nabad lagu joogo ama degaanno kale Al-shabaab lagula dagaallamo inta muqsuqmaasuqa,nin jeclaysiga iyo kartixumayaasha la dugsanayo.

Sow ismacasilo wasiirka Amnigu ?

Waxaa wax laga xumaado ah in uu wasiirka amnigu wali soo taagan yahay, kuna adkaysanayo inuu amniga wax ka qabanayo iyadoo xaalka Muqdisho uu wali sidaan yahay.

Intaas ka bacdi, waxaa la hubaa inuusan askari qaad cunayaa madaxwayne iyo qaran toona difaacayn. Xarunta madaxtooyada albaabkeeda askarta dhooban waa mid afka qaad uga buuxo iyo mid baabuurkii maasha soo maraba shaxaadaya.

Qaranka in la difaaco waa wajib saaran muwaadin kasta oo soomaali ah ,laakiin kol haddii madaxwaynuhu gacantiisa isku biraynayo ,wax badan lagama qaban karo.

Abdullaahi Ahmed Farah

Aarhus, Denmark.

Magacda Masuuliyiinta lagu dilay weerarkii Madaxtooyada iyo Madaxweynaha oo la sheegay inuu kursiga ka cararay

$
0
0

Xog dheeri ah oo soo baxday weerarkii Argagixsada Alshabaan ku qaaday Madaxtoyada Somaliya  ayaa sheegeysa in Masuuliyiin iyo Saraakiil katirsan Dowlada Soomaaliya ay ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday madaxtooyada Somalia.

Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay madaxtooyada, markii ay qaraxyo xooggan sameysay kadibna ay xijisay weerar rasaas ah.

Xubnaha ku dhintay weerarka ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Max’ud Xirsi Cabdulle ( Indha case ) iyo Jeneraal Nuur Shirbow oo ahaa Taliye Ku xigeenkii Ciidanka Nabad Suguda Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale Tiro ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay ka mid noqdeen dadkii ku dhaawacmay weerarada ismiidaaminta ah, ee ka dhacay Madaxtooyada Somaliya.

Nin darawal u ahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo lagu naaneysi jiray Jantaar-dheer, ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarka qorsheysan ee lagu galay Madaxtooyada.

Inkasta oo uu bad-qabo madaxweynaha Somaliya goor dhawaydna la  hadlay warbaahinta, Saraakiisha amaanka ee ka badbaaday weerarka oo ka gaabsaday inay faahfaahin dheeraada ka bixiyaan xaaladaii uu ku  Madaxweynuhu ku sugnaa daqiiqadihii uu dagaalku ka socday madaxtooyada, ayaa sheegay inay arkayeen  madaxweynaha oo ka booday kursigii uu ku fadhiyay..

Wasiirka Amniga Cabdikariim (Dhega juun) oo hadlay markii hawl-galkii argagixisada Alshaab dhamaaday ayaa sheegay in ayna dhankooda cidi kaga dhiman weerarkaa!!, sidii aan idinku soo gaadhsiinay warkayagii hore, illaa imikana lama garanayo sababta wasiirka ku kalliftay inuu been sheego.

Dadwaynaha Degmada Boon Oo Ka Dalbaday Xukuumada inay uga Gurmato Madaxwayne Ku Xigeenka somaliland (C/raxman Saylici)

$
0
0

Boon

Dadwaynaha ku nool degmada Boon ayaa ka dalbaday xukuumada inay uga gurmato madaxeynexigeenka Somaliland Cabdiraxman saylici.

Dareenka dadweynaha iyo kacdoonada ka jira degamadaasi ayaa marba marka ka dambeeya sii xoogeysanaya ,arimahaana waxa sabab u ah madaxwayne ku xigeenka somaliland, kadib markii horumarka adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale ee degmadaasi ka jira ay gabi ahaanba baaba’een, taas oo ay eeddeeda dusha ka saareen siyaasada qaawan ee cabdiraxmaan saylici, kuna tilmaameen mid ku salaysan aargoosi iyo xasuuq siyaasadeed.

Kadib markii madaxwayne ku xigeenku uu kula kacay dadka deegaanadaas ku nool wax kasta oo ay xukumada uga baahdaan in uu gacanta u galiyo jufadiisa hadii ay noqoto deeqaha samafalka ee deegamadaas iyo dhinaca maamulka degmadaas oo uu marki labaad dusha kaga keeno gudomiye  ka soo jeedo beeshiisa isaga oo gudoomiyihii hore ku fashilmay maamulkaas isla markaana iibiyay halbaabuur  xukuumadu siisay degmada.

Dadweynah reer Boona ayaa sheegay In Gudomiyihii fashilmay ee uu saylici meesha keenay kasoo jeedin dadka deegaankaas ah balse uu reer ahaan iyo meesha qayskaygu ha ka muuqdo uun ay ujeedadiisu  ahayd taas oo dhaxalsiisay dadka ku nool degaankasi  kala qaybsanaan iyo in dadku ay diidaan cashuurtii ku waajibka ahayd.

Waxa kale oo sheegeen in xaaladu u muuqato mid ka sii daraysa  kadib markii  markale madaxwayne ku xigenku khasab iyo jujuub dusha kaga keenay gudoomiye kale oo lagu magacaabo maxamed aadan saafiil kaas oo ay bulshada deegankasi ay durbadiiba ka bixiyen dareen sasleh kuna tilmaameen kadaroo dibi dhal, waxayna intaas ku dareen in ninkani yahay nin ku caan baxay  qabiil iyo musuq maasuq isla markaana yahay  ninki hore u iibsaday gaadhigii kaluunka ee degmada Saylac isla markana uu ahaa ninkii madaxa ka ahaa koox dablay ah oo  socdaalkii Ugaaska dhaqanka ee beelaha Gadabuursi jidgooyada u dhigtay.

Dhacdadaas oo sida ay sheegeen  illaa imika dareenkeedu ka taagan yahay deegaankaas oo ay u arkaan dadkaasi ma hadho godobeed oo  aan wali xal waara iyo raali galin toona aan laga hayn beesha madax wayne ku xigeenka, balse dadka kale ee deegaankaasi ay tirsanayaan gaf dhaqan oo lagula kacay ugaaska beesha Gadabuursi, bogsiinteedana aan wali la helin.Taasoo aan marnaba suurto gal ka dhigayn caqabadna ku ah bay yidhaahdeen Gudoomiyahan cusub ee budhcadka ah in maamulkiisu ka shaqeeyo degmada Boon.

Waxay intaa ku dareen qabyaalad iyo kala qeybin mooyee loogama fadhiyo inuu wax horumar ah ka sameeyo degmada, Fadeexad iyo Isku dhac waxan ahaynna kalama tegayo meesha ayaya yiraahdeen. Sidaas daraadeed waxay xukuumada ka dalbadeen inay uga gurmato madaxwayne ku xigenka iyo  arimaha ka soo fulaya gurigiisa taas oo ay sheegeen hadii aan madaxwaynaha dalku aanu soo fara galin arintaasi ay xukumadu  meel fog ka raadin doonto xaalada isasoo taraysa ee ka jirta degmada Boon iyo deganada hoos yimaada

Waxay sidoo kale dareenno ceynkan ahi ka taaganyihiin dhamaanba deeganada kala duwan ee gobolada Awdal iyo Salal, dareenadaas oo salka ku haya siyaasadda foosha xun ee  madaxwayne ku xigeenku ku doonayo inuu  beeshiisa ugu sed buriyo.

Waana mid dadweynaha ku dhaqan degaanadaasi si aad ah uga soo hor jeedaan taas oo hadii aan dhankale xukuumadu uga wareegin u muuqata mid dhaawaceedu wax yeelo deganaanshaha iyo wada jirka dadka ku dhaqan degaanka iyo waliba noloshooda.

Cabdiraxmaan Saylici iyo xigtadiisa ayaa dhawrkii sano ee ay xilka soo hayeen ku dul bararay beelihii kale ee reer Awdal, xafiisyadii gobolkana gacanta loo wada galiyay,cid ka hortimaadana aan wali arag , iyagoo ka faa’iideysanaya tanaasulka beelihii xukunka gobolka soo hayn jirey iyo  fursadda cusub ee lagaga shaqeynayo isku duubnida samaroonka, halka madaxdii gobolka kasoo jeeday ee isaga ka horeysay íyo beeshoodaba lagu hayn jirey dagaal joogto ah, haseyeeshee aanay jirin cid iyaga hadal qaaddi,balse lala socdo waxa ay samaynayaan lagulana xisaabtami doono.

Si kastaba ha ahaatee waxay dadweynaha gobolkani gaar ahaan degmada Boon ay filayaan in hoos loo eegi doono waxa ka socda degmadooda, inkasta oo qaraabo kiilku yahay Balwadda siilaanyo, saylicina ka koobiyeeyay.

wariye Jamac xuseen jamac

shakiib424@hotmail.com

DAAWO VIDEO Weerarkii Madaxtooyada Laga Soo duubay oo dhamaystiran

Alshabaab oo sheegtay in qorshahoodu ahaa in ay Nolol kusoo qabtaan Madaxweynaha Somaliya ama…..!!!!!

$
0
0

Muqdisho (Harowo)– Maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa sheegatay weerarkii manta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia, oo dhowr qof ay ku dihnteen, ayadana looga xasuuqay maleeshiyo badan.

Afhayeenka maleeshiyada Al-Shabaab Cali Dheere, oo hadlay ayaa shaaca ka qaaday qorshe yaab leh oo weerarkii maanta ay ka damacsanaayeen, kaasi oo ah inay nolosha kusoo qabtaan madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa qorshuhu ahaa in Xasan Sheekh lasoo qabto, ama la dilo” ayuu yiri Cali Dheere, oo ah xummaan xambaartaha Al-Shabaab.

Dadka intiisa badan waxa ay rumeysan yihiin in Shabaab ay dooneysay un inay dad disho, oo ay dhaawacdo sumcadda dowladda, hase yeeshee In Al-Shabaab hammigeedu halkaas gaaray, waa xaalad muujineysaa in Xasan Sheekh looga baahan yahay inuu jiifka ka kaco.


Wareysi gaar ah: Ku simaha sul. Beelaha J/ Yoonis Sul. Shide Faahiye oo la waydiiay halka uu ku dambeeyay suldaankii ay doorteeni iyo mudada uu isagu xilka sii haynayo. VIDEO

Dhageyso ” Xasan Sheekh Nololbaan ku qaban lahayn wuxu naga galay god xagga hoose looga qoday, kadibna waxa loola cararay…..”Afhayeenka Alshabaab

DAAWO Xasan Sheekh oo maanta qosolkii u gooyay

Cunista Doofaarka oo diinteennu innooga digtay oo gaaladii ka dayrisay, Ka foojignoow Keegagga iyo Cuntooyin lagu daro xaydhiisa

Prof. Saleebaan oo xukuumada Siilaanyo Ku Dhaliilay Ardaydii Jaamacadaha oo bilaa camal ah in ay qurba-jooga ku casuunto fursadaha shaqo ee soo baxa.

Al Shabab: A Menace to World Peace, Not Only Somalia By Bashir Goth

$
0
0

Al Shabab: A Menace to World Peace, Not Only Somalia

By Bashir Goth

The latest terrorist attack on Somalia’s presidential palace comes less than 10 days from another daylight suicide attack on a UN convoy near Mogadishu’s airport. Somalia’s government may call it a “media spectacular” by a “dying animal”  but any honestobserver can tell that the threat of this Al-Qaeda offshoot group is not limited to Somalia but can destabilize the whole East African region and the world at large.

Any victory for Al-Shabab in Somalia will be a victory against the will and resolve of the African Union and the international community to prevent Somalia from slipping back into being a hub for international terrorism, piracy and lawlessness.

Known for their internationalist agenda of bringing the region and the whole world under their banner, Al-Shabab will not stop in Mogadishu if they get the upper hand. Their eyes are onNairobi, Addis Ababa, Djibouti, Kampala, and beyond.

Their attacks in Mogadishu and before that in the Westgate Shopping Mall in Nairobi in Sept 2013 will only be a precursorfor their grand plans of delivering death, destruction and fear to the streets of world capitals.

Defeating Al Shabab, therefore, demands a concerted effort oninternational and domestic fronts. On the international front, it is obvious until now that despite their sacrifices and tangible victories, AMISOM forces are not capable of defeating Al Shabab alone. They need western support for better military intelligence, surveillance aircraft, and fighter planes.

As Al Shabab is a mobile militia group using non-conventional shock attacks, it is mainly through sophisticated intelligence that their movements and plans can be intercepted and aborted. It is not of sheer coincidence that whenever the British and American governments warn their citizens against travelling to Somalia, Al Shabab’s attacks follow almost immediately.  This is proofthat western countries possess accurate intelligence of Al Shabab’s plans. How much of that intelligence information, however, is shared with AMISOM or the Somali government is beyond my knowledge. But the fact that the Somali government and AMISOM come under surprise attacks by Al Shabab soon after London and Washington’s travel warnings, one can onlyguess that maybe western governments trust neither AMISOMnor the Somali government. But trust or no trust, the end goal should be to defeat Al Shabab, otherwise everyone would sufferin the end if a united front of both military assistance and intelligence sharing is not put in place.

 

 

On the domestic front, it is required of the Somali government todemonstrate that it is a trustworthy partner by establishing a system of rigorous scrutiny of security personnel to prevent Al Shabab’s infiltration in their ranks and using them as a Trojan horse to target government installations as well as UN and AMISOM personnel. The government also needs to improve theprofessionalism of its security forces and to guarantee their economic welfare. Engaging the local community in the war against Al Shabab through media campaigns led by prominent figures, women, youth, and religious people will also be highly beneficial in countering Al-Shabab’s false religious and nationalistic propaganda.

Somali regional administrations should also join hands with the federal government in fighting the menace of Al Shabab, the common enemy of the Somali people. It is not rocket science to know that if Mogadishu falls, no regional administration will survive. Those who decide to live in denial will only do that at their own peril. It is therefore imperative on everyone to recognize that the assassination attempt on the Somali president and the attack on the presidential palace is an attack on the sovereignty and identity of the Somali nation. There is only onechoice for the Somali people, to fight back and defeat Al Shabab with the help of the international community or to sit back and watch the Somali nation and its history sink into oblivion.

Source: http://hanua.blogspot.com/

 

 

 

 

 

Siyaasiga Reer Awdal Waa FUJO QAATE

$
0
0

imageSIYAASIGA REER AWDAL WAA FUJJO QAATE​

 

Asc, inta aanan maqaalkaygan hoos ugu dhaadhicin, waxaan jeclaystay in aan isla fahamno kalmada ‘’FUJJO’’ waxa ay tahay, lagana yaabaa in ay dhalinyaradan danbe ayna fahmi Karin kalmada ‘’FUJJO’’ waxa ay tahay.

Fujjo- waa eray ay isticmaalaan dadka xoolo dhaqatada ahi, macanaheeguna waxa uu yahay lacagta ama xoolaha la siiyo ninka ciidanka (shaqaala) ah, kaas oo xoolaha u jira reerka soo qabsaday.

Tusaale, ninka shaqaalaha ahi wuxuu kula heshiinayaa reerka uuxoolaha u jirayo sanadkiiba in la siiyo hal neef, waxaa laga yaabaa ninkaasi shaqaalaha ahi in uu reerka la joogo tobban sano (10) ka bacdina waxa uu reerka ka tagaa isaga oo uruursaday fujjo badan.

Ninka shaqaalaha ahi inta uu reerka la jooggo waxa uu iska ilaaliyaa in uu wax ka sheego reerka uu shaqaalaha u yahay, waxaa suurtagal ah haddii ay xurgufi dhex marto qoyska uu ka soo jeedo iyo reerka uu shaqaalaha u yahay in uuna waxba ka sheegin reerka uu shaqaalaha u yahay, waxaana dhacda in uu eeda dusha ka saaro qoyskiisa isaga oo ilaashanaya danihiisa gaarka ah, rajaynaya in loo kordhiyo FUJJADA.

Hoos aan ugu daadago maqaalkayga inkasta oo ay ila dheeraatay micnaha kalmada FUJJO, siyaasiga reer Awdal ee jooga HARGAYSA ha ahaado Madaxweyne kuxigeen, Wasiir, Xildhibaan ama mansab kale ha hayo wuxuu la mid yahay ninkaa fujjo qaataha ah ee aan ka soo hadalnay.

Siyaasiga reer Awdal ee joogga HARGAYSA Kama hadli karo danta gobolkiisa, sababta oo ah fujjada ayaa laga jari haddii uu danta dadka uu u shaqaynayo ka hor yimaado CAJIIB!

Waxa uu Boorama ku soo noqdaa siyaasiga reer Awdal eeFUJJO qaataha ahi isaga oo xoolo badan soo uruursaday ilayn waa nin shaqo tagaye.

Maqaalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkii SH.HASSAN DEHEEYE ee ahaa “SIYAASIGA REER AWDAL EE HARGAYSA JOOGAA WAA FUJJO QAATE”

Wabilahi tawfiiq

Abdurizak Mousa Ahmed

mm_rizki@hotmail.com

Kampala UGANDA

 

 


Hooyo macaan, hooyo gacalo, cafis iyo caafimaad Allaah Aduunka iyo Aakhiroba (Qaybtii labaad).

$
0
0
“Aduunyadu waa haween, halkaa layskuma hayee, nin doonaaba ha hadlee, hooyadu waa lama huraan-abwaan Cadhays Ciise Kaarshe Allaah ha u naxariisto ee”
“Dumar iyo haween baa, Nolol lagu haweystaa, Kuwa lagu hammiyayee, Sida hawd caleen wayn, lagu wada hamuumee, Ishu halacsanaysaa, Hablahaaga weeyee- Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)”
hadaad maanta waydiiso mid Allaah cimiriga u dheerayay, wixii soo maray, wuxuu qabtay, iyo waxa u dhimanba, wuxuu kuugu jawaabi, in aanay la ahayn inuu habeen jiray, aduunkana koob shaaha ka soo cabay, bal ay waxa waliba u hadhsan yihiin! Waa taa dunidu sahay maleh, ee ku feker aakhiro iyo wanaag, aad ummada iyo ahalkaaga ka kasbatid, oo marka dambe ku anfaca,
 Rasuulkiina calayhi salaatu wasalaam, wuxuu xadhiith inoogu sheegay, in uu aduunku ka dhigan yahay, nin socdaal ah, oo intuu daalay, geed hadhkiis in yar fadhiistay, si uu ugu nasto, dabadeedna in yar ka dib iskaga tegay. Wanaag iyo xumaana waxaad maanta dhitaysato, ayuun baad beri heli aduunka iyo aakhiroba. Abaal marinta waa laguu yare kaadiyaa, laguu seeta
 Dheerayaa, hadaad waalidkaa xumayso, ama aad dayacdo, ogow adna waxa lagugu abaal marin, inay caruurtaadu ku xumayso ama ku dayacdo. Waalidkaa maanta u samafal, oo u naxariiso, si ay beri caruurtaadu kuugu samafalaan, oo kuugu naxariistaan. U samafal kuwa da’da ah ama jilicsan, ee aan cida lahayn, si adna khalqiga Allaah beri kuugu samafalo, oo kuugu naxariisto.
 Mid ka mid ah websiteyada Soomaalida, ayaa dhowaan wuxuu soo qoray hadal uu ula jeeday, in uu ku xaqiro, oo ku ceebayo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo ay sidii cadada u ahayd, websiteyada Soomaalidu sii kala qaateen, oo ay intooda badan bogagooda hore ku soo daabeceen, bal se hadalkaa qof kasta oo aqriyay, madaxwaynaha qalbiga ayuu uga ducayay,
Wuxuuna kaga mutaystay qof walba, ixtiraam iyo qaderin aad u wayn. Wuxuu yidhi ninka websitekaa hadalka ku soo qoray: “ madaxwayne Xasan Shiikh wuxuu yaraantiisii gaadhi dameer ku kaxayn jiray aabihiis, oo curyaan ahaa”, subxaana Allaah walaahi waad amaantay, yaa ka sharaf iyo karaama badan, nin baari ah, oo u adeegay waalidkiis, oo itaal daran, walaahi
Hadii hadalkaasu jiro, oo sax yahay, baanu madaxwaynuhu weligii u iilanayn, duco waalid buu qabaa, faan iyo sharafba way ugu filantahay, ama gaadhi dameer ha ku qaado, ama gaadhi gacan, ama dushaba ha ku qaadee, in uu aabihiis, oo itaal daran u samafalay, oo ka ducaystay. Wuxuuna mudan yahay in la gudoonsiiyo, abaal marinta Nobel ama Malik Faysal. waxaa ah wax aad looga
Xumaado, in aan dadkeena Soomaaliyeed, aynaan ixtiraamin, oo qaderin hooyada, iyo guud ahaan dumarka, waa caado aynu kaga duwanahay ummadaha kale, inta aan anigu ka warqabo, waxa jirta in aynu weli caadooyinkii jaahiliga ahaa waxbadan ka wadano, oo kula dhaqano dumarkeena, iyaga ayaa loo diraa hawlaha cul culus, ee ay ahayd in ay ragu qabtaan, sida
Xoolaha qalistooda, oo aduunka kale oo dhan ay ragu qabtaan. Dhaqamada xun ee aynu dumarka kula kacno, waxaa ka mid ah, waxaynu nidhaahnaa cuntada qaarkeed ragu ma cunaan, ee waxaa cuna dumarka, taas oo muujinaysa quudhsi aynu ku samaynayno dumarka. Waxaan quudhsanaynaa hooyooyinkeen, walaaleheen, ayeeyooyinkeen, habaryareheen, iwm, tusaale
Hilbaha qaar ka mid ah, ragu ma cunaan, ee waxaa cuna dumarka oo keli ah, sidaan soo xusay xoolaha iyaga ayaa inoo qala, iyaga ayaa cuntada oo dhan inoo kariya, marka wax la cunaayo, raga ayay cuntada siiyaan, waxna ma cunaan iyagu, ilaa ay ragu dhergaan, oo ay cuntadooda dhamaystaan!! Marka dambena waxay isku soo rid ritaan, hambadii raga iyo waxyaabihii
Digsiyada ku hadhay, oo iyaga cunta u ah!! Taas oo ah caada xun, oo jaahilnimo ah, bal waa xaaraam diin ahaan! Cidii doontaaba ha karisee, waxaa waajib ah, in ay cuntada mar u wada fadhiistaan, oo meel ku wada cunaan intii isku qows ah, haday kala qows yihiin in la qaybsado, oo mar loo wada fadhiisto, iyagoo kala gooni ah, mana aha in ay dumarku sugaan, ragu intay
Cuntada ka dhamaysanayaan, oo ka dhergayaan. Laguma ixtiraamo dumarka goobaha cidhiidhiga ah, oo ay tahay in iyaga la hormariyo, sida basaska, meelaha safafka loo galo, iwm. Waxaad arkaysaa dhulka safafka loo galo, ragii oo ka hororsanaaya dumarka, waxad arkaysaa markaad raacdo basaska, rag dhalinyaro ah, oo iyagu jiidhaaya dumarka, waxaad arkaysaa rag
 Dhalinyaro ah, oo iyagu buuxiyay kuraastii basaska, dumarkiina taag taagan yihiin, siiba hooyooyin waawayn, oo qaarkood tamar daran yihiin!! Waxaaba wax kasta ka sii xun, caadooyinka iyo dhaqamada xun ee ugubka ah, ee afartankii sano, ee u dumbayay, wadankeena ku faafay, kaas oo ah kufsiga dumarka! Waa dhaqan xumo tii ugu waynayd, ee soo marta
Wadankeena abid, runtiina waa aafo iyo cudur dilaa ah, dadka waxaa ku kacaana waa wuxuush dadnimada ka aradan, oo u baahan in layska kaashado, oo gacan bir ah dalka lagaga qabto. Waa dad nolosha ka dhacay, oo cudur dilaa ah qaba, waa aafo aan waxba raybayn, hadaynaan ka hortegin, oo aynaan si wada jir ah xidida ugu siibin cudurkaa dilaaga ah. Madaxwayne Xasan
Shiikh maanta magaciisu aad buu qoraalkan ugu soo noq noqonayaa ee, waxan aad ugu qaderiyay madaxwaynaha, aadna ugu ixtiraamay, markii uu go’aan sharci ah ka soo saaray arinta kufsiga, kaas oo ahaa in la toogto, ninkii fal kufsi ah ku kaca. Waxan leeyahay madaxwaynuhu wuu asiibay markuu sharcigaa soo saaray, wuxuuna ku mutaystay bilad dahab ah, waana arin
 Wanaagsan, oo madaxwaynaha taariikhda u gashay. Dadka Soomaaliyeedna, waxaa ku waajib ah, in ay qaataan sharcigaa, oo ay isku xukumaan, siiba iyada oo aan hada dowladu ka talin wadanka oo dhan, sharcigaana fulintiisa xaga dowlada waa lagu dhaliilayaa, ka dib markii arimo siyaasadeed caqabad ku noqdeen, oo bal iska daa cid dembigaa foosha xun loo toogto ee, la xidh
 Xidhay dumarkii sheegay in la kufsaday! Iyo weriyayaashii soo waraystayba, taas oo muujinaysa sida ay aafadanu ugu xididaysatay wadankeena, waana wax aad looga xumaado. Waxa se muhiima, in uu sharcigaasu jiro, maruun baa la gaadhi fulintiisa ee, waana in ay qaataan maamulada wadanka ka jiraa sharcigaas, oo ay hirgeliyaan, bal waa in ay qabiilooyinku qaataan,
Oo ay heshiisyo ku wada gaadhaan, in ay isu celiyaan, oo la toogto, qofka fal dembiyeedkaa ku kaca, si aynu u cidhib tiro cudurkaa dilaaga ah. Runtii gobolada woqooyi ee dalka, way ka nabdoon yihiin aafadaa kufsiga, haday jiraana waa dhacdooyin nadir ah, hadaad se aragtaan kuwa arintaa ku andacoonaaya, ogow in ay yihiin kuwa doonaaya inay dacaayadaa raqiiska ah,
Ku gaadhaan maksab siyaasi ah, ee meesha ay aafadanu ku xididaysatay runtii waa koonfur, marka aafadan waa in aan la wada dagaalanaa, si aynu u badbaadino hooyooyinkeen iyo dumarkeena guud ahaan, sidaa uu madaxwaynuhu sheegay, dumarku waa hugeenii, waa caarkeenii iyo sharafteenii, ummad aan ixtiraamin, oo daryeelin dumarkeeda maaha ummad jirta.
 Hooyo macaan, hooyo gacalo, waa hooyadaa, waa hooyaday, iyo kasta oo dhulka korkiisa ku nool ama ku noolaatay, ama ku noolaan doonta (a) hooyo ha ugu yeedhin magaceeda, bal ugu yeedh waxay jeceshahay in loogu yeedho, ama magac aad ku kool koolisid. (b) ha fadhiisan ilaa ay iyadu fadhiisato. (c) horteeda ha socon, bal ka dambay ama garab soco. (d) weligaa iyo waqti
Kastaba ku qaabil weji furan, oo bashaashnimo ka muuqato. (e) u naseexay, laakiin si wanaag ku jiro, hadii ay kaa diidona ha dhibin. (f) markay kuu yeedhoba, waa inaad aqbashaa, adoon cadhoon ama karahsan. (g) weligaaba ula hadal si debecsan. (h) waa inaad wax cunsiisaa haday gaajaysan tahay, oo arad tirtaa haday aradan tahay. (i) waa inaad u adeegtaa markay kuu baahato.
 (j) waa inaad amarkeeda qaadataa, hadaanay macsiyad ku farayn. (k) ha kaga horayn cuntada iyo cabistaba. (l) waa inaad mar walba Allaah uga baridaa dembi dhaaf, iyo raxmad. (m) waa inaad indhaha ka qarsataa khaladaadkeeda, iyo wixii ka dhac dhaca, oo dabadeed isku daydaa inaad si debecsan ugu naseexayso. (n) waa inaad waynaysaa, oo ixtiraamtaa, oo aanad iska
 Waynaysiin iskana saraysiin. (o) isku day weligaa inaad samaysid wax farxad geliya, oo ay ku rayrayso. (p) wanaag kula soco, kana dalbo in ay kuu ducayso. Hooyooyinka muslimadaha ah, walaalaha muslimadaha ah, xoriyadu waata uu Allaah tacaalaa idin siiyay, ee ku sugan diinteena xaqqa ah, ee wanaagsan, ku dheganaada oo gows dambeedka ku qabsada, yaanayna idin hodin
 Beenta iyo khiyaanada, ay gaaladu inoo dhal dhalaalinayso, hubaal taasu waxay dib idiinku celinaysaa, oo ku biya shubanaysaa ugu dambaynta casrigii jaahiliga ahaa, iyo dhibtii iyo gabood faladii loo gaysan jiray dumarka. Ku dheganaada, oo distuurkiinu ha ahaado, siduu yidhi amiirkii muuminiintu Cumar Bin Khadaab Allaah ha ka raali noqdee: “anagu waxaanu nahay qoom 
Allaah nagu cisayay, awood noogu yeelay Islaamka, hadii aan ka doono cisada awooda meel aan islaamka ahayn, Allaahna waa na dulayn”, taas ayaa dhab ah, waana aragna maanta dulinimada islaamka wada samaysay, waxa u sababa inay diintooda ka tageen, lagana dul qaadimaayo, ilaa ay Allaah iyo diintooda u soo noqdaan. Mowduucanu waa mid aad u
 Balaadhan, oo aan lagu soo koobi Karin qoraal iyo laba toona, bal waa mowduuc u baahan in Kutub laga qoro, waxaan uun uga dan leeyahay mowduucan, in aan idinku baraarujiyo, oo ay dabadeed qoraalo faah faahsan, ama kutuba ka qoraan, kuwa badan oo aniga iiga aqoon badani. Runtiina waxa igu dhaliyay, ama igu baraarujiyay, in aan qoraalkan qoro, ka dib markii ay
Internetka si kediso ah, iigaga soo hor baxday, suurad ka mid ah, suuradahan aan qoraalka soo raaciyay, waana suurada Xaajiga Pakistaaniga ah, ee waayeelka ah, ee hooyadii, oo sirqa ah xambaarsan, taas oo aad ii soo jiidatay, dareenkaygana wax wayn ka bedeshay. Waxa hubaal ah, in aanay in badan oo Soomaali ahi, aanay sidaa hooyadood u xambaareen, oo ay iska waynaysiin lahaayeen.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
la soco qaybta ugu dambaysa dhowaan inshaa Allaah

Xukuumada Siilaanyo oo xarunta hay’adda wadooyinka ee Hargeysa ku qabatay dhoollatus ay dadweynaha iskaga iibinayso.

$
0
0

Waxa Hada ka socota xarunta haayadda wadooyinka ee magaaladda Hargeisa dhoolatus ay xukuumada siilaanyo iskaga iibinayso dadweynaha oo lagu soo bandhigayo qalabkii ay ugu tala gashay dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo goboladda
Munaasibadan oo lacag badani ku baxday waxsa kasoo qayb galay masuuliyiin sar sare oo katirsan xukumadda saraakiil ka socota haayadaha caalamiga ah iyo marti sharaf kale, wax kale oo hadalo ka jeediyey Masuuliyiin katirsan Xukumada Somaliland

XIRSI
ceerigaabo

ceerigaabo1

ceerigaabo2

ceerigaabo3

ceerigaabo4

ceerigaabo5

24 KM oo Boorama iyo Dila isku xidhaya ayaa 4 sano qaatay isagoo KULMIYE talada hayo,Reer Awdal ma waxay filayaan in Jidka Boorama iyo Lawyacado loo dhiso sida ka Ceerigaabo. VIDEO

Dawlada Soomaaliya oo ka shakiday AMISOM Iyo Raysulwasaaraha oo iska reebay ilaaladoodii. WARBIXIN

$
0
0

Tan iyo markii uu dhacay qaraxyadii iyo weerarkii kooxda Al-Shabaab ku eegteen madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayey dulduleelo ay leeyihiin ciidankii AMISOM ee ilaalinayey madaxtooyada iyo madaxda dalka Soomaaliyaba.

Dagaal qaraar oo dhexmaray kooxda xagjirka ah ee soo weerartay Madaxtooyada iyo ciidanka ilaalinayey madaxtooyada ayaa waxaa muuqatay inuu u dhexeeyey oo kaliya ciidamada Soomaalida oo aysan ka qeybgelin AMISOM. Waxaana taasi ay noqotay caalamad su’aal la saaray heerka  ay joogto kalsooni lagu qabo ciidanka AMISOM.

Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed oo xilliga uu weerarkaasi dhacayey safar dibada ah ku maqnaa ayaa soo gaabiyey socdaalkaasi. Waxaana uu degdeg ugu soo noqday magaalada Muqdisho xilli ay geeriyi ku timid xubnihii ugu muhiimsanaa xafiiskiisa Ra’iisul wasaare oo ay ku jireen Maxamuud Cabdulle “Indhacase” iyo darawalkiisii Yantaar.

amisom oo laga shakiyay

Amin Arts oo sawir ku muujiyey shakiga halay AMISOM

Waxaana xogta Ra’iisul wasaaraha la siiyey ay noqotay inaysan ciidanka AMISOM dagaal adeg la gelin ciidankii Al-Shabaab ee awooda kusoo jiiray ammaankii lagu jiifay ee madaxtooyada ilaa ay gaareen Masjidka madaxda ay ku tukan jirtay oo ahaa mid aan sahal lagu gaari karin.

Ilo ku dhaw xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya inuu Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed isla shalayba iska reebay ciidankii AMISOM ee ammaankiisa ilaalin jiray islamarkaana uu sameystay ciidamo Soomaaliyeed oo si gaar ah uga difaaca wixii qatar ah ee kasoo wajaha kooxaha nabaddiidka ah. Maadaama waxa dagaalka adeg Al-Shabaab madaxtooyada kula galay ay ahaayeen ciidanka Soomaaliyeed.

Dr Abdiweli Shiikh

Ra’iisul wasaare oo soo watay ciidan Soomaaliyeed kana soo tagay AMISOM maanta.

” Abdiweli Shiikh waxaa uu garowsaday in geesinimada iyo ammaanka ay ku jirto gacanta wiilasha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo jilibka u dhigi kara wixii qalqalgelinaya amaanka shacabka iyo madaxdaba” ayuu yiri howl-wadeen ka tirsan xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo magaciisa codsaday in aan la shaacin.

Shalay mar uu ka qeybgalayey aaska allaha u naxariistee Maxamuud Indhacase ayuu Ra’iisulwasaare Abdiweli soo ka xeystay ciidanka Soomaaliyeed oo kaliya, isagoona magaalada dhowr meel kasoo maray. Waxaana marna lagu arkin ciidankii iyo baabuurta qafilan oo ay isticmaalaan AMISOM.

Iyaddoo taasi  hadal heynteeda uu shalay  jiray ayaa  maantana waxaa uu Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed uga soo qeybgalay banaanbixii shacabka Muqdisho dhigeen ciidan Soomaaliyeed isaga oo wata islamarkaana ka maarmay ammaankii ay AMISOM u sugi jirtay.

” Shalay iyo Maanta Ra’iisul wasaaraha waxaa uu ficil ku muujiyey inuu aaminsan yahay ciidanka xooga dalka inay ammaanka gacan bir ah ku qaban karaan oo aan ciidan  kale  laheyn geesinimadooda oo kale. Waxaase arrintaasi wali guux  badan ka keenay madaxda AMISOM oo shirar hoose leh” ayuu yiri Maxamed Cilmi Nuur oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo maanta ka qeybgalay isku soo baxa Muqdisho.
Alshabaab

Xeeldheerayaasha dhinaca ammaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inuusan wax dhibaato ah kasoo gaarin dagaalkii madaxtooyada ciidankii AMISOM ee lagu haleynayey ammaanka madaxda. Halka ay meeshaasi dhaawac iyo dhimasho ay kala kulmeen ciidamadii Soomaaliyeed ee yareeyey khasaarihii ay rabeyn kooxda Al-Shabaab.

Shir xalay ka dhacay Madaxtooyada oo degdeg ahaa oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo laamaha ammaanka ayaa wax badan la iska weydiiyey weerarkii madaxtooyada sida uu u dhacay iyo qaabka ay ciidanka madaxtooyada jooga ee isugu jira Somali iyo AMISOM uga qeybqaateen difaaciisa. Iyaddoona 5 cisho oo kaliya loo qabtay gudi wasiiro ah oo arrintaasi inay baaraan loo saaray.

Waa markii ugu horeysay oo  Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed laba maalin oo isku xigta Muqdisho ku dhex maro baabuur ay ilaalinayaan ciidan Soomaaliyeed oo kaliya, halkii awal AMISOM ku wadi jirtay baabuur qafilan oo waliba wadooyinka ay marayaan gebi ahaanba laga xiri jiray shacabka Soomaaliyeed.

AMISOM ayaa ilaa hadda si toos ah uga hadlin tuhunka soo galay ee ka imaanaya madaxda Dalka Soomaaliya ee ku aadan inaysan si daacad ah uga hortageyn kooxda Al-Shabaab iyo qatartooda. Dhaqaalaha ugu badan ee ciidan la siiyanaya waxaa qaata waa AMISOM. Halka aysan xilliyada qaar mushahar helin ciidanka Soomaaliyeed.

Wixii kale ee kusoo kordha arrinta khilaafka AMISOM iyo Madaxda dowlada Soomaaliya kala soco wararka danbe ee K2

xasan sheekh

 

Raysulwasarihii hore Saacid oo soo bandhigay sawir uu ku dhaliilayo Xasan sheekh

$
0
0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaan isaga oo aan hadlin dhaliilay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Saacid, ayaa bartiisa facebook soo dhigay sawir macno badan bixiyey, oo ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax Cabdul Qaadir, oo qosol iyo dhoola caddeyn ku jira.

Sawirka waxaa la qaaday darraad 22-kii February 2014 , waana mar uu Xasan Sheekh ka qeyb galayey xuska aas aaskii ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, maalinkaas waxa uu ahaa maalinkii la aasayey dadkii ku naf waayey weerarkii Villa Somalia, balse duugtooda uusan ka qeyb galin madaxweynaha.

xasan shee

Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Ra’iisul Wasaaraha iminka ee Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa ka qeyb galay aaskii dadkii ku naf waayey weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen Villa Somalia.

Inkasta oo Saacid uusan sawirka raacin wax qoraal ah, haddana waxaa sida muuqat ujeedka uu ahaa inuu shacabka tuso madaxweynihii dalka oo wax ka yar 24 saac kadib musiibadii Villa Somalia, iska faraxsan iskana dhoola caddeynaya iyo Ninka ku fadhiya kursiga Rasmiga ah ee Raysulwasaaraha

Halkan ka arag sawirka uu soo bandhigay ra’iisul wasaare Saacid

xasan sheek

Viewing all 3980 articles
Browse latest View live


Latest Images