Quantcast
Channel: Harowo.com | HarawoNews – Somalia Information & Analysis
Viewing all 3980 articles
Browse latest View live

Baaq Iyo Canbaarayn Ku Socota Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Qoyska S/land Md.Garaad,By C/qadir C/rahman Aw Gamboole

$
0
0

baaq cambaareyn ahBismilaahi Raxmaani Raxiim

Ilaahay baa mahad leh.

Baaq cambaarayn ah:-

Anaga oo ah Jaaliyada ka soo jeeda gobalada Awdal, Selel iyo Gabilay ee ku nool dalka Sweden waxaan cambaarayn iyo ceebayn u jeedinaynaa Wasiir Garaad oo si aan marnaba la aqbali karin, loona dulqaadin karin u inkiray un beeniyay xasuuqii ay gacan ku dhiiglayaasha SNM ay ka gaysteen magaalooyinka Dila iyo Boorama 4-tii bishii Feberaury sanadkii 1991-kii. Isaga oo Garaadku fulinaya ajandaha dawlada Siilaanyo isla markaa  marag cadaan ah u furaya SNM oo ku andacoonaysa in iyaga la xasuuqay. Isla markaa meesha ka saaray xusuuqii dad shacab ah ( innocent civilians) oo guryahoodii iyo meheradahoodii jooga ama masaajidada ku cibaadaysanaya oo haba yaraatee hubaysnayn ay si lama filaan ah ay SNM iyo Ciidamadii Dargiga ee Mingiste ay weerar ku soo qaadeen oo ay dhagta dhiiga u dareen Odayaal , dhalinyaro iyo caruur aan waxba galabsan. Muddo ku dhow 16 Saacadood ayay ku khaarijiyeen in ka badan 750 qof magaalada Dila, sidoo kale dad ku dhow 870 qof ayay dhagta dhiiga u dareen magaalada Boorama. Isla markaa ay burbiriyeen hanti badan oo ma guuraan ah, waxay qaateen wax kasta oo ay gacanta la gaadheen, waxay faraxumeeyay dumar aad u tiro badan. Maalintaas madow ee taarikhiga ah, dhacdadaas arxan daradda ah ee isbaahaysiga darigiga Mingiste iyo jabhadii SNM ku kaceen oo aan marna la inkiri karin,  waa ayaan daro in uu maanta uu Mr. Garaad yidhaahdo waa been oo waxba kama jiraan.

Wasiir Garaad halkuu ku iloobay dhiigii ehaladiisa iyo maydkii maalintaas meel walbe daadsanaa Dila iyo Borama labadaba. a , ma waxay la noqotay in uu ku iibsado woxoogaa beesado ah. Halkuu ku hilmaamay dhiigii adeeradii oo masaajidka lagu xasuuqay magaalada Dila . Aaway damiirkii iyo dadnimadii mase la tahay in aan ka aqbali doono ama ku qancayno in uu maanta uu idaacad lookal ah fariin u soo diro uu yidhaahdo waan raali galinayaa dadkayga khaladkaa iga dhacay.

Wasiir Garaad isaga oo nin masuul ah , madaxda sare ka mid ah , xiskiisu dhan yahay ayuu si badheedh ah uga horyidhi kulan ay ku dhan yihiin masuuliyiinta dawlada Siilaanyo iyo guddi xaqiiqa raadis ah ka socota qaramada midoobay iyo mujtamaca aduunka ( international community), iyo wariyayaal caalami ah ajande loo soo yeedhiyay oo marag cad loogu qabsaday in aanay jirin xasuuq la xasuuqay dadka reer Awdal.

Haddaba markii uu fuliyay ajandihii laga rabay , danahoodiina fuliyaay hawshiina dhamaatay ayaa Mr.Garaad inta uu ogalaansho ka soo qaatay taliska Siilaanyo oo uu ka codsaday in loo ogalaado in idaacad maxali ah ka raali galiyo dadkiisa. Taas anagu marnaba ka aqbali mayno haddaan nahay jaaliyada reer Sweden mana ah wax ka soconay Mr.Garaad.

Hadii Garaad qaldamay oo uu ka soo noqday qaladkiisa waxaa laga rabaa in uu soo fadhiisto madal sidii tii uu ka hadlay oo kala ah oo loo dhan yahay isla markaa uu raali galin buuxda ka bixiyo kana noqdo wixii uu yidhi, haddii kale waxba ka socon maayaan raali galinta fasaxa uu u soo qaatay.

Garaadku waxa uu iska qaaday sharaftii iyo karaamadii, wuxuu lumiyay haybadii iyo maamuuskii odaynimo. Wuxuu iibiyay dhiigii ehelkiisa. Wax haba yaraatee u yaala maanta Awdal, Selel iyo Gabilay ma jirto. Hadii uu u adeegayo inta cumrigiisa ka hadhay dawlada Hargaysa isaga ayay u taalaa. Laakiin anaga waxa aan dhankayaga kaga qornay oo aan galinay baal madow isaga iyo nin kasta oo u adeegay ama u adeegaya SNM goor kasta iyo meel kasta.

Wa bilaahi tawfiiq.

Jaaliyada gobalada Awdal , Selel iyo Gabilay ee

Ku nool dalka Sweden.

 

Golaha Shuurada Sweden.

Abdulqadir Abdirahman Aw Gamboole.

Qaadirxaaji@yahoo.com.

+46769679055  Malmö


Madaxtooyada Somaliland oo Maraakiibtii Masaarida ahaa u fasaxday xaalufinta biyaha Saylac iyo Reer Saylac oo ka fikiriya tallaabadii ay qaadi lahaayeen

$
0
0

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Salal oo diiday qoraalkii Wasiirku ku fasaxay iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo maamulka gobolka Amar dul dhigay

Saylac(Harowo)– Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed ayaa shalay Amar qoraal ah oo uu u diray Mamaulka Gobolka Salal ku fasaxay Maraakiibtii masaaradda ahaa ee xaalufin jirtay khayraadka badda ee uu ka mamnuucay wasiirkii ka horeeyey u fasaxay kadib markii muddo ka badan toddobaad mid ka mid ah maraakiibta Masaaridu ku xayirnaa Biyaha Saylac.

Amarka wasiirka ayaa gaadhay Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Selal oo kasoo jeeda beesha Samaroon iyadoo wakhtigaas Badhasaabka oo kasoo jeeda beesha Ciise uu ku maqnaa Dalka Jabuuti, waxaanu Badhasaab ku-xigeenku diiday Amarka Wasiirka, Waxaana la sheegay in badhasaabkuxigeenka iyo badhasaabku isku ogaayeen,   maadaama ay maraakiibtani dhibaato weyn ku hayso dadweynaha iyo kalluumaysatada reer Saylac, dadweynaha gobolkuna raalli ka ahayn.

Markii uu Badhasaaabku  Jabuuti ka soo laabtay,  waxa Amar kale siiyey Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland oo kasoo jeeda beesha Isaaq ee xoogga ku haysata xeebta galbeed kaasoo faray in ay fuliyaan Amarka Wasiirka ay isku beesha yihiin. Isla xalayba Maraakiibtii xaalufin lahayd biyaha saylac waxy bilaabeen boobkii kheyraadka badda saylac, halka ay ay sidoo kale biyaha lughaya ku jiraan maraakiib kale.  

Wasiirkii hore C/laahi Geel-jire ayaa Amar ku bixiyey in ay joojiyeen Maraakiibta bur-burisa dhagaxaanta Kalluunku ku nool yahay isagoo ku tilmaamay in ay xaalufinayaan khayraadka Dihin ee Badda Somaliland oo ay wali ka qatan yihiin Bulshada illaahay ku beeray Xeebta dhereran ee Somaliland, waxaana taas bedelkeeda amar kale oo uu ku fasaxayo bixiyey toddobaadkii hore Wasiir Cali Buureed kaasoo aan sababayn ujeedada uu ugu ogolaaday maadaama Xukuumaddu Amar hore ka soo saartay.

Si kastaba ha ahaatee Maraakiibtan kaluumasyiga ayaa ku kooban Biyaha Lughaya iyo Saylac, Berbera iyo badda inteeda kalena aan loo ogolayn

Musuqa wasiirka Maaliyadda iyo Wasaarad Xaafad kaliya u xidhan. Akhri

$
0
0

Musuq Maasuqii Abid Ugu Balaadhnaa Oo Dul Hoganaaya Wasiirka Maaliyada Sheekh Samaale

Dalka Waxa Ugu Xun Ee Qalooca Galiyay Ee Saxmada Abuuray Maaha Madaxweynaha Dalka. Madaxweynuhu Waa Mujaahid Xaq U Leh Inuu Maamulo Qaranka Waanaa Ruug Cadaa Siyaasiya Waxaanaan Ku Hanbalyaynayaa Wax Qabadka Iyo Isbadalka Uu Ku Sameeyay Dalka.Laakiin Waxa U Dhuuntay Dad Fidmawadayaal Ah Oo Maamulka Maaliyada Ku Habsaday Uguna Horeeyo Wasiirka Maaliyada Oo Been Mooyaanee Aan Run Sheegin , Waxa Ka Sii Xun Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Oo Ah Nin Lacag Ururin Ku jira Oo Aan Midh Aqoon Ah U Lahayn .Wasaarada Maaliyada

 

Waliba Waxa Wax Laga Xumaado Lagu Tilmaami Karaa Isagoo Agaasimaha Guud Aanu Ogayn Maamulka Uu Xukumo Waxa Si Toos Ah U hoos Mara Tuyuub Lacagta Lagu Afuufo Oo Uu Isagu Saxeexo ,

Waxaan Madaxweynaha U Soo Jeedin Lahaa In Dalku Hagaagi Lahaa Hadii Uu Gacanta Galiyo Wasaarada Maaliyada Oo Uu Keeno Dad Aqoon U Leh Oo Waayo Arag Ah ,Dadkii Yaqaanay Maamulka Wasaarada Maaliyada ,Waliba Madaxweyne Waad Garanaysaa Oo Waad Ogtahay Dadkaas Waxaanaad Kasoo Wada Shaqayseen Wasaarada Markii Aad Ahayd Wasiirka Wasaarada Maaliyada Hadii Kale Madaxweyne Waxaad Arki Dalka Oo Ay Ku Dhacdo Lacag La’aani Ciidanka Qalabka Sida Iyo Shaqaalo Waynahana Loo Waayo Wax Mushahar Ah Haba Yaraatee.IYo Qasnada Dawlada Oo Haawanaysa ( Musalaf )………………………..….

Qaab Dhismeedka Wasaarada Maaliyada

Wasiir——————————————————Wasiirudawle

Agaasime Guud

————— ——————– Xis/Guud

Ag/W/Miisaaniyada Ag/W/Maamulka Ag/W/Qorshaynta Ag/W/Kastamka Ag/W/C/Beriga

1. Agaasimaha Waaxda Maamulka Iyo Lacagta

Waa Maamul Soo Jiray Ama Ku 23 Jirsatay Xataa Wakhtigii Afweyne Markii Uu Hargiesa Joogay Xisaabiye Gobol Waxa La Samaystay Xayndaab Isku Qoofalan Oo Kala Ah SIdan Bal Hada Daawo

Siday Iskugu Qoofalan Tahay Waxa Hoos Yimaada Agaasimaha Waaxda Maamulka Iyo Lacagta

Qaybta Shaqaalaha
“ ” Logistics
“ “ Stores
“ “ Xisaabaadka
“ “ Khasnada
“ “ Gaadiidka
“ “Samaynta Foojarada Oo Ka Madax Banaan Xisaabiyaha
“ “ Shidaal Qorista
“ “Purchasing Ka
“ “ Qaybta Kormeerka Iyo Baadhista
Iyo Waaxda Miisaaniyada Oo Iska Hoos Timaada Waaxda Maamulka Dhamaan Qaybahaas Oo Ah Halbawlaha Wasaarada Maaliyada .

Wasaarada Maaliyaduna Ay Tahay Wadnaha Dalka Oo Idil Waanaa Arin Bari Hore Laga Xayndaabtay Cid Kasta Oo Timaadana Ama Agaasimaha Guud Ee Yimaadana Uu Ku Xidhmo Duruufo Jira Awgeed Waana Reer Kaliya Oo Hadii La Bixinayo

Qandaraas
Iib Baabuur
Dib U Dhis Xafiis
Dayactir Baabuur
Qalab Soo Iibin
Shaqaale Qoris
Samaynta Vouchers Ka
Samaynta Dirayska Shaqaalaha
Kormeer Hadii Loo Baxayo
Iyo Wax Kasta Oo Ku Jira Miisaaniyada Hadii Ay Tahay

Hadii Ay Tahay Qof Caafimaad Loo Dirayo
Hadii Ay Tahay Qof Dhiiri Galin La Siinayo
Hadii AY Tahay Qof LIitir (Xaq) La Siinayo
Xitaa Hadii Ay Tahay Shaaha Xafiisyada La Keenayo
Dhamaan Waxaas Oo Dhan Waxa Isticmaala Reer Kaliya Miisaaniyada Wasaarada Maaliyada Oo Dhan

( 50,000,000,000) ( FIFTY BILION SOMALI LAND SHILING)

Waxa Lagu Isticmaalaa Nooca Aynu Kor Ku Soo Sheegnay Waanaa Wax Marag Ma Doona , Waxa Aan Jirin Agaasimaha Guud Oo Aqoon U leh May Jirin Wakhtigii Uu Agaasimaha Guud Wasaarada Ka Ahaa Axmed Daauud Geedi Waxaas Oo Cadaalad Daro Ahi .

Haday Ku Habsatay Ku Wasaarada Maaliyada ; Hadii La Doonayo In wax La Toosiyo Hala Toosiyo Wasaarada Maaliyada Iyo Wasaaradaha Kale , Waxa La Gaadhay Wakhtigii Xukuumada Kulmiye Ay Wax Sixi Lahayd Xalkii Wuu Dhamaaday Xul Iyo Aqoon Haloo Xusho Meel Walba Oo Xukuumadu Leedahay

Posted by Xanaan Husssien

xanaan43@hotmail.com

Dhageyso Sheeko yaab leh: Madaxweynaha Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in lagu khaarijiyo masaajidka Madaxtooyada iyo Ragii loogu soo galay oo……….

Labo Maroodi oo kala maqnaa 30 sano oo muujiyay qiimaha saaxiibtinimada. VIDEO

SAWIRKA MAANTA: Waan ka xumahay cudurkii aad ka bogsatay ayaa dib kuugu soo noqday

DAAWO QOSOLKA DADKA RUUGA CALEENTA QAADKA oo inta xero loo ooday SIDA XOOLAHA LOOGU DHIGAYO

Xaajo Ugub: Daawo Gabdh Tujinaysa Salaad Jimce Khudbadana Sacab la tumayo


Foosiya iyo Xasan oo xogtii musuq-maasuqa xamili la’

$
0
0

Foosiya iyo Xasan oo xogtii musuq-maasuqa xamili la’
fosiya iyo xasan

Nairobi (Harowo)–  Wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa gaashanka u daruurtay warbixin ay qortay wakaalada wararka Reuters, taasoo ah ahay din ay ka mid ahayd xubno dowladda ka tirsan oo ku qasbay guddoomiyihii horre ee Baanka Soomaaliya, Yusra Abraar in ay Bangi ka furto magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.

Marwo Fowsiyo oo hadda ku sugan Nairobi, ayaa VOA-da u sheegtay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, lagana rabo Reuters caddeen isla markaana ay maxkamad la tiigsan doonto sidda ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay warbixinta Reuters lagu qoray aanan wax xiriir ah lagala soo sameeyn markii la daabacayay isla markaana ay ka been sheegeen Yusra Abraar qudheeda, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Foosiya iyadoo hadalkeeda sii wada waxay tidhi “Waxa ay yidhaahdeen Bangiga laga furayay Dubai waxa la rabay in lagu xado lacago dowladda ay ka hesho beesha caalamka”

Waxaa kaloo ay sheegtay in ay xaq u lee dahay dowladda in Account ka furato meesha ay rabto, taasna aaney ahayn wax la qariyo, waana been aan sal lahayn” ayey tiri.

Wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Somalia, ayaa tilmaamtay Reuters in ay maxkamad la tiigsan doonto oo ay qabsan doonto sharci yaqaaano si ay jawaab ugu hesho eedeenta loo jeediyay oo been ah sidda ay tiri.

Waxaa kaloo ay sheegtay in aanu ahayn xilliga la sheegayo wasiirka maaliyada, marka waa been abuur aan sal lahayn bay tiri Marwo Fowsiyo Yuusuf.

Fowsiyo Yuusuf ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqoto wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay xilligii ay joogtay xafiiska in ay qabtay wax yaabo fara badan.

Waxa sidoo kale warbixintan ka qeylo-dhaamiyay xasans sheekh, isagoo dafiraad xal mooday.

Akhri warbixinta WARBIXINTA REUTES

Press Release: AWDAL STATE President Office

$
0
0

AWDAL STATE President Office

Press Release                                                

 

Today, The president of Awdal State of Somalia, his excellency Professor Abdi Samad Nageye, The elected chair of the Parliament his honour Mahdi Musse Isaq, the elected vice president to his honour Abdi Rahman Abdillahi, ceremonial chairman of AwDAL State & The former transitional government foreign minister  Professor Hamud Aw Cali Mansheye, all members of cabinet including secretary general and the diaspora offices around the world, have sent their congratulations and blessing to both the Prime Minister of Mogadishu Abdi Weli Sheekh and the new elected President of Puntland Dr Abdi Weli Gaas. They also  congratulated President Hassan Sheekh Mohmoud to his untirring efforts and dedication to the road map and statehood communiques. Overall, the president admired the bravery, restoration of hope for stability and the enermous success made by the governor of Banadir to his honour Mohamoud Ahmed Nur. As he also wished Borama to be reconstructed and renovated in the near future, he also added to learn a lot from the governor.

The president and his crew announced to support the Statehood Policy which is founded by the former President of Somalia Sheekh Sharif  Sheekh Ahmed and Dr Abdi Weli while he was the Prime Minister of the Transitional Federal Government. Then It continued by President Hassan Sheekh Mohmoud and PM Abdi Farah Shirdon Saacid and now Prime Minister Abdi Weli Sheikh Ahmed.

The President strongly and humbly reminding, the president of the Somali Federal Government to his excellency President Hassan Sheekh Mohmoud, the newly elected president of Puntland to his excellency Abdi Wali Gas and the Prime minister of Somalia to his honour Abdi Weli Sheekh, and to his honour the speaker of the parliament professor Mohamed Osman Jawari as well as all post holders in the Federal government and in the federal states to keep the stroghold historical, socio-political and economical relationship between Somalia and Adal State.

 

The President also requires from the heads of the federal government to revive and restore the strength, enthusiasm and the role of Adal  in the Somali reform politics in general and in a wider perspective. His  excellency also reminds the importance and urgency of opening a dialogue with the Federal Government, Puntland and all Somala states.

 

He also concluded that all the treaties in the previous communique has been neglected in Somaliland, as he quoted articles 12,13,19 of London, Istanbul, Kyoto and New deal communiques, nor the development funding, humanitarian response funds and other investments were not transparence to the statehood strategy and Adal and other states has been left in the dark.

Istanbul/ London/ Kyoto-Yokohama/ New Deal quotes

‘12. In keeping with the London Communique, the Conference reiterated that respect for human rights must be at the heart of the peace process. It welcomed the Memorandum of Understanding signed between the Transitional Federal Government and the United Nations on 11 May 2012, and called on the Somali authorities to follow through with their commitment to uphold human rights and the rule of law, and put an end to the culture of violence and impunity, and bring about accountability. The Conference called for all parties to commit themselves to transitional justice mechanisms in the Post-Transition period.

13. The Conference emphasized that in the post-Transition period, the new political dispensation in Somalia must begin with a new program aimed at re-establishing of state and local institutions and administrative structures, based on and complementary to the current Roadmap including the newly recovered areas.

19. The Conference agreed that insecurity in Somalia, including sustained inter clan conflict, persistent violence, illegal charcoal trading, misappropriation of funds, piracy, kidnapping, terrorism and human rights abuses and violations, is exacerbated by the crisis emanating from the deficiency of the state structures and institutions in large parts of the country. It condemned all acts of violence against civilians, including journalists, and humanitarian workers in violation of international humanitarian law and human rights law.

Meanwhile the president is looking forward to form a socio-political, environmental and economical partnership with the fedral government,  as well as all other states in Somalia. As his excellency is planning a trips to meet government officials and AwDAL State diasporas in the United State,  Canada, Bruxells-EU, UAE, Ethiopia, Ereteria, Djibouti, Mogadishu, Puntland, Juba and his final trip will take place in Borama as he promised during the election campaign.

Finally his excellency and their honours recommended all Somali people to support  the federalism ideology based on statehood policy, were Adal will be the first state on the statehood footprint (because of its ancient history and the beginning of Somala civilisation).

 

 

 

 

 

 

 

May Allah Bless You All

The Preisdent: Elected, His Excellency Professor Abdi Samad Nageye

The Vice president: Elected, His Honour Dr AbdiRahman Abdiaalhi

The Speaker Parliament: Elected, His Honour Professor Mahdi Musse Isaq

Ceremonial Chairman of AwDAL State and The X-GovernmentForeign Minister of Somalia Professor Hamud Aw Cali Mansheye

Speaker of The Government; Professor Ahmed Omar Baadari

Chairman of The House of Lords (Guurti): Ali Farrah

Musse Kheyrdon; UK Chairman of AB-c

Abdi Ibrahim: Speaker of the President

Minister of Finance (Treasurer) Hibo Haddi Ofleh

Minister of Internal  Affair Mohamed Jama (Odey)

 

 

 

 

 

Abdi Hamud Aleel

Secretary General of the State

abdirahmanalel@gmail.com

abdiaahmed@yahoo.co.uk

0044-7983-688-653

XUKUMADII HORE MUDO KORDHINTOODII DADKU RAALIBAY KA AHAAYEENE, TAN(KULMIYE) ABATEED CIDI UMA HAYSO.

$
0
0

XUKUMADII HORE MUDO KORDHINTOODII DADKU RAALIBAY KA AHAAYEENE, TAN(KULMIYE) ABATEED CIDI UMA HAYSO.

Dadwaynaha sharafta leh ee Somaliland oo dhan waan salaamayaa gude iyo dibadba: Asalaamu Calaykum. Waxaan raacinayaa, walee libta shacbiga Somaliland u soo hooyay baarlamanka ayaanan cidkale ku sheegin. Waxa sababay in baarlamaanka Faraha lagala baxo waa cududa iyo feejignaanta shacabka Somaliland. Guurtiduna way ku mahadsanyihiin siday xaajada u galeen, laakiin laftoodu shacbiga qaylo-dhaantiisii meelkasta ka imanaysay ayay meel ay ka maraan waayeen.
sanwaa

Waxa ii raaca, niman aanu udub-tii isku ahayn, oo aan islahaa marhadii ay xagii hore ka muxaafidoobi waayeen waxay ku ekaanayaan Mucaaridnimo, ayaa iminka hanqalka u taagaya Xil!

Oo yay ka doonayaan? Waxay ka doonayaan Dawladan loo tirinayo maalmaha u hadhay! Dadku abateed uma hayaan maamulkan maanta jira. Arintan waxaan ku cadaynayaa, hadii ale yidhaa marka xukumadan kulmiye galbato, waxa hal-hays noqon doonta su’aal lays waydiiyo oo ah: Ma garanaysaan Barigii aynu Kulmiye dooranay, ee Somalilandtu jaan-jaantay!!?

 Oo maxay la jaanjaantay!!? Dee waxay la jaan-jaantay: madaxwayne siilaanyo ayaa gudi miidhan arlada ka dhigay. Markaasii haba Gudi badnaadee, sidii Signal/Guluubka marna kala diraa marna yidhaa waar way magacaabantay. Sida tan Kulmiye ee iminka tidhi waanu turxaan saarnay Kulmiye, Sawkii M/Wayne Siilaanyo kala diray ka hor safarkiisii u dambeeyay!

Waxa kale oo ay la jaanjaantay, maxaweyne siilaanyo ayaa lagu yidhi: M/wayne xagee u socdaalaysaan? M/waynii wuxuu waydiiyay nin WaftiRaace ah oo uu ku yidhi: Horta halkaynu ku soconay !!!?? intaanu kii jawaabin ayaa ku kale yidhi: Eeyaahe ee Jabuuti dheh!!!!!

Waxa la xusi iyana oo la odhan: miyaydaan garanayn barigii ciyaal madaxtooyada joogaa Hablaha xidhxidhi jireen, ee markii dambe ay baarlamaan, beelo iyo odayaalba u hanjabi jireen, ee aanay hadana Ri Gees ka ridin markii shacbigii kusoo jeestay!!!

Hadaanay ilaawin Ilma-Iswanaaje: Madaxwaynuu Qudbadsanadeedkii ayuu Baarlamanka ka hor cadeeyay inaanu doonay in maalin loogu daro.

Hadaba Saaxiibaday waxaan leeyay:  Xilku in laguu garto ayuu xurmo iyo sharaf ku leeyahay. Laakiin waa karaamo guurteene, dalku uma baahna Xukumadan aydin hanqalka u taagaysaan in loo kordhiyo. Mudo kordhintii Cigaal ama Riyaale bahal cilmiyaysan oo laga raali yahay ayay ahayd, Dawlad la nacay mudo kordhinteedu waa Fowdo hor leh. Ina dhoola yare wasiirkii horee udub oo malaa XIL DOON LA IL-GO’AY (isagoo dhuubtay ayaan arkee) iyo Cismaan Hindi oo laga dhigay sidii Raysal Wasaarenimadii Cumar Carte ee Siyaadoo sii dhacaya xilka loo dhiibay, ayaa ninkii siyaasiga ahaa ee Cismaan Hindina la yidhi: Shini Caydha soo qabqabo!

F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal. SANWAA CUMAR YARE

E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

Mid ka mid ah caasimadaha dunida ugu caansan oo cibaaro ka taagantahay, waayeelka oo looga digay inay dibadda usoo baxaan. VIDEO

$
0
0

Dadka waayeelka ah ayaa sidoo kale looga digay inay banaanka ama dibada u soo baxaan. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Peking waxeey afka iyo sanka ku soo xirteen Maaskaro kuwaas oo warbaahinta u sheegay inay caafimaadkooda u baqayaan.

Magaalada Peking ee caasimada dalka Shiinaha ayaa waxaa qariyay qiiq sababay in Iskuulaadka iyo shaqaalaha xafiisyada dowlada la fasaxo waxaana sidoo kale la kala yareeyay isku socodka gawaarida dadweeynaha oo aan si wanaagsan isku arki karin.
Qiiqa ama mudiga ka jira magaalada Peking ayaa Booliiska dalkaas waxeey ku eedeeyeen warshadaha faraha badan ee halkaas ku soo badanaya inkastoo warbaahinta iyo Telefishinada dalkaas ay sheegeen in uu dhulka ku soo dhawaaday caadka ama daruuraha qabowga.

Cabdiweli Gaas oo sheegay soo celinta gobolka Sool in anay marti uga ahayn Itoobiya

$
0
0

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta tegay magaalada Jig-jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, ku xigeenkiisa, gudoonka baarlamanka iyo xubno ka tirsan wasiirada DDSI ayaa madaxweynaha iyo wefdiga la socday soo dhoweeyey.

Dr. Cabdiweli Gaas oo la hadlay idaacadaha gudaha Puntland ayaa sheegay in ay la kulmeen madaxda dowlad deegaanka oo ay la yeelanayaan kulamo xidhiidh ah, kuwaas oo looga hadlayo wada shaqaynta amaanka, xoojinta xidhiidhka ganacsiga iyo deris-wanaaga.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland oo u waramayey caawa idaacada VOA qaybteeda Af-soomaaliga, wuxuu si cad u beeniyey wararka sheegaya inuu Itoobiya kala hadlayey arrimaha gobolka Sool oo Soomaaliland gacanta ku hayso.

Dastuurka ayaa qeexaya gobolad Sool, Sanaag iyo Cayn inay ka tirsan yihiin Puntland sida uu madaxweynuhu sheegay, wuxuu ku sifeeyey qorshaha goboladaas mid dastuuri ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in soo celinta gobolka Sool ay u taalo rabitaanka shacabka deegaanka iyo go’aanka dowladda, balse aanay la tashi uga baahnayn dowladda Itoobiya. Madaxweynaha ayaa Itoobiya ku tilmaamay dal uu xidhiidh ka dhexeeyo.

Dr. Cabdiweli wuxuu ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey xidhiidhka Puntland iyo federaalka, wuxuu sheegay madaxweynuhu inay arintaas ku haboon tahay in wada-hadal lagu dhameeyo oo xal loo helo khilaafka jira.

In light of Alshabaab’s Daring Attack On Villa Somalia, Heads Should Roll

$
0
0

IN LIGHT OF AL SHABAAB’S DARING ATTACK ON VILLA SOMALIA, HEADS SHOULD ROLL

 

By Mohamed F Yabarag

Last Friday’s Al Shabaab attack on Villa Somalia is the clearest indication that there is a complete security breakdown in Hassan Sheikh Mahmoud’s government. Had the incumbent decided to come out a few minutes earlier to perform his prayers in the mosque, the country could have the first dead president since the troubles started two decades ago, and since the assassination of the late Abdirashid Ali Sharmarke on 15th October, 1969. The fact that some of the terrorists have managed to enter inside Villa Somalia following a huge double suicide explosion at one of the main gates, and had to reach all the way to the mosque and kill a former security general and a senior government official shows that nobody is save at the presidential palace anymore. The minister of interior, who was believed to be in the mosque according to reports, could have been Al Shabaab’s biggest scalp had the terrorists who entered the mosque took a little time to identify their target accurately.

Al Shabab_SomaThe recurring broad daylight attacks on government institutions, its personnel and other important public targets by Al Shabaab terrorist group has increased at an alarming rate since the current Islamist-leaning government of Hassan Sheikh Mahmoud came to office. What happened in Villa Somali on Friday is a total failure on the part of Hassan Sheikh Mahmoud’s administration that only a few months ago ousted former Prime Minister, Saacid, for failing his duties on issues related to national security. Government failures are usually measured on the collective performance of its ministers, including those in charge of big portfolios such as security, foreign affairs and economy. The minister of national security, who was ironically instrumental in the dismissal of Premier Saacid, and should have been the first to be sacked, had retained his post in mysterious circumstances as President Hassan fought tooth and nail to keep his man in the government. Most Somalis were intrigued about the behavior of President Hassan in this saga. Some even sensed a foul play. One might be tempted, therefore, to ask as to why a minister whose portfolio has dismally failed to protect the citizens of Mogadishu and its immediate environs is clinging to this important post. Something is amiss here. To say there is a lapse of security at villa Somalia is an utter understatement.

Abdulkarim_ Hussein
Somali minister of Interior, Abdulkarim Hussein

The security apparatus in Somalia lies in tatters and there is a big possibility that some terrorist operatives have access to Villa Somalia, or maybe inadvertently incorporated into the presidential guards and other national security agencies. Some are even pointing the finger of blame to the top officials of the government for facilitating this massive security breach. The fact that the terrorists were reported to be wearing the same uniform as those of the presidential guards is further evidence to support this theory.

If Al Shabaab can reach the corridors of power with such ease, then something big is wrong with intelligence gathering capabilities of the security apparatus of the Somali state. Without any shadow of a doubt, the security personnel of Villa Somalia is infested with moles and Al Shabaab sympathizers who want to see the country slide into a complete anarchy and chaos. No wonder why the UN Monitoring Group has insisted on the restoration of UN arms embargo on Somalia, which was lifted early last year by the Security Council. In its report to the Security Council’s sanctions committee, the U.N. Somalia and Eritrea Monitoring Group recommends either restoring the full arms embargo or at least tightening notification and reporting requirements related to arms deliveries. This is an indictment to Hassan Sheikh Mahmoud’s government who failed both Somali people and the goodwill of international communities in equal terms.

In the same report, The Monitoring Group continued and identified a number of issues and concerns over current management of weapons and ammunition stockpiles by the Federal Government of Somalia (FGS), which point to high-level and systematic abuses in weapons and ammunition management and distribution. Without any shadow of a doubt the trust bestowed to the current government headed by President Hassan by the international community is fading away fast, and the prospect of the country sliding back to the dark days of warlords, civil strife and man-made famine is now more likely than ever before.

If President Hassan has to arrest this violent trend and regain the confidence of the Somali people and that of the international communities who recently casted doubt over his leadership, with the US intelligence chief even calling him a week President, he needs to react now and fast by dismissing the minster of national security forthwith. This should be followed by a wholesale vetting on the country’s national security apparatus, including its top leaders. Defectors from Al Shabaab terror group, often paraded in front of TV cameras before hastily integrated into various security apparatus, should be thoroughly screened and should not be given important posts for a long period. Finally, officers of high caliber with proven intelligence gathering skills, selected from all Somali clans, and not only from dominant Hawiye clan, should be recruited to lead the nation’s security apparatus. If all exhausted and security problems of Mogadishu continue to persist, major government departments should be relocated to other safer places like Puntland. Unlike Somaliland, Puntland has never declared to secede from Somali. The culture of nepotism based on clan favoritism, the main feeder of security problems, must cease immediately if the country has to move forward. Somalis have so many enemies – both in and outside of the country. Any weakness on the part of Somali government, and there are many right now, will mean vultures descending into the country and finishing us off once and for all.  This is time to act and perch Al shabaab operatives from within the Somali government.

Mohamed F Yabarag Email:myabarag@gmail.com

Wakiilada Xisbiyada Mucaaradka Awdal oo W/Arimaha Gudaha ugu baaqay inay soo faro-galiso D/Hoose Ee Boorama Badhasaabkana ku dhaliilay……….


Siyaasi ka digay in Kulmiye markale isku dayo inuu Awdal kaga soo baxo isxambaar. VIDEO

Sharaf bay ahayd inuu mudane Seed casuumo guurtida J/Yoonis waxase meel ka dhac ahayd inuu yiraahdo……..

$
0
0

seed

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta nala socodsiisa kolba waxa daafaha dunida ka jira mar labaad waxaan maanta qalinka u qaatay inaan waxooga ka hadlo hadhimo sharafeed uu dhawaan axmed seed u sameeyay guurtida j\yoonis Huteel Rays taasina waa wax lagu farxo run ahaan waayo waa inankoodii oo marti qaaday waana sharci hadii hadiyad ama marti qaad aad qof walalkaa ah ka hesho inaad tagto diinteena ayaaba ina faraysa

Kadib markaan meelo badan oo warbaahinta gobolka aan ka akhriyay maqaal uu Seed u qaybiyay warbaahinta inkasta oo la yidhi looma ogolayn warbaahinta hadana wuxuu sameeyay wuxuu u qaybiyay nuqulo uu malaha isagu gacantiisa ku qoray kaas oo kaga sheekaynayay marti qaadka, dadkana tusayay inuu marti qaaday reerka ama tusayay gudoomiyaha Ciro oo warbaahinta qaar qoreen inuu u gogol xaadhayay inuu kulan la yeesho beesha j\yoonis oo ah beelaha ugu balaadhan  qolo walbaana dhinaceeda ka doonayso inay hanato inkasta oo aan wali la gaadhin wakhtigii olalaha

Aan hadaba dul joosado biyo dhacayga waxaa qoraalka Axmed Muumin Seed ku qornaa inuu ahaa wakhtigii  ugu haboonaa ama loo baahnaa inuu beesha j\yoonis  la kulmo waayo beesha oon wali lahayn musharax iyo siyaasi beesha ah oo beeshu isku raacday ama ka socda.

Hadaba waa yaabe miyuuna C\rashiid Xasan mataan ahayn nin J\yoonis ah miyuuna ahayn musharax ka sharaxan xisbiga UCID, miyuuna ahayn musharax ka sharaxan beesha J\yoonis.  Waa suaasha labaade markaan is bar bar dhigno Seed iyo C\rashiid keebaa musharax ah waayo intaan ognahay Seed waa ku xigeen uun wali wuuse noqon karaa musharax mustaqbalka haddii xisbigu………

Aniga iyo dad badan oo ila ra’yi ahiba waxaan u soo jeedinaynaa walaalkayo  Axmed Muumin Seed ama aan kula talinaynaa  inuu arintaasi raali galin ka bixiyo malaha qalinkaa la taraaraxaye.

maxmed jaamac cumar

UK

DEG DEG: “Ma jirin Xildhibaano lacag boobayay” Ku Simaha Badhasaabka G/ Awdal oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedayntii maayerka iyo khasnajiga D/Hoose ee Boorama

Madaxweynayaasha puntland iyo Kililka Shanaad Oo Banka Jigjiga Dhaanto Kuwada Dheelay iyo Maamulka Somaliland oo madax xanuun ka qaaday. DAAWO

Shabaabka oo xubno u joogaan Villa Somaliya iyo Qorshe cusub oo ka Fashilmay

$
0
0

Al-Shabab lagu qabtay VILLA SOMALIA ayaga oo la damacsan shirqool cusub

Muqdisho (Harowo) - Laba nin oo ka mid ah Ciidamada Ururka Al Shabaab ee sida gaarka ah u tababaran, looguna yeero Amniyaadka, ayaa waxaa lagu qabtay Xeendaabka Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan qaabka loo qabtay labadaan nin, oo wararku ay sheegayaan in ay gacanta Dowladdu soo galeen gelinkii dambe ee Talaadadii.

Wararku waxay sheegayaan in raggaan ay horey isugu soo dhiibeen Dowladdii Shariif Sheekh Axmed, laakiin ay la baxsadeen laba ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidanka Dowladda, ayna dib ugu laabteen Shabaabka.

Raggaan, ayaa la sheegay in ay si khaldan ugu soo dhaceen wadada Madaxtooyada soo gasha, ee ka timaada dhinaca Wadada Iskuulka 15 May, isla-markaana ay qabteen Ciidanka Dowladda.

Sidoo kale waxaa la sheegay in raggaan ay u socdeen dilal qorsheysan oo ay ka fulin rabeen Aqalka Wadanka looga arrimiyo, isla-markaana jeebabkooda laga helay liis ay ku qoran yihiin xubno, uu u ujeedkoodu ahaa in ay qaarajiyaan.

Laamaha ammaanka ee Dowladda, ayaa su’aalo dheeraad ah weydiinaaya labadaan xubnood, si wax badan looga ogaado dagaal-yahanada Shabaabka ka tirsan, ee ku soo qul qulaaya Magaalada Muqdisho.

Inkastoo aynaan kala cadayn qaabka rasmiga ah ee raggaan gacanta loogu dhigay, ayaa waxaa hadana soo shaac baxeysa in ay labaduba ka soo jeedaan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Tani waxay xoojineysaa sida ay Shabaabku ugu dhiiranayaan in ay weeraro qorsheysan ka geystaan Qasriga Madaxtooyada, ee uu ku hoydo Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya.

Shabaabka waxaa la rumeysan yahay in ay xubno u jooggaan Villa Somalia, kuwaa oo u gudbinaaya macluumaadka ka dhanka ah Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Viewing all 3980 articles
Browse latest View live


Latest Images