Quantcast
Channel: Harowo.com | HarawoNews – Somalia Information & Analysis
Viewing all 3980 articles
Browse latest View live

US government ‘supporting the genocide’ in Gaza


Wasaaradda Ganacsiga Denmark Oo Dacwad Ka Dhana Dahabshiil U Gudbisay Boliiska.

$
0
0

Denmark cabsi badan ayey ka qabtaan hoowlaha ganacsi ee Shirkadda Dahabshiil ka wado gudaha dalkeeda,waxaa sidaas lagu yiri Dacwad ay Wasaaradda Ganacsiga Denmark waaxdeeda loo yaqaan FSA u gudbisay Boliiska.

Denmark waxay dooneysaa in hoowlwadeenada Dahabshiil la saaro Maxkamad sidoo kalena lagala laabto Leesinka shaqada,sida ku cad warbixintaan oo aan ka soo turjunay Website-ka FSA.

https://www.finanstilsynet.dk/da/Tal-og-fakta/Vurderinger-af-finansielle-virksomheder/2014/VU-Dahab-Shiil-030714.aspx

Kontoroolka iyo lasocodka Shirkadaha xawaalada ayaa aad u yar. Boliiska ayaa ka cabsi qabo iney albaab u furayaan dambiilayaasha.

Xiligaan kuleelaha ayaa Hay’ada la socodka dhaqaaqa lacagaha(Finanstilsynet) ku dacweysey laba shirkadood oo yar yar boliiska, Midkoodna waa Dahabshiil. kuwaas oo Kobehagen ku yaal. Finanstilsynet ayaa cabsi ka qabta, sida ay wax u wadaan Shirkadahaas. Cabsidaas oo ah iney dhaqaan lacagaha dadka dambiilayaasha ah oo si qaldan u helay lacagtaas iyo iney lacag u xawilaan ururada argagaxisyada ah ee dibada.

-Waxaa muhiim ah iney shirkadahaas si sax ah u og yihiin magacyada dadka isticmaala xawaaladahaas, isla markaasna ay foojignaan gaar ah u yeeshaan hadii si qaldan loo isticmaali karo shirkadahaas. Hadii aysan taas dhicin waxaa boliiska ku adkaaneyso iney ogaadaan hadii si qaldan oo dambi ah loo isticmaalo adeegooda, sida lacag dhaqid ama caawinaad argagaxisnimo. Sidaa ayuu yiri Mark Andrew Rønnenfelt oo ah  madaxa xafiiska Finans

Hay’adaha Lasocodka dhaqdhaqaaqa lacagaha ee denmark ayaa sheegtay in  booliiska ka cabsi qabo maalgelin argagixiso iyo lacagta la dhaqay ?

Laba ka mida shirkadaha xawaaladaha lacagta ee Kobanheegan, waxay si weyn ugu xadgudbeen  xeerka iyo sharciga u degsan xawaaladlayaasha Denmark ama Midowga Yurub.  FSA waxay boliiska u gudbiyeen Kiiska Xawaaladda Dahabshiil si ay ugu sameeyaan baaris dhameeystiran  .Tan iyo 2012, wuxuu Xafiiska Serious Fraud ku helay 17 kiis Shirkadahaan wax xawila.

Cabsida ugu weyn waxay tahay qaabka ay gacanta ugu hayaan xogta dadka isticmaala shirkadaha xawaaladaha lacagta oo yar, iyo halista  Khayaanada  laga  cabsanyo in ay albaabka u furi karto dembilayasha.Kuwaas oo isticmaali kara  dambiilayaasha si ay sidoo kale lacagta la dhaqay ama lacag ay argagixisada dibadda u dirayaan.

Shirkadaha waa in la ogaado aqoonsiga ee macaamiisha ay wax u qabayaan, waana ku waajib ineey ilaaliyaan xeerarka u yaala qaybahaan iyo inay ogaadaan wixii macaamil ganacsi shaki ka galo taasoo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan Boliiska. Haddii shirkada Dahabshiil sidaasi yeeli weydo,waa hubaal in boolisku uu qaban doono soona  heli booliska in badan oo ay  adagtahay in la ogaado hawlaha dambi ah sida lacagta la dhaqay ama taageero argagixisada, waana  arrin culus. Sidaa darteed, waxaan ku khasbannahay in booliiska u sheegto marka aynu aragno Xaaladaha gaar ahaan u fool xun, ayuu yidhi madaxa hay’ada  FSA ninka liyaarhdo Mark Andrew Rønne.

laba shirkadood –ee Dahabshiil Money Transfer Service ee Kobanheegan waqooyi galbeed iyo Quick International Money Transfer ee Vesterbro ee Kobanheegan –ayaa lagu dhaleeceeyey sida aan waafaqsaneyn xeerka lacagaha ee ay maamuleen arrimahaooda lacag dirista, iyo weliba tababar la’aanta shaqaalaha ee iyagoo aan heyn ,maluumaad ka sax ah  ee  macaamiishooda. Iyo weliba wakiilo kale oo jooga meelo aan si sax loo ogeyn aanan la koontorooli karin sahaqadooda.

“Waxaaa  FSA aragtideeda ah in u hoggaansanaanta shirkadda  Lacagta ka shaqeeyaahi iney u hogaansamaan shuuruucda dalkan u taala shaqaalaheedana u tababartaa.

Waana waajib in hay’adaha dawlada  lasocodsiiyaan wixii ay ka shikiyaan , laakiin dahabshiil weligeed lama soo xiriirin hay’adaha amniga iyo weliba laamaha dadwlada arrimo la xiriira arrinkaa.

Waana qeyb kamida in hay’ada lacagaha ay booliska u gudbiso si ay usoo baaraan waxyaabaha ay qarisay Dahabshiil maadama la ogaaday inay xiriir la leedahay argagixisada Somalia.

Mar uu hadley Muse Farah Jama oo wakiilka Dahbshiil Denmark wuxuu sheegey inay isku dayayaan ineey ilaaliyaan sharciyada wadankaan, isagoo sheegey inay leeyihiin saddex wakiil oo kala jooga magaalooyinak kala ah Kolding , kuwaas oo  ka madax banaan Dahabshiil International .

Wuxuu ku celceliyey ineey sixi doonaan wixii qaldan kuna dadaali doonaan ilaa linta sharciyada dalkan , laakiin kiisku hada wuxuu ku jiraa gacanta booliska oo baaraya ceedeymaha loo soo jeediyey Dahabshiil.

Go-aanka Dowladda Denmark maaha mid qarsoon,hadii boliiska soo gudbiyaan cadeeyn la xiriirta inay Dahabshiil ku dhiiratay wax isdabamarin iyo lacag u diris kooxaha argagixisada waxaan kala laaban doonaa leesinka shaqada,iyadoo hoowlwadeenadana lala tiigsan doono Cadaalada si loo xukumo.

Dowladda Denmark cabsi weyn ayey ka qabtaa in Shirkadda Dahabshiil ka sii shaqeeyso dalkeeda maxaa yeelay waxaan dareenkaan kala simanahay Midowga Yurub waana sababta Barclays Bank iskaga diiday inuu la macaamilo Dahabshiil.

https://www.finanstilsynet.dk/da/Tal-og-fakta/Vurderinger-af-finansielle-virksomheder/2014/VU-Dahab-Shiil-030714.aspx

Madaxda Puntland oo xaalkoodu noqday Aabow nin yar iga celi oo nin weyn igu sii daa “maamulka S.land oo dhul ka haysta way ku dhici la’dahay” VIDEO

Nin habeenkii qaraxu ka dhacay Jabuuti subaxeedii Hargeysa ka duulay oo Dawlada Xamar u gacan galisay Jabuuti.. WAA KUMA?

$
0
0

Muqdisho (HAROWO)- Illo wareedyo ka tirsan laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay mid kamid ahaa Abaabulayaashii Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.

Illo wareedku waxa ay sheegayaan in Ruuxaasi ay Dowlada Federaalka ku wareejisay Sirdoonka Dalka Jabuuti oo baaritaano ku sameynaayo.

Ruuxaani kamidka ahaa shaqsiyaadkii lahaa Abaabulka Weerarkaasi 24-kii Bishii May ka dhacay Maqaayad ku tiilay Magaalada Jabuuti ee Caasimada Dalkaas, ayaa waxaa maalmahaani Su’aalo lagu weydiinaayay Xarumaha dambi barista DFS.

Dambiilahaani ayaa waxaa diyaarad laga saaray garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoona Su’aalo iyo baaritaano adag looga sameyn doono Dalka Jabuuti, waxaana Muqdisho ka raacay Saraakiil ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Waxan la Ogeyn sida uu ruuxaani kusoo galay Magaalada Muqdisho, wallow warar hoose ay sheegayaan inuu kasoo duulay Magaalada Hargeysa Habeenkii Qaraxa uu dhacay Subaxeeda.

Ma jirto warar dheeraad ah oo kasoo kala baxaayo Laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia iyo Jabuuti.

 

WASIIR CUKUSE WUU CEEBEEYAY DADKA REER SOMALILAND, Waxa ka muuqata Jaahilnimo

$
0
0

WASIIR CUKUSE WUU CEEBEEYAY DADKA REER SOMALILAND

Anigoo ah muwaadin somaliland ah Marka hore waxan dadka somaliyeed ka tacsiyaynayaa hadal ka soo yeedhay wasiirka Warfaafinta Somaliland maalintii Ciida iyo cibaadada.Wasiirku wuxuu yidhi ” Dadka reer somaliland waxan ka tacsiyaynayaa barnaamij ay kooxda fanaaniinta geeska Afrika u duubay telefishiinka Muqdisho ..”

Hadalkan wasiirku dad badan buu ka yaabiyay, sababtoo ah waxa ka muuqata aqoon darro, aragti gaabi, iyo diktaatooriyad indho beeshay.

1. Aqoon darradu waxay ku jirtaa heesaha iyo fanka adduunkoo dhan baa wadaaga. waxan dhegaysannaa heesihii mohamed wardi, kuwii Micahel jackson, Bob Marley iyo kuwo badan oo kale.

2. Aragti gaabi awgeed , waasiirku wuxuu arki kari waayay inaanu faku lajayn xuduuo lagu xereeyo oo sida xoolaha la kala ceshado..Taageerayaasha fanaaniintu meel kasta ha joogeene codka fanaanka ayay dhegaystaan. Waana dooqa dadka

3. Diktaatooriyad indho beeshay waa taa ku habsatay maamulka uu Cukuse ka mid yahay. Wuxuu isku deyeyaa inuu cabbudhiyo dooqa dadka, waxanu rabaa inuu fanaaniinta iyo taageerayashooda kala ilaaliyo. Weli adduukan hore ugama dhicin, waana wax lagu qoslo.

Willasha iyo gabdhaha codkooda macaan cidina kama qaadi karto. Ilaahaybaa hibo u siiyay iyagaana iska leh. Annaguna aad baan u jecelnahay. Ciddii rabtana dhegahooga lama gacan la saari maayo.

Maalintii Ciidda ee farxadda, Rabbigeenna is cafiya yidhi, ayaa Cukuse cod la garaqn waayay ku ciyay.

Taasina ceeb bay dadkeena u keentay.

Fanaaniintu siyaasiyiin maaha cidna wax kamay sheegin. Haddaba, waxa la garan waayay, wasiirku muxuu naga tacxsiyeeyay?. Hadalkiisaa ah mid runtii dadka somaliyeed meel kasta ay joogaan laga tacsiyeeyo.

Guulwadenimlada intaa leeg waa tii Soomaliyi hore u eedday ee run laysu sheegi waay. Cukusana guulwadaynta ayaa xad kasta dhaafisay, xadhkihiina wuu goostay.

Osman Elmi elmi1949@hotmail.ca

Dowlada Aasqaran oo Inta badan Xilal Muhiim ah ku Xaal marisay Qaswadayaashii Dalka(Yaa kamid ah +Sawiro)

$
0
0

Dowlada Soomaaliya oo Inta badan Xilal Muhiim ah ku Xaal marisay Qaswadayaashii Dalka
Dhaqammada gurracan ee Soomaali gaasiray gunta iyo guddoon xumada biday waxaa ka mid ah in had iyo jeer ay gar wadeen u yihiin kuwooda ugu liita ama ugu doqonsan dhan walba, xag hal abuur, xag hormarineed, xag wax soo saar iyo xago kale oo badan, haddana, ay mar walba yihiin MAHDIGA mashkulidda iyo macallinka munaasabadda, oo aan qofna ka daba hadli karin, xaajadan kaligii marooqsanayo.

Marka laga reebo inyar oo fara ku turis ah ma ahane inta Soomaalidu xusto ama ay u taqaan halyeey iyo hoggaamiye, mida an dullayn ama dagaal iyo u horseedin dirir kuma jiro, laga soo billaabo Maxamed Cabdille Xasan oo horjooge ka ahaa Alshabaabtii (Daraawiishtii) xilligaa, illaa laga yimaad Maxamed Siyaad Barre aabbihii burburka Soomaaliya, anagoon illaabin Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo kaalintii uu ku lahaa heshiiskii Caruusha (HIBEYBTII NFD) iyo kala qaybinta Soomaalida (SOMALILAND) burburkii ka dib. Sidoo kale, Maxamed Faarax Caydiid iyo dagaalladii sokeeye, qabqablayaashii ka farcamay dagaalka iyo wadaadaddi arxanka darraa ee Carabtu Soomaali ku sallidday, illaa laga soo gaaro kuwa hadda daarta madaxtooyda fadhiya.

Intaa aan soo xusay mid aan Soomaali dhimaal iyo u horseedin dhagxuma ma jiro, haddana, waa taayoo Soomaali laga fujin la’yahay, oo ka dhigan inaan nahay bulsho kii dhiba kaliya dhunkata (I DHIB AAN KU DHUNAKDEE). Xasan Sheekh markii uu doorasho beeeneedkii iyoo beesadii Qadar ku soo baxay, ayaa in badan oo la daallanayd dayaca iyo diiftu abshiraysteen, balse, siday rabeen uma noqon, oo dayac, dagaal iyo, daacuun hor leh ayuu dhaliyey, himiladii lagu xirayna hanjab iyo waxay ku dhashay rajobeel.

20kii sano ee ugu dambeeeye dalka waxaa qiimo iyo qaayo ka lahaa laba qolo, QABQABLE iyo WADAAD XUME, oo ay udub dhexeed u ahaayeen ODAY COLAAD, labadaa waxaa ka daba maray, ooba yiri waxba ma ahayn QASWADE, qandiga ku wata qoom shisheeye, ugana duwan QABQABLAHA inay si fiican u qaraaban yaqaanniin, ayna uga badiyeeen sida loogu tuugsado afafka qalaad.

Bishan oo kale sanadkii hore (2013), waxaa laba kulan oo is xigay ka kala dheceen magaalooyinka Kampala iyo Nayroobi, laba xarun oo faylalka Soomaaliya sanadihii u dambeeyey si mug leh ay uga furnaayeen, siyaasad, dhaqaale, maamul, madax iyo hoggaaminba. Xasuuso Shirkii 2004tii ee Nayroobi, ee FIDNIMDA FEDERAALKA C/laahi Yuusuf ka keenay iyo xasuuqii Xabashida ee xigay, afduubkii Kampala ee 2011kii. Dabcan ciidanka ka jooga labada dalba gudaha Waddanka ha moogaan.

Shirka hore wuxuu ka dhacay Kampala, waxaana goobjoog ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cali Maxamed Geeddi, C/wahaab Ugaas Khaliif, C/Raxmaan Baaddiyow, Shariif Xasan Sheekh Aadan “Sakiin”, Mohamed Abdi “Gaandi”, Xuseen Caydiid, Xildhibaanno hore iyo kuwa hadda ku jira Baarlamaanka, ayna wehliyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa qadka Teleefoonka uga qeybqaatay Cabdi Wali (Gaas) Nuur-Cade iyo xubno kale.

Kii xigay wuxuu ka dhacay magaalada Nayroobi, waxaa isugu yimid raggii hore iyo ka sii badan, markan waxaa ku soo darsoomay Yuusuf Garaad, Axmed Madoobe oo hore uga tirsanaa Maxkamadihii iyo Xisbul Islaan, [ARGAGIXISADII BURBURTAY] haddana ah horjoogaha Kooxda Raaskambooni ee Keenyaanku ku hayaan Magaalada Kismaayo, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Cali Khaliif Galayr iyo rag kale.

Ujeedka shirka loo qabtay iyo waxa laga damacsanaa ma cadda, in kasta oo Yuusuf Garaad (WARRAMAA aan WAR isu hayn) wiilka qalinka qallalan ee maalmahan markuu hadal uu sheego waayey qoraal qaaran iyo qormo qabyo ah dadkii ku harqiyey uu yiri “meesha waa lagu DUCAYSANAYEY!” weydiinta baa ah, yaa DUCAYSANAYEY? YAASE LOO DUCUNAYEY? MAXAA LAGU DUCAYSANAYEY? MAXAA SE LAGA DUCAYSANAYEY? Aqbal iyo la’aanba marka xeerka diinta loo fiirsho ka sokow,

inta shirka isugu tagtay marka la fiirsho waxaa iska cad inaan wanaag iyo samo Soomaali loo qaban.

Nimanka shirsanaa waxay isugu jireen: 1-Gacan ku dhiigayaal dagaal oogayaal ah, sida Geeddi, Axmed madoobe, Sheekh Shariif, Gaandi iyo Xuseen Caydiid. 2-Madaxda Musuqmaasuqa Soomaaliya, sida: Laba Shariif, Galayr, Gaas, Sharmarke IWM. 3-Kuwo urur diimeed ku daaban, sida Baaddiyow, asii qof walbaa iska ilaalinayo, si uusan ugu noqon sida Morsiga Masar oo kale. 4-In aan meelna haysan ama hiyi raac, oo hadba meesha ay mukul, muuq ama hummaag ka arkaan iska aada sida Yuusuf Garaad oo kale.

Ogow inta meesha isugu tagtay laba salaan iska qaaddaa kuma jiraan mid Gaalo iyo mid Muslinba. Badankood midba midka kale ayuu Kursiga uga riixday hab beeleed iyo heeryada gunnimada mid ay tahayba, u fiirso Geeddi waxaa badalay Nuurcadde, Nuurcadde iyo Shariif waa tartameen, Ina Sharmarke waxaa ka dambeeyey Gaas, Farmaajaba ha u dhexeeyee, Gaandi wuxuu loollan kula jiray Axmed Madoobe, Baaddiyow iyo Yuusuf Garaad waxay soo waayeen kursiga Xalane ee Amisom, ee uu hadda ku fadhiyo Xasan Sheekh.

Nimankii noocaa ahaa nin walba riyo ayaa u hirgashay, oo waa la wada dallacsiiyey, nin aan xil hayn maanta waa ku yar yahay, marka laga reebbo Baaddiyow, oo malaha aan u qalmin in xil beenaad xitaa loo dhiibo, saa wuxuu ku habboon yahay inuu ilmaha sun Carbeedka u laqimee. Xasan in badan waxaa laga sugayey inuu noqdo badbaadiye, balse, wuxuu isu badalay baabi’iye iyo burburiye, intaa kuma ekaysane, wuxuuba wehel iyo ka dhigtay waali intii Soomaali ugu xumayd, oo la soo wada arkay qiyaanadooda, gumaadkooda iyo gaboodfalkooda, haddaba, aan kuu kala kala qaadee, qormada sii raac.
GEEDI

CALI MAXAMED GEEDDI, oo xasuuq badan ka gaystay Muqdisho iyo Koofurta markii uu ahaa Wasiirka koowaad ee dawladdii dalladda qabqabyalaasha ee C/laahi Yuusuf madaxa ka ahaa, eeXERTA XABASIDA IYO TABCNAYAASHA TIGREEGA. Cali Geeddi maanta wuxuu ku lammaansan yahay Xasan, oo aad mooddo inuu u yahay MADAXA MARAASIIMTA (BOROTOKOOLKA), maxaa yeelay, wuxuu dhawr jeer ku soo dhaweeyey Garoonka, marna wuxuu u raacay Jawhar, haddaba, kii dadkaaga dilay haddaad baalka gashanayso, Nabee inaan khayr iyo lagaa filayn wanaag Xasanow. Sidookale, Cali Geeddi, waxaa lagu abaalmarshay in wiilkiisa Maxamed Cali Maxamed Geeddi loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Macdanta, haddaba dhallinyaro, haddii aan qabqable idin dhalin, ama gacan ku dhiigle, ama aadnaan ka soo bixin SIMAD iyo SUUDAANshaqo iyo xil midna arki maysaan, ee iska samra, la ye; “Samraa sed lehe!”. QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!
Cabdirashiid
CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE oo Xasan Sheekh u magacaabay Safiirka Maraykanka, oo aan wada ogsoonnahay in dhawr kol Maraykanku diideen in isla isaga xilkaa loo magacaabo. Waxaa la yaab aheed, markii warqadaha laga aqoonsanayey inuu qoyska oo dhan la wada tagay xafiiska Obama, sidii in Alle bari la qabo, ee aan loo imaan warado guddoomid.

Ta kale, Cumar C/rashiid waxaa lagu xasuustaa heshiiskii eexda ahaa, ee uu beeshiisa kula galay Gaalkacyo, ee dhigayey in ay qaataan 25 deeqda waxbaarsho ee Soomaaliya la siiyo, waa yaabe, Soomaaliya miyey 25% ka yihiin, si ay tiradaa ugu xisaabtamaan ama dalbadaan mise waa uun sedbursigii Soomaali dhexyaallay?.

CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE waxaa kale oo lagu xasuustaa markii uu ahaa Wasiirka koowaad in xukuumaddiisu ay horseed ka ahayd warqaddii xumeed, ee shakiga iyo muranka galin gaaray badda iyo xeebta Soomaaliya, balse, ayaan wanaag markii dambe Baarlamaanku laalay, oo wax kama jiraan ka dhigay, isaga qorshahaa waxaa ku wehliyey Shariif Sakiin, C/raxmaan Ibbi, C/raxmaan C/shakuur (oo Xasan la taliye u ah, Muxuu kala taliyaa, muxuuse kula taliyaa? Waa wax isma dhaanto iyo dhasheed, kan lala talinayaa macallinnimo iyo maamul dugsi xagge uma dhaafin, kan la talinayaana waa ka sii liitaa, saw kama dhigna sheekadii ahayd: “Ar ku helli, xay ku nuugtaa, xayse ka nuugtaa?!”) IQK. Dad badan baa qaba waxa hadda xilkan loogu magacaabay in ay tahay sidii heshiis beenaadkaa dib loogu loo soo nooleeyo.

Cumar C/rashiid sidoo kale, waxaa lagu xasuustaa in markii xilka laga qaadayey uu qaatay lacag lagu sheegay (2$ Malyan) laba Malyuun oo Dolllar, sidoo kale, kaalintii uu ku lahaa maamulka gacan ku rimiska ee Kismaayo xoogga ku haysta ee Axmed Madooe horjoogaha ka yahay, haddana, ninka taariikhdaa madaw leh ayaa Xasan u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka, oo dad badan u fasirteen inuu yahay DANJIRAHA DANAHA KENYA iyo ITOOBIYA, oo uusan Soomaali metelin, maxaa yeelay, meeshaba waxaa gaystay waa labadaa dawlad.QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!
GANDHI
MOHAMED ABDI “GANDI” oo Xasan u magacaabay Safiirka Kanada, haddaba, Gaandi saw ma ahayn kii Malleeshiyo beeleedka tababarka iyo hubka ku soo siiyey Kenya, si uu ugu qabsado Jubbooyinka, isagoo wata mashruucii dhicisoobay ee AZAANIA?. Gaandi saw ma ahan ninka ay dabada ka riixayaan maalgaliyeenna shirkado shisheeye, oo dhammaan shidaalka Soomaaliya dano ka leh, gaar ahaan Shirkadda Total oo laga leeyahay dalka Faransiiska, oo muddo ku noolaa Gaandi, her dad baadan ay aaminsan yihiin in magaacbistiisa ay shirkado shisheeye ka dambeeyaan, dabcan iyagan u adeego doono?. QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

GARAAD

 

YUUSUF GARAAD CUMAR AXMED, oo markii uu ku hungoobay xilka sare ee dalka, u xuubsiibtay inuu kabe qaade u noqdo qabqablayaashii hore iyo madaxdii musuqa, heer uu gaaray inuu isla sawiro Malleeshiyo waardiyeysa Gaas horjoogaha Maamulka Bari. Maalintii shirkii Nayroobi dhacay, maalintii xigtay isagaa been qalinkiisa ku xarriiqay, maalintii ka labaad dadkii wuxuu ku afjigay “iga aamusa aniga ima dhaliili kartaan, qof walba wuxuu aaminsan yahay ha haysto” maalintii ka saddax ahaydna sida loo dhigay hadalka waa ka toobad keenay wixii uu sameeyey, isagoo yiri: “waxaan idiin ballan qaadayaa in aanan ka qayb gali doonin fadhi umadda Soomaaliyeed lagu waxyeelayo!” weydiinta baa ah: ninka damac baa dabada ka riixayee, yaa dammaanad qaadaya inuusan dib ugu laabanayn? Midda kale, markuu beenta isla kala jiidayey, ee dadka ku afduubayey “waxaaga ha igu qasbin” muxuu qarinayey? Inta uusanse ballanta noo qaadin waa inuu soo bandhigaa wax beentiisii hore burinaya, haddii kale cid aaminee ma jirto. Kaba muhimsane, waa inuu sheegaa waxa ku kallifay inuu been intaa la eg sheego, iskuna dayo inuu qariyo wax aan qarsoomayn. Yuusuf isna waxaa la filaa in Xasan u dhiibo afhayeenka Madaxtooyada, ee uu isaga tagay Yariisow, waxaa se is weydiin mudan, wax badan buu meelaha ka quuqleeyee, hadduu madaxtooyadii dhex tago Yuusuf muxuu soo kordhin doonaa? Aan wada sugno. Nin aan wadaay nahay ayaa markii ay soo baxday xanta xil magacaaxibtu wuxuu igu yiri; “Waxaa hubaal ah inaan ka nasan doonno nacnacdii iyo nuxur la’aantii uu Faysbuugga ku soo qiri jiray iyo wararkii maalaa yacniga ahaa!”. QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

axmed madoobe

AXMED MAXAMED ISLAAM “AXMED MADOOBE”, oo hore uga tirsanaa Maxkamadihii iyo Xisbul Islaan, [ARGAGIXISADII BURBURTAY] haddana ah horjoogaha Kooxda Raaskambooni ee Keenyaanku ku hayaan Magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe waxaaba dhaxal iyo hibo loo siiyey Jubbooyinka, oo uu sida uu doono ka yeelaa, ka dib heshiiskii Faraax C/qaadir (Wasiirka DALTUURKA iyo FIDNADA) uu kula soo galay Itoobiya. U fiirso, heshiiska waxaa wada saxiixday laba nin oo aan Soomaaliya ku dhalan, oo ka soo wada jeeda Soomaali Galbeed, waxaa lagu saxiisay Itoobiya, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya, haddaba, Faarax sida uu markii hore isugu hawlay in Axmed Madoobe Kismaayo loo gacan galsho, maa haddana isugu hawlo sidii loo fulin lahaa qodobbadii heshiiska?.

Jubbooyinka waxaa si joogto ah uga dhaca dilal qorshayn, qaarijin, qaraxyo, dhac iyo boob, waxaa intaa dheer qixinta iyo bara kicinta lagu hayo dadka deegaanka, heer afartan qoys oo beesha Jareer ah lagu armay inay isaga guureen, oo xaggee aadaan? Yaase badalkeed la keenayaa, ma Soomaali Galbeed ayaa deegaanka dhan lagu beerayaa?. QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

SAKIIN

SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN “SHARIIF SAKIIN” isaga in kasta oo aan xil loo dhoobin, haddana, waxaa loo ansixiyey (xalaaleeyey) maamul beeneedkii uu dabada ka riixayey, ee Baydhaba ay barqad soo dhagax tuureen in saxiix loogu malmalluuqo, oo lagu yiraa waan aqoon sannay, iyada oo aan la tixgalin rabitaanka dadka iyo gobollada maamulka yeelanay kuwa ay noqonayaan, taa oo keentay in maamulkaa laga soo wada horjeesto, ha ahaado dadka deegaanka ama gobollada uu sheegtayba, heer wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullahi Goodax Barre uu si cad uga hor yimaad maamulka Shariif Sakiin doonayo xerta Xalane u ansixiyeen.QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

Qaswadayaashii ku shiray sanad ka hor Kenya iyo Ugaanda, waxaa wali xil la’aan ah CALI KHALIIF GALAYR, oo isna sida xamxamta suuqa ku jirta ay sheegayso loo badinayaa in loo magacaabo Safiirka Ingiriiska, inta ka horraysana uu sii kala dhantaali doono inta ka harsan maamulka Khaatumo, oo ay u kala baxsanayaan labada maamul beeleed ee Bari iyo Waqooyi. Waa yaab mid hadday goosteen in laga goostay maxay ku diidayaan Reer Waqooyi? Haddii Bari reernimadii lagu yiri anagaa isku filan iyana maxay ku diidayaan?.
Meesha waxaa ku gablamay, sida xeeldheerayaal badani sheegayaan waa Prof
Samatar.

QASWADAYAASHA wax la laaqo, saa maanta xil ayaa loo magacaabi lahaaye, maadaamo uu isagu u waalan rabo jago in loo dhiibo, oo uu Soomaaliweyntii u tuuray awgeed, marka tani dhaaftaye Samatar ta kale ha ka faa’iideysto, oo sida warar hoose sheegayaan waxaa jira iskaashi ay hormuud ka yihiin Guddoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir, ee xilalka laga qaaday, oo ka dib markii laga diiday in xabsiga la dhigo qorshaynaya inay iyana shirar QASWADENIMO abuuri doonaan.

Ugu dambayn. Inta aan qiimo iyo qaayo u yeelaynno kuwa qaranjabkeenna iyo ka shaqeeya qiimotirkeenna waxaa hubaal in aan ku jiraynno qaska, qaxa, qaxarka iyo qalalaasaha, maxaa yeelay, isbadal dhalintu waxay ka billaabataa inaad inta xun iyo inta xanafta wadda aad ka xeeladaysto, balse, haddaad xilal u dhiibato ama xaaliyeyaal ka dhigato, adiga un baa xinjirrado badan kaa daadan doonaan xabaalo badanna qodan doona.


 

Yuhuuda oo markay Xamaas u caalwaayeen Caruurta Gumaadaya ciil dartiina kaarayaasha iska hoos seexday. DAAWO VIDEO

$
0
0

Ciidamada Isra´iil ee loo geeyay inay ka dagaalamaan dhulka Falastiiniyiinta gaar ahaan Gaza ayaa waxaa la soo gudboonaatay niyad jab iyo daal fara badan ka dib markii ay warbaahinta Caalamka soo bandhigtay iyaga oo dul seexday Taangiyadooda dagaalka waliba ka quustay inay sii wadaan weerarada.

Ciidamada Yahuuda ee Isra´iil oo 3 isbuuc ka hor (8-Juulay 2014) dagaal ku qaaday shacabka reer Falastiin ayaa wali waxeey gaari la´yihiin horumar dhanka dagaalka ah marka laga reebo askartooda oo sheegata inay bur buriyeen godad-kii ururka Xamaas uu ka soo gami jiray Gantaalada ama madaafiicda .

Wasaarada Gaashaandhiga Israiil ayaa dalbatay ciidamo cusub oo hor leh kana badan kuwii hore ee dagaalka ku qaaday dhulka Falastiiniyiinta balse dad badan ayaa is weeydiinaya sababta inta badan Dunida Muslimka ah uga aamusan yihiin xasuuqa Yahuuda ku heeyso Falastiiniyiinta

DAAWO Toogasho lagu fuliyay Sadex nin oo uu ku jiro Ninkii Madaxtooyada Weeraray


“SADAAM XUSEEN LAMA DILIN UU NOOLYAHAY” Sidaa waxa shaaciyay Telefeshinka Al-Carabiya. DAAWO

$
0
0

Muuqaalkan aad hoos ku daawan doontaan waa mid dhawaan ka baxey Telefishinka caanka ah ee AlArabiya, waxaana barnaamijkan diirada lagu saaray hadal lala yaabey oo dhawaan kasoo baxey mid ka mid ah dadkii ugu dhawaa Madaxweynihii Mareykanku daldalay ee Ciraaq Saddaam Hussein.
HALKAN KA DAAWO
Barnaamijkan oo dad badan ka yaabiyay ayuu Telefishinku soo xiganayaa shabakad Internet oo Ciraaq caan ka ah, taasoo dhawaan baahisay in Saddam Xuseen weli nool yahay, isla markaana ninkii la daldaley aanu isag aheyn.
Shabakadu waxa ay leedahay, daliilka aan heyno ayaa ah in Mareykanku aanu dilin Saddam Hussein, balse ruuxii la daldaley uu ahaa mid ka mid ah shaqsiyaad aad u shabaha Saddam Hussein oo waqti dheer la shaqeyn jiray Madaxweynihii hore ee Ciraaq Sadam Hussein, isla markaana qorshuhu ahaa in ay iska dhigaan Saddaam si loo siro cadowgi doon doonayey Saddam Hussien.
Alarabiya TV oo soo xiganeysa shabakadan Ciraaq caanka ka ah oo lagu magacaabo Baghdadil-Rasheed, ayaa intaas ku dareysa in xiligii Mareykanku shaaciyay inuu Saddam Hussien nolol ku qabtey ay hadleen dad dunida caan ka ah oo uu ka mid ahaa wasiirkii arimaha dibbada ee Ruuska xiligaas, kuwaasoo sheegay in Mareykanku uu bucaad cidlo ah qoorsagaaro ku hayo, taasoo la macno ah in ruuxa ay qabteen uusan aheyn Saddaam Hussein balse uu yahay mid ka mid ah dadki aad u shabbahey ee Saddaam Hussein uu tababarey.
Waxaa kaloo barnaamijkan ku jira hadal cod ah oo laga duubay mid ka mid ah gacanyare yaashii Saddaam Hussein, isagoo magaca alle ku dhaaranaya in Saddam Hussein nool yahay, ninkii Mareykanku maalinta ciidda (2006) daldalaada ku fuliyeyna uu ahaa nin lagu magacaabo Mikaa’eel oo aad u shabahey Saddaam muddo aad u dheerna la shaqeyn jiray.
Ninkan codkiisa la duubey ee sheegaya in Saddaam Hussein weli nool yahay ayaa hadalkiisa kusii daray, in uu waqti dhow soo bixidoono Saddaam weliba si geesinimo leh, isagoo xukun mideyn ah ka hirgelin doona Ciraaq’ sida uu ninkani hadalka u dhigay.

Lamaanayaasha FANKA, Mursal iyo Khadra sinimo+ Axmedweli Furunle iyo Asma Love

Maxay ku dhacday reer Awdal marka ay wax ka dareen celiyaan inaan Hargeysa laga dhageysan hadalkooda?

$
0
0

Marar badan waxan maqalnaa ama daawanaa dadka reer awdal oo ficillo gurracan oo maamulka hargeysi ku sameeyo ka cabanaya.Cabashadaasi waxay soo bilaabatay wakhti hore. Dhamaanba qeybaha bulshada Odayaal, Dhalinyar, Haween, Culimo, Siyaasiyiin intuba waxay cawdeen wakhtiyo kala duwan, waxay ka cawdeen waxyaabo kala duwan oo qeyb kasta oo bulshada ka mid ah gaarkeeda u taabtay.
Cabashadu waa abiil, haddi arrinka aad tabanayso lagaa qancin waayo waxa kuu taal inaad jawaab ficil ah ku muujiso dareenkaaga, si dhacdada dambe looga foojignaado.Nasiib darro reer Awdal sidaa loogama baran,taasina waxay gayeysiisay in wixii la doono lagu sameeyo hadalkooda iyo cabashadoodana aan cidiba dhageysanin.

Haddii Fal bahdilaad ah lagula kaco oo ay ka cawdaan cidi ma dhageysato iyaguna kama bixiyaan jawaabtii ama talaabadii ay mudnayd-
Haddii abaari ku dhacdo oo ay qeylo dhaan dirsadaan looma soo jawaabo iyaguna kama bixiyaan jawaabtii(talaabadii) ay mudnayd-
Hadii Xoolaha Cudur kaga dhaco “dawooyinka xoolaha oo iib ah ayaa loo keenaa halkii ay ka filayeen gurmad sidii horey u dhacday”!!!
Haddii Dagaal ama dhimasho ka dhacdo dhulkooda looma fidiyo gurmadkii ay filayeen.
Ubadkooda askarta S.land tu Boorama ku dhex toogato cidna looma raaco iyaguna kama bixiyaan jawaabtii ay mudnayd.

Wax kasta oo ku cusub maamulka Hargeysa waxa lagu tijaabiyaa Awdal. Sida lacagtii la socodsiinayay 1995kii ee lagu dhacay ganacsatadii reer Awdal, Diwaangalintii doorashooyinka 2008-dii ee lagu masaxay reer Awdal… Diwaangalinta imika 2014ka la wadao oo iyadana lagu tijaabiyay reer Awdal. Goobaha doorashooyinka ee gobolku way ka yaryihiin kuwa gobolada kale.

Dekedahii ay wax kala soo degayeen waxa lagu soo rogay cashuur dheeraad ah cabashadoodii cidi ma dhageysan markii la dhageysan waayay tallaabadii ay mudnayd ma qaadin

Waxaasoo dhami reer Awdal waxay ku dhacayeen muddo ka badan labaatan sano,intaa way ka cabanayeen cid warkooda dhageysatayna ma jirto, wax waayo-aragnimo ah oo ay ka heleena illaa imika ma jirto waxay noqdeen wax la bartay.

Dadka degmooyinka ama gobolada kale waxay ogyihiin in aanay jirin wax la yiraahdo dawlad ay arimahooda ku haleeyaan wax walba waxay ku eegaan diirada reernimada, waxay saaraan miisaanka qolonimada, halka reer Awdal ay ka sheekeeyaan qaran iyo dawladnimo aan jirin, waana halka ay sartu ka qudhuntay ee ay wax iska qaban la’yihiin. Ilaa reer Awdal ay fahmaan sida dadka kale u fekerayo, dabadeedna ay dib wax isku waydiiyaan quudhsigaa uunbay ku jirayaan hadalkooduna qiimo yeelan maayo.

Gabar yar oo 7 habeen jirtay oo hadashay markii hooyadeed lagu xukumay dil xaqdarro ah

Halkan Ka Daawo Wafigii Madaxweynaha Somalia oo gaadhay Washington iyo Wasiirka Arimaha Dibada Dr Beyle oo ka warbixiyay

DAAWO Hees Dhaqaajinaysa Dhiigga Dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu tiriyay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Dr Beyle” Dhambaalkeygu waa baaq”

$
0
0

DHAMBAALKEYGU WAA BAAQ DHEEFTIISU WAA GUUL.

Dhibaatooyin kuu muuqda sheedaha ka dhawr maaha, TV-ga dhugo maaha !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Dhalinyaroy kacoo toosa, Dhidibkiyo xadhkaha goosta, dhiidhiya sidii Goosha sidii Galowga dhiillooda, Dhacadiidku waa daale dhawrtada ka waynaada (dhawrto= tuugsi, baryootan ).

Dalal kale dhexjoogooda, ……………, Dhegxarraanka weedhooda, Dhiiranida gacantooda, misna kala dhinaantooda, Ha u xilan dhalaal been ah, dhalanteed run ha u qaadan.

 

DHAMBAALKEYGU WAA BAAQ DHEEFTIISU WAA GUULE, NABAD DHALATAY WEEYAANE IDINKOO DHABIIBYEYSAN DHUMUC IYO LIXAAD SHEEGTAY KUMANYAAL SAROW DHAAFAY DHEDADA IYO CEERYAANTA DARUURAHA KUSOO DHUUNTA……………….

beyle3

DAAWO Wiilka Faysal Cali Waraabe oo ku biiray kooxda ISIS ee ka dagaalanta Siiriya iyo Ciraaq. VIDEO

$
0
0

Baghdad (HAROWO) – Ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa soo bandhigay Cajilad Muuqaal ah oo loogu tala galay Bisha Soonfur taasi oo loola jeedo xayeysiis loo sameeynayo Ururka.

Cajiladaan ayaa waxaa ka hadlay Xuseen Faysal Cali Waraabe oo uu dhalay Siyaasiga hogaamiya Ururka UCID ee Somaliland, isagoo ku biiray ururkaasi ISIS hadana ka dagaalama dalka Ciraaq.

Xuseen ayaa wuxuu kusoo koray dalka Filand, wuxuuna deganaa Magaaladda Koonfurta dalkaasi ku taala ee Espoo.

Tobaneeyo sano kahor ayaa Xuseen wuxuu kusoo laabtay Somaliland, kadib markii Aabihii uu ku biiray Siyaasadda Somaliland uuna noqday Hogaamiyaha Ururka UCID.

Horay wuxuu u doonayay Xuseen Faysal inuu ku biiro dagaal yahanadda Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya, Isaga iyo Gabar uu guursaday oo baxsad u ahaa si ay ugu biiraan Alshabaab ayaa waxaa lagu qabtay Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool labo jeer oo is xiga sanadihii 2011 iyo 2012.

Xuseen Faysal Cali Waraabe oo la baxay magaca (Abuu Shucayb) ayaa goor sii horeeysay wuxuu galay dalka Siiriya dabadeedna wuxuu uga sii gudbay Dalka Ciraaq oo uu imika ku sugan yahay wuxuu cajiladda muqaalka ah ku sheegay inuu dalkaas u tagay ka qayb qaadashada dagaalka Jihaadka oo ay ku jiraan ISIS.

Afka looga hadlo dalka Filand ee Finishka isaga oo ku hadlaya wuxuu sheegay in Raaciyadda Islaamka ay gayn doonaan dalka dhalashadiisa uu haysto ee Filand. Aabihii wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu caansan Maamulka goonida isu taagay ee Somaliland.

Ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya waxaa ku biiray dhalin yarro badan oo soomaali ah, horaantii bishii Juun ee sanadkaan waxaa isna muuqaal ka hadlay Faarax Maxamed Faarax Shirdoon oo uu adeer u yahay Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, isagoo sheegay inuu kamid yahay Ururkaasi uuna doonayo in dagaalka ay gaarsiiyaan dalalka Canada oo uu deganaa.

Illaa in ka badan 50 dhalin yaro Soomaali ah oo ka tagay dalalka Mareykanka, Iskaandaneefiyaanka iyo Canada ayaa si rasmi ah uga biiray ISIS kuwaasi oo qayb ka ah dagaalka hadda socda.

Hoos ka daawo muuqaalka wiilka Feysal Cali Waraabe


Fasaxbaan ku maqnaabaan idhiye waamaxay su’aalaadka la i weydiinayaa !!! Ma sidanuu muddo kordhin ama doorasho ku rabaa

DAAWO Musharaxa M/weynexigeenka UCID Dr C/Rashiid Xasan Mataan Oo Wacdaro Ka Muujiyay Barnaamujka Hal adayg “Nin Shaqadiisii Qabsan kari waayay Korodhsiimo xaq uma leh”

WARCULUS: Maraykanka oo sheegay in DF Somalia ay ku jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab

$
0
0

Maraykanka oo sheegay in DF Somalia ay ku jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab

Washington DC (HAROWO) – Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysay ka dhawaajiysay in ay ka walwalsan tahay xubno Al-Shabaab ka tirsan oo ku jirra xeyndaabka dowladda Soomaaliya.

Kaaliyaha arrimaha dibedda ee dowladda Maraykanka ee dhinaca ammaanka Tom Kally oo dhawaan noqonaya safiirka cusub ee Maraykanka ee Jabuuti, ayaa sheegay in xukuumadda Wanshinton ay ka walwalsan tahay xaalada Soomaaliya isooga si cad u sheegay in xubno Shabaab ah ay dowladda ku jiraan.

Mr. Kelly si rasmi ah uma faah-faahin xubnahaas Shabaabka ah ee ku jirra dowladda balse wuxuu leeyahay waan ka warqabnaa.

Hadalkan ayuu ka sheegay sarkaalkan Machadka Nabadda ee Wanshinton,halkaasoo diplomaasiyiin iyo dad kale uu kula hadlay maalintii shalay..

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Maraykanka ay kordhin doonto howlaha lagu tabbabaraayo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayuu sheegay Tom Kelley iyadoo dalka Maraykanka uu ka socdo shirweyne ay lee yihiin hoggaamiyaal ka socda Africa iyo madaxweyne Obama, waxaana shirkaas ka qeybgalaya madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Ma cadda sidda uu saameyn doono hadalka uu sheegay kaaliyaha arrimaha dibedda ee Maraykanka ee dhinaca ammaanka xiriirka u billaabanaya Maraykanka iyo Soomaaliya.

Maraykanka ayaa markii ugu horreysay 23-sanno safiir u soo magacaabaya Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horrey safiir ugu magacowday dalka Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa tan iyo sannadkii 2007-da waxay lacag ka badan 130 Milyan oo dollar ku deeqday Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay wiilkiisa ku biiray Argagixisada

$
0
0

Hargeysa (HAROWO)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo ka tirsan Mucaaradka Maamulka Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay Arrinta ku aadan in wiilkiisa uu ku biiray jabhadda ka dagaalanta dalka Ciraaq ee lagu magacaabo ISIS.

Feysal Cali waxa uu sheegay in Xuseen Faysal Cali uu aabihii yahay, wuxuuna Tilmaamay in Sanadii 1992-kii uu ku dhashay dalka Finland halkaasi oo uu ku barbaaray isla markaana waxbarashadiisa uu ku dhameystay.

‘’Haa Xuseen Faysal Cali aniga ayaa dhalay balse waxa uu mudooyinkaani waday dhaqdhaqaaqyo Argagixiso dhawaana waxanba ka war helay inuu ku biiray jabhadda ka dagaalanta dalka Ciraaq ee lagu magacaabo ISIS’’ Sidaa waxaa yiri Feysal Cali waraabe

Sidoo kale, Feysal Cali waxa uu Tilmaamay in Wiilkiisa uu xiliyadii hore uga cabsanaayay inuu ku biro Alqaacidada Somalia ee Alshabaab, waxa uuna sheegay mar uu imaaday wiilkaasi Magaalada Hargeysa uu uga cabsi qabay inuu ku biro Alshabaab, balse ay cadaadin xoogan kadib dib ugu celiyeen Dalka uu ku dhashay Finland.

Daawo Yuhuudii GAZA gumaadday oo maanta dib uga soo baxday iyagoo Niyadjabsan iyo Falaashihii Itoobiya laga guray oo gumaaday Falastiin

Viewing all 3980 articles
Browse latest View live