Quantcast
Channel: Harowo.com | HarawoNews – Somalia Information & Analysis
Viewing all 3980 articles
Browse latest View live

Muhandiska Weyn Wasiirka Arimaha Dibada Dr Beyle oo degay Maanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Hees kale oo aan idiinka hayno”Maxaad Muqdishooy Aniga Qalbiga Ii Maroojisaa”!!!

$
0
0

Intii Mayay xoogan iyo mahiigaan soo cartamay masiibada daadku wado Misciriraha reerka iyo,……..  intaanu maqaaqulkiyo mareegaha kaala tegin adoo iska moosi lahaa…… Muskaaga adkeysan lahaa, adoo muruqaaga iyo maankaaga la kaashan lahaa,…….Maxaad muqdishooy cidkale marriin ugu raadisaa!! tan iyo maacuudinteed haasaawaha meesha yaal……….. Hadeerna malaha banaan bal soo joogsoo i maqal….!!


Madaxweynihii Hore ee Maraykanka George W. Bush oo Lagu Qabtay Daroogada Khatarta ah ee Cocaine-ka

$
0
0

DALLAS (HAROWO)–Madaxweynihii  hore ee dalka Maraykanka George W. Bush, ayaa ciidammada bilayska magaalada Dallas ee Gobolka Texas habeennimadii Salaasadu soo galaysay xabsiga dhigeen, kadib markii ay ku qabteen isagoo sita daroogada halista ah ee loo yaqaan Cocaine-ka.

Ciidammadu waxay sheegeen in hawlgal waddooyinka lagu qaaday ay ku qabteen Madaxweyne Bush oo daroogadaas gaadhigiisa ku wata, kadib markii ay ka shakiyeen gadhigiisa oo leexanaya, bixin waayeyna calaamadaha leexashada amma laydhadhka muujiya in gaadhigaas leexanaayo, balse ay yaabeen markii ay arkeen Madaxweynihii hore, iyagoo ka shakiyey in wax ka khaldan yihiin, waxaanay xaqiijiyeen inuu daroogo isticmaalay, kadibna ay baadhitaan ku sameeyeen gaadhigiisa, lagana helay xashiishadaas halista ah.

“Waxaannu qabanay gaadhigiisa oo aanu damacsanayn in aanu u goyno tigidh ganaax ah
kadib markuu khalad galay, marki hore  saxiibkay iyo anigu waannu eegnay cida gaadhiga saaray, balse Bush baa kaftan nagu soo tuuray ahaa in haddii aanu sawir la galayno uu diyaar u yahay, waxaan ka dareemay inuu yara  sakhradaysan yahay, indhihiisana waxa ka muuqday inuu xashiishadaysan yahay,” ayuu yidhi sarkaal gacanta ku dhigay Madaxweynaha oo la yidhaa Charles Cane.

Cane waxa uu intaa ku daray in aakhirkii ay daroogada Cocaine gaadhiga Bush ka heleen, halka uu isku dayey inuu labadaas sarkaalba laaluusho oo ay iska daayaan xadhigiisa, markii uu ku guul darraystay laaluushkana uu ugu hanjabay inuu FBI u diri doono, sharciga uu doonana uu jebin karo maadaama uu Madaxweyne soo maray.

“Waxaan jebeyey sharciyo badan markii aan Madaxweynaha ahaa, idin maan arag, idinkoo isku dayaya inaad I xidhaan, sannado badan baan daroogadan isticmaalaayey, waxaan xataa qarxinaayey madaxyo iyo lafo dad, markii aad carruurtiina la ciyaarayseen, waxaad doonaysaan oo kaliya inaad magaciina wargeysyada ku aragtan,” ayuu Bush ugu hanjabay askartaas.

Sarkaalka xidhay oo ka hadlaaya sida uu Madaxweynihii hore ee Maraykanku isugu dayey laaluushkooda wuxuu yidhi; “ In la xidhaa aad bay u adkayd, balse sarkaal boolis kumaan noqon inaan go’aanno jilicsan qato, wuu I baryey, ina niska dhaafana wuu isku dayey, laaluushna wuu isku dayey inuu I siiyo, markii dambena waabu i aflagaadeeyey, balse sidaas buu sharcigu dhigaya, qofna kama dalbanayno in aanu si khaas ah ula dhaqano, dana kama lihi cidaad tahay.”

Madaxweyne George W. Bush qareennadiisu wali kamay hadal arrinkaas, balse waxa markiiba lagu sii daayey damiin dhan $5,000, waxaannu xabsiga ku jiray muddo dhan 6 saacadood oo uu ku jiray halka maxaabiista lagu xidho.

Heestii NADIIFO CULUSOW iyo Sheekoyinka Qosolka Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya “Haduu Mid ku yiraahdo Hebelbaa uur leh”

$
0
0


As we Somalis go through many Junes and Julys ( National Independence  months), we hope for a better June and July the following year but, sadly, things only continue to get worse. Every year brings more misery and tragedy  than the last, with news of horrific events emerging  all the time.  Of course, some of us,  perhaps the majority of us oblivious to the reality on the ground and totally blinded by trivial issues, live in utter denial of the situation. With sad inevitability, we must realize we are a wasted generation . Somalis as a recognized and distinct African Ethnic group may no longer exist 25-30 years from now,  if the current trend of lawlessness and bloodshed continues. And this is all of our own making. No amount of blaming of others will change the reality, so let us get real for once!!

Here is a story in a lullaby, sung by Nadiifo Culusow to her six-month old son, Hanad Abdullahi Mohamed, as he lay dying on her lap, under the shade of a tree on the outskirts of Mogadishu, sometime early last year. Nadiifo, her teenage daughter Khadija, her husband Abdullahi and her teenage son,  Hassan, are working in their small shop at the Bakara market in Mogadishu. It is late in the evening and they are about to close. Then some 5-6 armed men kick their door open, they ransack the place and start shooting. They immediately kill the husband and seriously injure Hassan. They then start gang raping Khadija and her mom Nadiifo. After completing their rape and looting, they take khadija and leave. Nadiifo, who has passed out, opens her eyes some 30 minutes later. She is drowsy and semi conscious. She quickly grabs little Hanad who has now stopped crying. She opens the door, looks around and confirms the death of her husband but cannot see the rest of her family. A trail of blood out of the door indicates that Khadija and Hassan have left the dukaan bleeding. She tries to collect herself, struggles to get up with Hanad in her arms,  looks outside and sees neighbors, all in a state of panic, fleeing. She staggers out of the shop and starts  walking with the flow.

Some sixteen hours later, Nadiifo finds herself under a tree with a group of other women, some of whom arrived earlier. There are some corpses around and lots of vultures feeding on them. Night falls and fear grows as vultures and wild scavenging animals get dangerously closer to these helpless people, the vultures sometimes stabbing with their beaks to test if the weak and wounded are dead yet.

Hanad is no longer able to play or even cry. He is too hungry and too tired. His movements are becoming increasingly limited. This is a tremendous worry to Mom. Eventually he does start crying in desperation, with hunger and pain. Nadiifo, as any responsible Somali mother would do, tries to sing for him.  She is in a great pain herself and can hardly raise her voice. But motherly responsibility dictates that she sings to him. In Somali culture, a lullaby is talking to the child, telling him/her about the heroes of the family, his father, uncles and siblings, how bright his/her future is, and all the good things in life.

This challenge of their desperate plight does not deter Nadifo from singing a song. She tells him about the situation as it is: dire, dangerous and about the reality that they may not make it to the next morning!!

If you think that this song does not do justice to the situation and I am limited by my knowledge of the language. I plead guilty. I have been away for too long. I invite Somali poets and song writers to kindly come to my rescue and do a piece.
So, here it is:  Nadiifo Cullusow and her lullaby to her son Hanad.
Hobeeyaa hobeehey hobeeheeyaa
Hooyo hobeeyaa hobeey hobeehey yaa
Hooyo maarkaad Hanadoow gamaarto
Markaan hugunkaaga waayo
Markaad hinqanweydo gaajo
Markaad hidinweydo sheeko
Hadaaqu markuu yaraado
Ayuu hadaw igu shidmaaye
Wadnuhu hoos ii go’aaye
Ha ooyine hooyo aammus

Waxaad beerka uga higgootay
Harraad iyo gaajo weeyi
Intaan subag kugu habaayey
Horaaddada kuu salaaxay
Intaan harag kuu bisleeyey
Haddaan heliwaayey caawa
Wixii aan hidin karaayo
Hooyiyo waa caadadeede
Bal aan hees kugu qaboojo
Ha ooyine hooyo aamus
Hobeyaa hobeey hobeeheeyaa
Hoy iyo aqal baan lahayne
Halyey odayaan lahayne
Habliyo dhallin baan lahayne
Shaqiyo hanti baan lahayne
Intiiba halkaan ka joogno
Hilbii inanteenna suubban
Markuu haadku iga boobay
Markii inankayga Haybe
Haanrraawuhu iga dul qaatay
Habliyo wiil waxaan danbbaabay
Halyeygii aabbahaa
Adoo keliyaan hayaaye
Heddeenna Allaan U dhiibay
Wixii aan hidin karaayo
Hooyiyo waa caadadeede
Bal aan hees kugu qaboojo
Ha ooyine hooyo aamus
Hobeeyaa hobeey hobeeheeyaa
Hooggeenniyo baylahdeennaa
Haddeer cidladaan yaxoobno
Waxaa haad iyo waraabe
Kurtii ina habar dugaagga
Hanrraawe innoo shiraaya
Inuu hilbaheenna quuto
Habeenka sugaaya caawa
Dhammaan lagu soo heshiiyey
Wuxu hilibkayku qaadhay
Waxaan ilmo hililiqleeyey
Annoo hinqanwaaya daaye
Aniga hurddo iima taallo
Heddeenna Allaan u dhiibay
Wixii aan hidin karaayo
Hooyiyo waa caadadeede
Bal aan hees kugu qabbojo
Ha ooyine hooyo aamus

Hobeeyaa hobeeheey hobeeheeyaa
Hummaagga wax baan arkaaye
Hirbaa meel iiga muuqda
Hillaacbaa ii baxaaya
Dhibaatada haysa beesha
Waxaa cadow nagu hareersan
Inuu Rabbi nooga hiisho
Inuu kor innaga hadheeyo
Balaayo innaga hagoogo
Heddeenna inuu badbaadsho
Habeen kale noogu deysto
Inuu hogol soo darroorsho
Habaaskiyo dhiigga maydha
howraarsan ma ii tidhaahdid
Wixii aan hidin karaayo
Hooyiyo waa caadadeede
Bal aan hees kugu qaboojo
Ha ooyine hooyo aamus
Hobeeheey hobeeheey hobeeheeyaa
Wixii dalka hooyo gaadhay
Halyeyiyo wixi ka lee’day
Wixii hoobiye is dhaafay
Waxay xabbaddu is hadhaysay
Xaggee la innaga haabaaray
Danteen uma soo hongoobin
Wax kale uma soo hanqaarmin
Wixi hanti reerka taallay
Waxaan harar iyo dareemo
Xariir ku habeeyey raarta
Adduunyo waxaynnu haynnay
Haylahan madhan baan wataaye
Adoo keliyaan hayaaye
Heddeenna Allaan U dhiibay
Wixii aan hidin karaayo
Hooyiyo waa caadadeede
Bal aan hees kugu qaboojo
Ha ooyine hooyo aamus

Hobeeheey hobeeyheeyaa
Haddaad hanadoow badbaaddo
Hadduu kuu hiisho eebbe
Iskuullo haddii ad aaddo
Wixii  horor iyo warraabe
Cadaawe inoo heshiiyey
Haanrraawe dadkeenna boobay
Wuxuu dhiiggeenna heenshay
Wuxuu ku hiraabtay jiidhka
Isoo wada haadinteeda
Ogaanta wixii hallaabay
Wixii hirgalee ka cayntay
Maxaa hawl kuu dambbeysa
Haddaad geedkiyo hadhkiisa

Hoobeey ugu yeedho beesha
Haasaawe gobeed bilowdo
Hillaac ku salaysan geeddi
Horweynta tidhaa ku daaji
Amma ad ku hammooto aarsi
Dagaalka u  heensa  qaaddo
Adduunka hareereheenna
Markay habarwacasho gaadho
Dad kale waxba haysku hawlin
Djibouti ka raadi hiillo
Hubaal olloggeenna weeyi
Hilbaha iyo jiidhka weeyi
Alloo soo hadeeya daaye
Qof kale hoo kama filaayo
Darbbaa ishambbaraacinteenna
Hogeenniyo baabe’eenna
Hoggaanli’idenna maanta
Inay talo faro ka haaddo
Inaaan dulligaa ahaanno
Darbbaan talo kaleba haynne
Haleelo ku maala taase
Haasaawiyo sheekakadooda
Inaad hansalkaba ka qaaddo
Kuwaa waxba ha u helloobin

Intaa sasan hidin karaaye
Ducaan kuu xambbaarshey hooyo
Hortaadiyo baallahaaga
Hoodaan ku dallaalimeeyey
Heddeenna Allaan u dhiibay
Ha ooyine hooyo aamus
DR. Abdirahman D. Beileh

London: Gabadh Muslim ah Oo Markii U Horeysay Taariikhda Wasiir ka noqota Ingiriiska oo is casishay kadib markii ay u adkeysan wayday….

$
0
0

imageSayeeda Warsi, oo aheed Wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Briten ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkaasi, iyadoona sabab uga dhigtay iscasilaadeeda colaada ka aloosan Magaalaa Gaza ee dhulka Reer Falastiin.

Warqadda is casilaadeeda ayeey Wasiiru dowlihii xafiiska arrimaha dibadda ku sheegtay in ay aaminsantahay in siyaadda hadda ee xukuumada Briten ku shaqeeneyso ay dhaawacday sumcadii caalamka ay Briten ku leheyd .
Wasiiradan Jagadeeda ka tagtay ayaa tilmaantay in dhibaatada ka taagan Magaalada Gaza ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin , waxa ayna intaa raacisay in Ciimamada Yahuuda ay halkaasi ka wadaan howlgalo ka baxsan bani’aadanimada.

 

Mucaaradka iyo xubno katirsan Baarlamaanka Dalka Briten ayaa Rai’sul wasaaraha Dalkaasi David Cameron, ku dhaleeceeyay in uu indhaha ka qarsaday oo uusan  cambaareyn Duqeynta ay Ciidamada Israa’il ka geesanayaan Magaalada Gaza oo lagu dilay dad badan oo Shacab ah.
Sayeeda Warsi ayaa aheed gabadhihii ugu horeesay oo Muslim ah oo kamid noqota Xukuumada Briten, waxa ayna gabdhan is casilaadeeda ku muujineysay sida ay uga xuntahay xasuuqa Yahuuda ku heyso dadka reer Falastiin.

Daawo: Cabdi Qeybdiid oo Si Cadho Leh Ugu jawaabay C/wali gaas & Xiisad cusub

$
0
0

Cabdi xasan Cawaale Qaybdiid Madaxwaynaha maamulka galmudug oo qayb ka ahaa Heshiiskii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee maamulka Loogu samaynayey Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa si cadho leh uga jawaabay hadalkii kasoo yeedhay Madaxwaynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland markii uu ahaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ka qeybgalay shirarkii maamulkan loogu gogol xaarayay ee Garoowe 1, Garoowe2 Iyo Gaalkacyo.Wuxuu sheegay in Gaas uu raali ka ahaa in la sameeyo maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe isla markaana Maanta oo uu Hogaaminayo maamulka Puntland aysan caqli ahayn inuu hor istaago.

Goobtii Lagu Ballansanaa In Bishan Lagu Qabto Shirka Beelaha Gadabuursi oo Dabayl loo soo diray iyo Su’aal ka dhalatay. DAAWO MUUQAAL

Dawladda Jabuuti oo si qarsoodi ah ugu soo celisay Somaliland 6 ka Mid ah Maxaabiistii Hore Loogu Dhiibay oo si ba’an loo Jidh-dilay,Mid ka mid ahna la sheegayo Inuu Dhintay

$
0
0

torture

Dawladda Jabuuti ayaa 02-08-2014 si Qarsoodi ah ugu soo celisay Lix qof oo ka mid ah Toddobadii qof ee ay Xukuumadda Somaliland u dhiibtay, kadib markii Dawladda Jabuuti ku Eedaysay inay xuduudkeeda uga soo talaabeen ka hor intii aanay Qaraxa ka fulin Dalkooda.

Ilo wareed Muhiim ah oo aan ka soo xiganay warkan ayaa sheegaya in Lixda Maxbuus ee la soo celiyey si arxandaro ah loo jidh dilay isla markaana ay qabaan dhaawacyo halis ah oo qaarkood Naafeeyey, kuwo kalena Xiska(Maskaxda) ka Dilay.
Halka mid ah mid ah Maxaabiistaas ay Jabuuti iyo Somailand isku gudbiyeen uu u Geeriyooday Jid Dilkii lagu sameeyey dartii, kaasoo Ishawarkan aanu ka helnay sheegtay in uu yahay wiilkii ka shaqayn jiray Xawaaladda JUBBA.

Warkan ayaa daboolka ka qaadaya in laba ka mid ah Lugaha iyo Gacmo isweydaar ahi bakhtiyeen ama go’eenba, halka mid ka mid ah uu waashay, balse laba ka mid ah aan illaa hada la ogayn khasaaraha jidheed iyo Maskaxeed ee soo gaadhay mid toona.
Warkan waxa uu sheegayaa in laba gaadhi oo ka mid ah kuwa Sirdoonka Jabuuti maxaabiistan lagu soo celiyey Somaliland lagaga soo talaabiyey magaaladda Lawyacado, isla markaana la soo lugaysiiyey, halka markii Dawladda Jabuuti qaadanaysay diyaarad khaas ah lagaga qaaday madaarka Hargeysa.

Ilo wareedka warkan aanu ka helnay waxa uu sheegaya in Lixda Maxbuus markii Somaliland lagu soo wareejiyey mid kasta si gaar ah loogu xidhay xabsiyada Goboladda Dalka si aan loo ogaan soo celintooda iyo dhibaatada ay qabaan ee ka soo gaadhay Jidh Dilkii lagu sameeyey.
Xukuumadda Somaliland iyo ta Jabuuti toona wali kamay hadal soo celinta dadkan la Jidh Dilay ee aan illaa hada sharciga la horgeynin, hase yeeshee wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa hore u sheegay in Dawladda Jabuuti soo celinayso marka ay baadho.

Wasiiro, Saraakiisha Sirdoonka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ayaa Jabuuti u socdaalay maalmo kadib markii maxaabiistan ay Jabuuti qaadatay, hase yeeshee illaa hada lama oga socdaalkoodaasi in uu qayb ka ahaa baadhitaanka ay labada Dawladood sheegeen in ay si wadajir ah ugu samaynayaan dadka loo hayo qaraxii ka dhacay Jabuuti iyo In ay u xalaalaynayeen Dacwadda loo haysto oo aan Hay’adaha Garsoorka Somaliland soo marin.

Eheladda Maxaabiistan la soo celiyey ayaa canbaarayn xoogan oo la xidhiidha xadhigooda ujeediyey Dawladaha Jabuuti iyo Somaliland, waxaanay ku eedeeyeen inay sharciga Dalka u yaala baal mareen, hase yeeshee Somaliland wax jawaab ah kamay bixin Eedayntooda, waxaanay xilligaas dalbadeen in dib dalka loogu soo celiyo oo Cadaaladda la mariyo.

Warkan ayaa haddii uu jiro ah mid Xukuumadda Somaliland Canbaar ku ah, isla markaana noqonaya Taariikhda markii koowaad ee Dad ay Somaliland Jabuuti u dhiibto la soo gaadhsiiyo waxyeelo bini’aadnimo oo noqonaysa tii ugu xumayd Abid.

DAAWO Qadhmuunka Hargeysa yaal inay tahay hoygii qabyaalada iyo isgoolkii lagu baranayay oo laga furay. CASHARKA 1AAD


VIDEO: Xaabsade oo ka baxsaday S/land iyo Hadal uu jeediyay labo bilood ka hor

$
0
0

Buuhodle (Harowo) Axmed Cabdi Xaabsade ayaa mudooyinkan danbe ku sugnaa magaalada Jig-jiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka dib markii maamulka Hargeysa buul ka dhigay, isla markaana arrimaha deegaanka uu ka soo jeeda aanu maamulkaasi waxba ka weydiin sida uu isagu sheegay dhawaan mar uu warbaahinta ka hadlay.

Xaabsade ayaa lagu soo waramayaa in uu haatan u joogo deegaanka Jigjiga sidii uu wadahadalo ula gali lahaa Maamulka Khaatumo , isla markaana uu halkaasi u gaadhi lahaa, wararku waxay intaasi ku darayaan in Xaabsade oo isha ku hayey muddooyinkii ugu danbeeyey sida loola dhaqmayo Kayse Cabdi Yuusuf oo dhawaan isagu yimmi deegaanka Saaxdheer.

Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in ay jiraan xidhiidho ay maamulka Garoowe la soo sameeyeen Xaabsade isaguna soo dhaweeyey, arrintan oo salka ku haysa gogoshii uu sheegay in uu fideyey Cabdiwali Gaas madaxweynaha Puntland markii uu xilka qabsaday , uuna sheegay in uu Bulshada Sool, sanaag, Iyo Cayn iyo maamulka Puntland u qaban doono, waxaanu maamulka Puntland aad u danaynayaa in rag badan oo Xaabsade ka mid yahay mar uun ka soo dhex muuqdaan Magaalada Garoowe, si loogu lifaaqo Garaad Saleebaan , isla markaana loo muujiyo in raggii Puntland wax ka dhisay dib u soo noqdeen.

Joogitaanka Xaabsade ee magaalada Jigjiga ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli ay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Hargeysa ay cakiran tahay , isla markaana ay sii kala fogaadeen maamulkaasi, isaga oo uu Xaabsade aad u danaynayo in uu mar uun ka soo dhexmuuqdo magaalada Saaxdheer oo haatan uu ka socdo shirka maamul goboleedka Khaatumo.

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ahaa ninkii Laascaanood gacanta u galiyey maamulka hargeysa 15.10.2007 , ka dib markii uu ka soo cadhooday maamulka garowe.
DAAWO HADAL UU JEEDIYAY LABA BIL KA HOR INTAANU KA BIXIN HARGEYSA

Jaaliyada S.land ee ingiriiska Ee Jufada Siiraanyo loo nacay oo gidaafadaha dhexdooda iyo Gidaarada London ku qaabilaya M/weynihii S.Land. DAAWO FADEEXAD

DEG DEG: Nin Itoobiyaan ah oo Xidhan Dharka Dumarka iyo Niqaab oo lagu Qabtay Boorama. DAAWO MUUQAAL

Warcusub: M/weynaha Jabuuti oo ka nixiyay Xasan sheekh markii uu wadamada caalamka uga digay inay LACAG gacanta u galiyaan DF Soomaaliya

$
0
0

Iyadoo uu shir Ballaaran maalmahaani Madaxda Qaarada Afrika uu uga soconayo Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, ayaa waxaa Madaxda Caalamka looga digay inay dhaqaalaha ka imaanaya Beesha Caalamka faraha u galiyaan Dowlada Federaalka Somalia.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Beesha Caalamka uu uga digaayo in Dhaqaalaha loogu tallo galay Dalka Somalia, ay u gacan galiso Madaxda Somalia ee ku shaqada leh qabashada dhaqaalaha.

Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ay qaadato dhaqaalo, balse aysan ugu faa’iideyn Bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Geelle waxa uu Daboolka ka qaaday in wajiga lagu siin lahaa dhaqaalaha Dowlada Federaalka uu yahay xaqiijinta Ammaanka, balse ay ku fashilintay Ammaanka iyo Horumarka Somalia.

“Wan ka digeynaa in dhaqaalaha loogu yaboohayo Somalia loo gacan galsho Madaxda Somalia, waayo dhaqaale aan caadi aheyn ayaa la siiyay mana muuqato waxa ay ku qabteen, Ammaanka Dalka aad ayuu u hooseeya, Horumarna maba dhicin’’ Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Gelle oo walaac ka muujiyay qaabka ay ku socdaan Madaxda Dalka Somalia.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku baaqay in lagula xisaabtamo Madaxda Somalia dhaqaalaha la siinaayo, loona marsiiyo Hay’adaha arrintaasi ku shaqada leh.

Xildhibaanada Maamulka Khaatumo oo la dhaariyay iyo Xubno la siiyay qaar ka mid ah Beelaha Daarood ee Kililka 5aad

$
0
0

XILDHAANO-KHAATUMO

Waxaa magaalada Saaxdheer oo ka furan yahay Shirwaynaha Khaatumo3, Maanta   Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Golayaasha kala duwan ee maamulka khaatumo lagu dhaariyey Qaarkamid ah Xildhibaanada Dalwad Goboleedka maamulka khaatumo.

Tirada guud ee Xildhibaanada Dawlad Goboleedka khaatumo ayaa waxay Noqonaysaa32 Xildhibaan,  waxaana Shirkii  maanta Lagu dhaariyey 19 Xildhibaan oo soo gudbey oo laba kamida ay ahayd dumar, Waxaana sidoo kale la filayaa Xildhibaanada  inta dhiman  in la dhaarayo Waqtiyada soo aadan, Kuwaasi oo soomaraya gudiga Ansixinta.

Shirkaan ayaa waxaa Hadalo kasoo Jeedeeyey Madaxwaynaha maamulka khaatumo, Garaad Maxamuud Cismaan Mashaqare, Pro Cali Khaliif Galaydh iyo waliba Masuuliiin kale.

Siilaanyow Dalkii Shalay Wanaagsanaa Sawkan Kugu Dumay

$
0
0

Maa maah somaliyeed ayaa tidhaahda ( Somalidu ninka ay adhiga raacistiisa kala quustaan ayey Geela u dirsadaan)kaasi waxaa ka dhigan Siilaanyo oo Hogaankii SNM la eryey 1990 markii uu wadi kari waayey ee uu 6 lixsanadood hayey ayey reer somaliland Madaxweyne ka dhigteen.

Xiligii SNM,siilaanyo wuxuu ku maamulayey tabihii iyo khiyaamadii uu ka soo bartay macalinkiisii Siyaad Barre wuxuu sameeyey Qaybi oo xukun,Qabyaalad,Qaraabakiil,Eex,Cadaalad xumo,iyo Musuqmaasuq ,waana tii aakhirkii isaga oo sharaf dilan laga eryey Gudoomiyenimadii SNM.

 

Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Dahir Rayaale Maalintii uu Siilaanyo xilka ku wareejinayey 27 july 2010 ,wuxuu Siilaanyo ku yidhi( Waxaan kugu wareejinayaa Dal iyo Dad Mida oo wadajira oo gacmaha ishaysta) runtii waa odhaah taariikhda somaliland gashay,taasi waxay inoo cadeyneysaa in Mudane Daahir ogaa kana dheregsanaa afcaasha iyo qaran dumisnimada Siilaanyo la maagan yahay Dalka iyo Dadka.

 

Hadaba meeyey dalkii iyo dadkii midka ahaa ee Mudane Dahir ku wareejiyey Siilaanyo sowkan dalkii iyo dadkii ka qubanaya Dawga Shiikh,Shacabkuna waxay leeyihiin Siilaanyow Dalkii Shalay Wanaagsanaa Sawkan Kugu Dumay.

 

Somalilandcitizen

Cuqaasha Gobolka Awdal oo Suldaan Guud u doortay Badhasaabka Gobolka Cabadoo Axmed Aayar.

$
0
0

cabdoo

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar waxaa loo soo Magacaabay Gobolka Awdal Horaantii sannadkii 2013, taas oo uu ku yimid isku badalkii Gudoomiyayasha Gobolada Dalka.

Cabdoo Axmed Aayar waxa uu horay uga ahaa Gudoomiye Gobolka Togdheer kaas oo aad uga dhex muuqday wax qabadka iyo Horumarinta ka Socota gobolka Togdheer, Gaar ahaa magaalada Burco.
Dadwaynaha ku dhaqan gobolka Awdal waxa ay filayeen maalinkii loo soo badalay in uu u yimid Gudoomiyihii wax qabadka iyo Horumarku. Lakin xaqiiqadu way ka duwanaatay sida ay moodayeen dadku.
Waxa uu ku can baxay safarka hargaysa oo ugu yaraan 48 sacadoodba hal mar ayuu gaadhi jiray magaalada Haraysa taasi oo shaki badan ku abuurta dadwaynaha ku dhaqanka Gobolka Awdal.
Mudooyinka danbe waxa soo baxay Kulano ay yeelanayeen Cuuqaasha iyo wax garadka Gobolka taasi oo ay ka muuqatay is afgarad iyo isku soo dhawaansho u dhaxaysay Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka iyo wax wada qabsi, hasayeshee Gudoomiye Cabdoo aayar waxa uu bilaabay sidii uu u dhex gali lahaa Cuuqasha iyo wax garadka Gobolka Awdal, wuxuuna bilaabay kulano kharriban oo uu odayada kaga leexinayo majarihii ay ku socdeen.

.
Kulankii ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka 01.07.2014  wuxu u dhexeeyey Gudoomiye Cabdoo Aayar iyo Cuuqasha Gobolka, ujeedadiisuna waxay ahayd inuu cuqaasha ka dhigto gole isaga hoosyimaada. Wuxu bilaabay hab dhaqankii madaxdii gumeysiga Ingiriisku ay kaabbo-qabiilada kula dhaqmi jirtay cahdigii gumeysiga.  Wuxu tijaabiyay inuu odayada ku maamulo gunnaha yar ee xafiiskiisa uu ka bixiyo,iyaguna ay iska illaawaan ka hadalka danaha bulshada ay matalaan wuuna ku guulaystay arrinkii.

cuqaal

Badhasaabku waa  wakiilka xukuumada, shaqadiisuna waa horumarinta gobolka iyo ilaalinta siyaasada xukuumada uu wakiilka uga yahay gobolka. Waxa loo igmaday inuu hay’adaha dawlada kula xisaabtamo waxqabadka gobolka, laakiin cabdoo aayar wuxu u shaqeeyaa taa cagsigeeda. Habayaraatee kuma hammiyo horumarinta iyo waxqabadka gobolka Awdal, wuxu ka shaqeeyaa hagardaamadiisa hawsha uu hayaana waa basaasnimo iyo kala fogeynta bulshada reer Awdal oo kaliya.

Halkii uu siyaasada xukuumada ka ilaalin lahaa ee uu baahida gobolka soo koobi lahaa, wasaaradaha dawladana waxqabadkooda kula xisaabtami lahaa wuxu ka doorbiday inuu dhaqanka faraha la galo oo uu gobolkii ka samaysto gole dhaqan oo uu isagu maamulo.
Dhanka kale , waxa Magaalada Borama Laga qaadey Dirawaladii Baabuurta u baxda Jabuuti Kuwaas oo inta laga ururiyey Magaalada Borama loo gacan galiyey Dawlada Jabuuti  mudo ku dhaw 60 maalmood ayey ku xidhnaayeen Xabsiga qarsoon oo ku yaalla Jaabuti, halkaas oo habeen iyo maalinba lagu jidh dilayay ugu dambeyntiina sida la sheegay cajilkoodii lagu tuuray jeelasha ku yaal Somaliland iyagoo naafo ah arrinkaana waxa masuuliyadiisa koowaad qaadaya Cabdoo aayar.
Sida aynu wada Ognahay waxa Magaalada Jubuuti ka dhacay Qarax Laga soo maleegay Magaalada Hargaysa kaas oo danbigiisiina lagu qaadayo Dadka ku qadan Gobolka Awdal.
Hada Su’aasha is waydiinta Mudan waxa ay tahay
Maxay salaadiinta iyo cuqaash gobolku  uga hadli waayeen Tacadiyada loo gaysayanayo Dadkooda ?
Ma garasho la;aan bay ka tahay mise cabsi, maxay u fahmi laayihiin cadaawada Cabdoo Aayar ?
Rajadii iyo Ididiiladii Ku jirta dhalinta reer Awdal ee ay lahaayeen hada ayaan Midawnay oo aan ka baxaynaa Gumaysiga Somaliland waxa uu isku badalay in cuuqaashoodii uu Gudoomiye cadaw ku ah oo loo soo diray in uu soo basaaso uu wax u yeedhinayo oo ay si fiican u dhagaysaynayaan cid hadli karta isaga la’aantiina aanay jirin, waana sababta aad sanadkii u dambeeyay u waydeen oday hadlaya oo ka hadlaya dhibaatooyinka horumar la’aaneed ee xukuumada siiraanyo ka haysta degaankiisa iyo bulshada uu horjoogaha u yahay.
Isku soo wada duuboo, cadaadiskan iyo cadaalad darradan sii badanaysaa waxa ay gabagabada keeni doontaa in ay dadka rer Awdal ka gilgishaan oo ay dantooda u istaagaan .


Xabad-joojintii ku meelgaadhka ahayd oo dhamaatay iyo Xasuuqii shicibka Falastiin oo saaka dib u bilowday markale. VIDEO

Daawo Xidhiidhka Ka Dhexeeya Xanuunka Ebola iyo Hilibka Daanyeerka oo aad looga cuno wadamada…

Waan hubaa Muuqaalkani Wuxu Noqdon doonaa Midkii kuugu la yaabka badnaa ee aad daawato Noloshaada

Muran ka dhashay Daanyeer Sawir iska qaaday oo maxkamad gaadhay. DAAWO

$
0
0

Barta internetka ee Wikipedia, ayaa diiday dalab uu u soo jeediyay sawir qaade, codsaday in ay websitekooda ka saaraan tiro sawirro daanyeer. Waxay ku doodayaan in sawiradaas uu iska qaaday daanyeeerku oo cidna aysan sawirkaas lahayn, Laakiin David Slater oo ah sawir qaade British ah ayaa sheegay in isagu uu leeyahay sawiradaas maadaama uu daanyeerku adeegsaday kameerad uu isagu leeyahay.

Slater ayaa sheegay in daanyeerku riixay ama uu nabay kaameradiisa meesha loogu talagalay in la riixo marka sawirada la qaadayo.

Wikipedia waxa ay rumaysan tahay in inkasta oo sawirradaas lagu qaaday kameradda Slater, haddana uusan lahayn xuquuqda sawirkaasi maadaama uusan sawirqaaduhu gacantiisa ku qaadin.

Kathren Maher oo ah Afhayeen u hadashay Wikimedia Foundation ayaa sheegtay in sharciga Maraykanku uu dhigayo in qofina uusan lahayan xuquuqda sawirkaasi.

Nala Daawo Riyaayad xiiso leh oo la baxday Jaceyl Xaasid ma waayo

Viewing all 3980 articles
Browse latest View live